Home » Warar »

Shaqaalaha Shirkada Golis Telecom Somalia oo tababar uga furmay xarunta shirkada ee Bosaaaso

Bosaaso. Shaqaalaha shirkada golis telecom Somalia ayaa tababar socon doonaa 10 maalmood uga furmay xarunta shirkada ee magaalada Bosaaso. Tababarkaas ayaa ku saabsan waxa loo yaqaah “HSSE” oo ah (health, safety, security, environment).

tababarkaas ayaa la daah-furey maalintii isniiinta aheed oo aay taarikhdu ku aadaneeyd 14/5/2011.

Xaflada furitaanka tababarkaas ayaa waxaa ka soo qeeyb galey qaar ka mid ah madaxda shirkada golis oo aay ka mid yihiin; waaxda madaxa waaxda shaqada iyo shaqaalaha iyo ku xigeenkiisa, sidoo kalle waxaa goob jog ka ahaa xafladaas daah-furka . maxada mashaariicda ee shirkada golis iyo madaxa howl galinada ee shirkada.

Madaxdaas furtey xafladaas.ayaa wexeey aad u muujiyeen muhimada uu leeyahay tababarkaan.iyo in Golis u jeedooyinkeeda uu ka mid yahay. Kor u qaadida iyo tayo u yeelida shaqaalaha shirkada Golis telecom Somalia.

Halkan ka daawo sawirada

Waxaa tababarkaas casharadiisa soo jeediyey  oo bixinaayey mudane/ cabdi xakiim cali hiirad Oo ah tabaraa caalami ah waayo aragnimo quto dheerna u leh tababirada iyo kor u qaadida aqooneed ee shaqaalaha waayo aragnimadaas oo gaareeysa 32 sano. isla markaasna ah la taliye madax banana oo shirkada Golis kala taliya amuurta tababarida iyo kor u qaadida tayada shaqaalaha.

Tababaruhu wuxuu sheegey in tababarka uu muhiim u yahay dhamaan shaqaalaha shirkada si aay kor ugu qaadaaan aqoontooda taas oo u ah faa’iido la taaban karo shirkada.

Waxaa xusid mudan in shirkada golis tahay shirkada kaliya ee shirkadaha isgaarsiinta Somaliya ku dhaqnta dhoorista shaqaalaheeda.oo  had iyo jeer mudnaata siisa tababarida shaqaalaheeda.isla markaasna tahay shirkada kaliya ee shaqaalaheeda ku tababarta waxa loo yaqaan “HSSE”

Shirkadu wexeey uga danleedahay tababarkaas sadexdaan u jeedo ee hoos ku xusan:

  • In aan dhaawac soo gaarin shaqaalaha
  • In la helo agab ama qalab lagu kalsoonaan karo
  • In la ilaaliyo cimilada

Shirkada Golis telecom waa shirkad ganacsi, waxaa la furey 2002.shirkada Golis wexeey ka ganacsata tallephonada iyo xiriirka internetka.xarunta shirkada ugu weeyn wexeey ku taala magaalada xeebta ah ee Bosaaso isla markaasna ah caasimada ganacsiga ee Puntland Somalia.

Xigasho: xafiiska xiriirka guud ee shirkada Golis telecom Somalia.

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.