Home » Warar »

Xildhibaan Cawed Axmed Cashara Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Shirkii Kampala

Shirka Kampala waxa uu faduub ku sameeyey Qarannimada Soomaaliyeed, dawlado kale ayaana wakiil ka noqonaya Soomaaliya, ayuu yiri Cashara, waxana uu soo dhoweeyey Hadalkii Raysalwasaaraha DFKMG Farmaajo Uu Ka Horsheegay Qaar ka Tirsan baarlamaanka (Waraysi Cod ah hoos ka dhegeyso)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/casharo_jun2011.mp3]

Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka KMG ah ee somalia xildhibaan cawad axmed casharo oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay sharci daro yahay shirkii kampaala islamarkaana loo baahan yahay inuu baarlamaanku ka hortago sharci daradaasi .

Xildhibaan cawed axmed casharo ayaa ugu horayntii sharaxay in madaxweynuhu xilka ka qaadi karo raysalwasaaraha iyo in kale , islamarkaana galo shirarka siyaasada oo uu sheegay inay arintaasi gaar u tahay xukuumada shirkii kampaalana uu yahay mid sharci daro ah .

Sidoo kale xildhibaan cawed cashara ayaa tilmaamay in raysalwasaaruhu xilka kaga tegi karo inuu xilka iska casilo ,ama dhinto ama gudan waaya xilkiisa ama baarlamaanku xilka ka qaado oo keliya islamarkaana ku tilmaamay in sida ay isticmaaleen labada masuul ee madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanku mid sharciga aan waafaqsanayn.

Dhinaca kale gudoomiyaha warfaafinta baarlamaanka KMG ah ee somalia cawed cashara ayaa soo dhoweeyey kulankii uu raysalwasaaraha xukuumada KMG ah ee somalia maxamed c/laahi farmaajo la qaatay qaar ka tirsan mudnayaasha baarlamaanka somalia oo la sheegay inay ka badnaayeen ilaa 100-xildhibaan taasi ayuu ay horseedayso ku dhaqanka axdiga u yaala dowlada KMG ah ee somalia.

Xildhibaan cawed axmed cashara oo aan weydiiyey su,aal ahayd sida uu arko xanibaada banaanbaxyada iyo xabisida loo geystay dadka shacabka ah ee ay ku jireen ardayda iyo suxufiyiinta ayuu kaga jawaabay inay tahay mid xaaraan ah islamarkaana tilmaamay inuu sharcigu dhigayo in la taageero banaanbaxyada nabadeed ee lagu muujinayo dareenka dadku ay qabaan balse arintani tahay ayuu yiri mid meel kaga dhacaysa xoriyada qofka.

Ugu dambayntii xildhibaan cawed axmed cashara ayaa ku tilmaamay shirkii kampaala mid afduub ku sameeyey qaranimada soomaaliyeed islamarkaana qodobada kazoo baxay shirkaasi oo laysla saxeexday ay yihiin kuwo aan sharciga waafaqsanayn oo dadnimadii somaliyeed ceel ku riday

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/casharo_jun2011.mp3]

Yaasiin faytin
Yaasiinfaytin AT gmail DOT com

Farmaajo oo kulan la yeeshay Xildhibaanada baarlamaanka, kana raali geliyey khaladaadkii hore
 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Xildhibaan Cawed Axmed Cashara Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Shirkii Kampala "

  1. Wanag says:

    SCW/ Dhamaan shacabka waxaa weydiinayaa BARLAMAANKA SHALAY IYO MAANATY KEEBUU SAXSANYAHAY? IYO YAA DIIDAY SOO JEDINTII dOWLADA EE MUDO KORDHINTA hALKA SANO?

  2. Jamaal says:

    Samaan Bile, Akgaaga caano lagu qabay. Walaalayaal aanu Alle ha baqano, oo danta guud aanu aanu ka hormarino tan qabiil ka. Somalidu way isyastaaye waxaan kasoo jeedaa qabiil kamida kuwa layaso. Laakin umaba arko in qabiil wanaag iyo xumaan midna igala maqanyahay. Waxaan ku kalsoonahay shaqsiyadayda, Islanimadeeyda iyo Somali nimadeyda.

    Walaalayaal umadeenii Somaliyeed waa daashay, waa dayacantahay, waana dulaysantahay. Walaalayaal maanta yaanan dib looga laabdan Kacdoon kaan min Somalia ilaa dunida qaaradaheeda meel aanu gaarin ayjirin. Aynu wax ku qiimayno qof walba madax ah, daacadnimadiisa, Islanimadiisa, kartidiisa, iyo aqoontiisa. Aaanu ku diidno ama ku raacno oo kaliya ficiladiisa ee yaynaan ku qiimayn hadalkiisa, qabiilkiisa iwm.

    21 sano kadib waxaan saacadan la ilmaanayaa, kuna faraxsanahay in cudurkii qabyaaladu sii dabar go’ayo. Allow dalkeena iyo dadkeena Somaliyeed badbaadi. Allow Somali quluubtooda isoo jiid. Aaamin Yaa Allah

  3. XAGALEEY says:

    walaalayaal way hadalbeeshay ee ceeb alaha asturo

  4. Samaan bile says:

    5000 oo sano ayaan is dibin-daabyeey-nay. Bal maanta aan is tijaabino. Waxaan galno iyo waxaan gudno. Taageer arin dani ugu jirto jiritanka soomaaliya. Indhaha isku qabo wixii dhacaya ha dheceen. Walow aad isleedAhY sideen u taageerAa ninkan rear hebel.

    Markii ugu horeeysay abid. Taageer qof Adiga oo aan eegayn haybtiisa lakiin eegaya qiimaha fariinta uu sido iyo wax qabadkiisa.

    Sidaas ayaa sax ah. Sidaas ayaa cadaalad ah. Sidaas ayaanu ugh bixi
    Karnaa halaagga noo sugnaaday. Taagger in Farmaajo uu shaqadiisa
    Qabsado.

  5. bilqeyr says:

    dadow daacadnimadii diidnaye maxaa inoo dan ah?
    dowladdii dib udhac keentaye maxaa inoo danbeyn doona?
    daryeel la’aan iyo dan baa naheysoo dunida anagaa udanbeyno
    dalal kale aanagu daneysto oo teena waxba ka galin
    daa’inkeena aanooso diray farmaajo ee hanoola daayo
    dalkeenii burburay dadkeenii dhamaaday inteenii soo hartay asagey ku kalsoon yihiin ee hanoola daayo farmaajo
    dalka qofaan daacad aheyn waxba uma qaban karo shacabkana niman daacad aheyn banaanbax uma qabteen waxan nahay
    dad dalkoodii bur buray dibadaha ukala habaamay intii ku hartayna oon iyo haraad haayo farmaajo aan ku oon baxnee hanoola daayo nin kale diidnaye farmaajo hanoola daayo shariifow gacantii baad ka baxdaye ka danbee farmaajo.

    geesiga dhulkiisaa guusha uhorseedaa geeridaa dishaa geeskaa haboon.