Home » Ramadan »

Ramadaanku waa fursada Cumriga|Q-4aad

Bishan Ramadaan waa Bil mudan inuu weyneeyo ruux walba oo Muslim ah kuna farxaa inuu ku gaaray Nolol iyo Caafimaad waayo waxaa jira dad badan oo soomay sanadkii tagay maantana ka mid ah ahlu qubuurka oo sugaya in lagula xisaabtamo maalinta Qiyaame wixii ay hor marsadeen, ama waxaa jira kuwo bukaan ah oo nool weli laakiin aan awoodin in ay Soomaan, sidaa darteed markaana waa inuu u istaagaa ka faa’iideysiga Maalmaha iyo Habeenada barakeysan ee Bishan Ramadaan, hadii kale waxaa hubaal ah ruuxuu aan ka faaiideysan in uu maalinta Qiyaame ka shalaayi doono fursadihii uu dayacay maalintaasoo shalaay uusan waxba u tari doonin

أَن تَقُولَ نَفْسٌ يَا حَسْرَتَى علَى مَا فَرَّطتُ فِي جَنبِ اللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ السَّاخِرِينَ

أَوْ تَقُولَ لَوْ أَنَّ اللَّهَ هَدَانِي لَكُنتُ مِنَ الْمُتَّقِينَ أَوْ تَقُولَ حِينَ تَرَى الْعَذَابَ لَوْ أَنَّ لِي كَرَّةً فَأَكُونَ مِنَ الْمُحْسِنِينَ

Oo Macanaheedu yahay:

Ama odhan nafu shalytideydii waxaan ku gaboodfalay cidbaada Allah, waxaana ka mid ahaa kuwa jees jeesa.

(Aayada 56: Zumar)

Ama ayan odhan haddii Alle ihanuuniyo waxaan ka mid noqon lahaa kuwa dhoowrsan.

(Aayada 57: Zumar)

Waxaa uu yiri nin Gabya asagoo tilmaamaya sida bilaha qeyrkooda u dhaamado si dhaqsa ah ayadoo dadka badankiis aysan ka faaiideysan:-waa tagay Rajab adigoon waxba wanaag ah sameynin, midkaan waqtigiisa dayacayoow jahli dartiis, mardambaad macaanada aduunka weyn doontaa, ee ka gaar wixii gafa ah intaad awoodo, si aad nabad uga hesho Jaxiimo, waxaa yimid shacbaan…………dadka dambiyada waa weyn la yimaad waxaa u wanaagsan in ay ka gaaraan…

مضى رجبٌ، وما أحسنتَ فيه *** فيا من ضيَّع الأوقاتِ جهلاً
فسوف تفارقُ اللذاتِ قهرًا *** تداركْ ما استطعت من الخطايا
على طلبِ السلامِ من الجحيمِ *** وهذا شهرُ شعبانَ المبارَكْ
بحرمتها، أفِق، واحذر بَوارَكْ *** ويخلي الموتُ- كَرهًا- منك دارَكْ
بتوبةِ مخلصٍ، واجعل مدارَكْ *** فخير ذوي الجرائم من تدارَكْ

Nabiga Suuban (scw) waxaa uu ku sheegay Xadiis inuu jibriil ku yiri:-Qofkii gaara Ramadaan ee aan ka faaiideysan Naarta allaah haku fogeeyo, markaasuu weliba malaku Jibriil raaciyay dheh aamiin, nabigana waxa uu yiri aamiin.

” من أدرك شهر رمضان فلم يغفر له ، فدخل النار ، فأبعده الله ، قل آمين ، فقلت آمين ” [ أخرجه البخاري في الأدب المفرد وابن حبان والترمذي والطبراني بإسناد حسن ]

oo macnihiisu yahay:

“Qofkii Ramadaan soo gaara oo aan loo danbi dhaafin saasna naarta ku galaa Alle ha ku fogeeyo, dheh Aamiin, waxaan dhahay Aamiin,”

Xadaiiskaan waxa uu tusayaa in Ruuxii aan ka faaiideysan Bishaan Barakeysan uu ku dhacayo habaarkii Malaku Jibriil iyo kii Nabi Muxamad (scw)
Sidaa daraadeed waa inaan laabta galinaa in ay nimco weyn tahay in ruuxii nolol iyo Caafimaad ku gaaraa Bishaan barakeysan loona baahan yahay inuu ku farxaa qof kasta oo Muslim ah sidii ay ugu farxi jireen Muslimiintii horeysay Dadkii wanaagsanaa iyo Culumada waxay illaah ka baryi jiray inuu gaarsiiyo Bisha Ramadaan inta lagu jiro Bilaha kale ee ka horeeya Ramadaan waxayna dhihi jira illaahow noo barakee Bisha Rajab iyo Shacbaan Ramadaana na gaarsii
” اللهم بارك لنا في رجب وشعبان ، وبلغنا رمضان ”
Waxaa xusid mudan in aysan ahayn Xadiis nabiga ka Sugnaaday waana daciif xadiiska la sheego in uu nabiga saas oran jiray:

waxaa ku jira nin la oran jiray: Zaa’idaha ibnu abii raqaad.
(زائدة ابن أبي الرقاد وقد رواه عن زياد النميري.)

Bukhaari: wuxuu yir Ninkaas xadiiskiisa waa munkar
(قال البخاري: زائدة عن زياد التميري منكر الحديث.)

Waxaa weliba loo baahan yahay in Musdlimiinta lagu baraarujiyo fadliga Bishan sida ku cad Xadiiska iyo Quraanka.

Waxaa hadaba intaaas dheer in aan ogaano in soomitaanka Bishaan yahay Tiir ka mid ah Shan tiir oo waa weyn oo Diinkeena Islaamka ku dul taagan yahay, taasoo macnaheedu yahay qofkii awooda ee aan Soomin asagoo wax fasaxa ah ka heysan Shareecada Islaamka in Islaamnimo sax ah heysan.

” بُني الإسلام على خمس : شهادة أن لا إله إلاّ الله وأن محمداً رسول الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة وصوم رمضان وحج البيت ” [ متفق عليه ]

oo macnihiisu yahay:

Islaamkii waxaa lagu dhisay shan:

1. Qiritaanka in uusan jirin Alle (xaq lagu caabudu) Alle ma’oyee,Maxammedna yahay Rasuulkii Alle.

2 Salaada in la oogo( yacnii la tukado oo la wanaajiyo tukashadeeda)

3. Zakada la bixiyo(qofkii xoolo haysta oo ay zakadaii ku waajibtay)

4.Soomidda Bisha Ramadaan

5.Gudashada xajka.

Marka waxaa lagama maarmaan ku ah qofkii doonaya inuu Diinkan oo dhameestiran qabsadaa waa inuu Soonka la yimaadaa maxaa yeelay illaah(cw) waxa uu ku waajibayay Muslim walbaa inuu guto waajibkaas sida ku cad xadiiskan:-

: ” أتاكم شهر رمضان ، شهر مبارك ، فرض الله عز وجل عليكم صيامه ، تفتح فيه أبواب السماء ، وتغلق فيه أبواب الجحيم ، وتغل فيه مردة الشياطين ، لله فيه ليلة خير من ألف شهر ، من حُرم خيرها فقد حُرم ” [ أخرجه النسائي وصححه الألباني ]

oo macnihiisu yahay:

Waxaa idiin yimi Ramadaan, Allana idinku wajibiyay Soonkiisa, waxaa la furaa Albaabada Samada, waxaana la xiraa Albaabada jaxiiima, waxaa kaloo la xiraa shayaadiinta madaxa adag, waxaa ku jirta habeen ka khayr badan kun Bilood, qofkii laga xarimaa khayrkeeda oo dhan waxaa laga xarimay khayrka.

Xadiiskan waxa uu tusayaa waajibnimada Bis ha Ramadaan iyo fursadaha waa weyn ee ku jira Bishan sida in la albaabaha Janada la furayo, in albaabaha Naarta la xerayo,in Shayaadiinta madaxa adagna la xerayo taasoo macnaheedu yahay waxaa jira fursado badan oo hadii aad ka faaiideysataa ay ka dhalankartaa inaad Janada gashaa Naartana lagaa badbaadiyaa, waxaana weliba xadiiska sheegay fursadaha ku jiraa Bishaan waxaa ka mid ah in ay jirto habeen habeenadiisa ka mid ah oo ka badan
xaga abaal marinta wanaagyada la sameeyaa 1000 habeen .
Sidaa darteed ayuu inbu rajab alxambali yiri :

قال ابن رجب – رحمه الله-: “وكيف لايُبشّر المؤمن بفتح أبواب الجنان؟ وكيف لا يُبشّر المذنب بغلق أبواب النيران؟ وكيف لا يُبشّر العاقل، بوقت يُغلّ فيهالشيطان، ومن أين يشبه هذا الزمان زمان؟

Oo macnihisu yahay:

Siduusan Ruux Mu’min ah ugu Bishaareysaneyn furitaanka Albaabada Janada? Siduusan Ruuxa Dembaabay ugu Bishaareysaneyn Xeritaanka Albaabada Naaraha? siduusan ugu Bishaareysaneyn ruux Caqli leh waqti sheyaadiinta madaxa adag la xeraayo? ma waxaa jira xiligaas xili la mid ah?

Waxaa uu weliba Nabiga Suuban (scw) sheegay in bishaan ay furan tahay fursado badan oo lagu helo Dambi_dhaaf sida Soonka, Salaada habeenkii iyo Salaada habeenka Qadarka, hadii si niyad ah oo ajarfilasho ah uu ruuxa ula yimaado arimahaas la soo sheegay

” من صام رمضان إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه ، ومن قام رمضان إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه ، ومن قام ليلة القدر إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه ”
Oo macnihiiisu yahay:

Qofkii u Soomaa Dhab(run) iyo asagoo ajar dalab ah waxaa loo dhafaa danbigii u horeeyay, qofkii u istagaa salaad asagoo Rumaysan, iyo ajar dalab waxaa loo dhafaa danbigii u horeeyay, qofkii u istagaa (salaad) asagoo rumaysan iyo ajar dalab waxaa loo dhafaa danbigii u horeeyay.

Soow nasiib xumo ma aha in Dadka qaar ka dhigtaan Bishaan Barakeyasan Bil Cunto, Cabid ,Hudo,Jiif Ciyaar sida Kubada, turubka iyo Dumlada waxa loo yaqaan oo caado dadbadani ka dhigteen in ay ku gaar yeelaan Bishaan?!!

Soow nasiib xumo ma aha in dhalinteenii badankeen garaneynin ula jeedada uu illaah (cw) Bishaan soonkeeda u waajibiyay?!!
Soow illaah (cw) ula jeeda Soonka Bishaan kama dhigin in (Taqwo) alle ka cabsi looga faaiidiisto?
Soow Bishaan ma aha Bil uu illaah (cw) tilmaamay in uu gaar u leeyahay,abaal gudkeedana uu si gaar ah u bixiyo asagoon xisaabsaneyn

قال صلى الله عليه وسلم : قال الله عز وجل : ” كل عمل ابن آدم له إلا الصوم ، فإنه لي وأنا أجزي به ، والصيام جنة (حجاب) ، فإذا كان صوم يوم أحدكم ، فلا يرفث ، ولا يصخب ، فإن سابه أحد أو قاتله فليقل : إني صائم ، إني صائم ، والذي نفس محمد بيده لخلوف فم الصائم عند الله أطيب من ريح المسك ، للصائم فرحتان يفرحهما ، إذا أفطر فرح بفطره ، وإذا لقي ربه فرح بصومه ” [ خرجه البخاري ومسلم ]

Waxaa kaloo xadiiskan ku tusayaa in Soonku yahay Gaashaan looga dhwrsado Naarta, sidoo kalana waxaa uu tusayaa xadiiskaan in Soonka xaga aadaabtana uu la leeyahay xeriir oo waxaa laga rabaa midka sooman inuusab xumaan ku hadal buuqna galin xataa hadii la aflagaadeeyo ama lala dagaalamana uu dulqaato asaga oo leh wan soomanaha waan soomanahay, maxaa yeelay hadii kale waxaa dhaceysa in ajarkii soonka ka yaraado ruuxii soonaa amaba ka buro halkaasna uu dembi weyn ka Xambaarsado.
Waxaa kaloo xadiiskaan tilmaamay in af urka ku yiimaad ruuxa sooman uu yahay midka wanaagsan xaga allaah (cw) waxa aan carafta ku tilmaano sida Miskiga maxaa yeelay waa ur ka dhashay Cibaado uu illaah (cw) jecel yahay
Waxaa kaloo xadiiskan tusayaa laba farxadood oo waa weyn inuu helo ruuxii sooma , tan hore waa inu u kui farxaa afurka marka uu afarayo, tan labaadna waa inuu farxad weyn helaa maalinta Qiyaame m,arka uu hor istaago Rabi (cw), waxaana uu Nabiga (scw) sheegay in Janada uu ku yaal albaab u gaar ah KUwa Soomida badan oo aysan cidkale albaabkaas Janada ka galin, cidii gashaana waa la waraabiyaa si uusan mar dambe weligiis oon u arag waxaa la yiraahdaa albaabkaas Rayaan.

” إن في الجنة باباً يقال له الريان ، يدخل منه الصائمون يوم القيامة ، لا يدخل منه أحد غيرهم ، فإذا دخلوا أُغلق ، فلم يدخل منه أحد ” [ أخرجه البخاري ومسلم ]
” فإذا دخل آخرهم أُغلق ، من دخل شرب ، ومن شرب لم يظمأ ” [ أخرجه ابن خزيمة وهو حديث حسن صحيح

Waxaa ay nagu baraarujinayaan nusuustaas oo dhan in aan fursadaha Bishaan ka faaiideysanaa kuna faraxsanaanaa , hadiise ay taas dhici weyso amaba uu ruuxa gebi ahaanba soomi waayo waa Dembi aad u weyn Nabiga Suuba (scw) waxaa uu ka digay in ay jiraan dad aan soonka ka faaiideysan waxa uuna yiri:-Waxaa badan ruux sooman oo aan soonkiisa ka heleynin wax ka badan Oon iyo Gaajo..
رب صائم ليس له من صيامه الاجوع والعطش
waxaana hubaal ah dad badan oo aan fursad u aqoon soonka in ay jiraan hadana sooma maadaama dadkii oo dhan ay sooman yihiin, ayagoo aad uga murga Bilashada Bisha aadna ugu farxa habeen walba oo ka mid ah Bisha oo gudba.

Waxaa culimada qaar ka sheegaan in ay jiraan dad aad ugu daadaala cabitaanka Biyaha iyo cuntada maalmaha Soonku soo dhawaado ayagoo oo u maleeyo in Calooshoodu wax sahay ah oo Cunto ah u celin karto, waxaana laga sheegaa inuu nin shaacir ah oo aan soonka Bilashadiisa ku faraxsaneyn yiri:- !

إذا العشرون من شعبان ولّت *** فبادر بالشراب إلى النـــهارِ
و لا تشرب بأقداحٍ صغـارٍ *** فإن الوقتَ ضاق على الصغارِ

Oo macnihiisu yahay:

hadii Bisha shacbaan 20 gaarto waxaad badisaa cabitaanka biyaha weliba adigoo ku cabaaya weelal waa weyn maxaa yeelay waaqttigii weel yar biyo lagu cabi lahaa waa cariiriyoobay!!

Waa murugo in kuwa saas ah aay sheegtaan in ay jecel yihiin Diinka Islaamka oo ku faraxsan yihiin Bilashada Ramadaan, waxaa Muslimiintii hore caado u ahaan jirtay inay illaah ka baryi jireen inuu gaarsiiyo Ramadaan sanadka barkiis ,barka kalana waxa ay illaah ka baryi jireen inuu ka aqbalo Cibaadooyinkii ay sameesteen Bisha Ramadaan ioo sanadka oo dhan waxaa fursad xaga Cibaadaadka ah Muslimiinta uga arki jireen Ramadaan si gaar ah.

waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.