Home » Warar »

Dood ku Saabsan Qabyo Qoraaleed Dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtey Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee Suudaan

 

Dood cilmiyeed looga hadlaayey qabyo qoraaleedka dastuurka soomaaliya ayaa waxaa ay ku qabsoontay jaamacada international university of Africa oo kutaala bartamaha magaalada Khartoum ee xarunta wadanka sudan.

Doodaani ayaa waxaa markaasi soo qaban qaabiyey ururka ardeyda qaanuunleyda soomaaliyeed ee ku dhaqan sudan,waxaana kasoo qeyb galay aqoonyahano soomaaliyeed ,safiirka soomaaliya sudan u fadhiya Axmed macalin fiqi iyo xubno kale oo lagu sharfay doodaasi.

Muuse Axmed ciise oo ka mid ah aqoonyahanada soomaaliyeed oo qaanuunka ka bartay sudan ayaa inta aysan dooda bilaaban nuqul ka mid ah dastuurka aqriyey,iyadoona intaasi kadib ay markaa bilaabatay dooda.

Waxa ay soo jeediyeen ka qeyb galayaasha dooda in dib loogu laabto Shuruudaha Madaxweynaha looga baahan yahay iyaga oo xusay in la yareeyay waxyaabaha laga doonayo qofka raba in uu Madaxweyne ka noqodo wadanka Soomaaliya.

Dood iyo falanqeyn ka dib safiirka soomaaliya ee sudan Axmed macalin fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in uu aad ugu faraxsan yahay Maanta in uu arko Dhalinyaro Soomaaliyeed oo taqasus u leh Qaanuunka,isla markaasina ka doodaya arrimo wadankooda ku saabsan, taasina waxay muujineysaa buu yiri in badal ay u tahay garcadeyaasha soomaaliyeed oo doodaha idaacadaha soo fadhiisan jiray,laakiin maanta la helay dhalinyaro biixin karta booska garcadayaashaasi.

Sidoo kale waxaa uu gaashaanka u daruuray in dooda ay aad u wanaagsan tahay waxyaabihii diirada lagu saarayna uu diiwaan geliyay una gudbin doono Cidda ay quseyso gaar ahaan guddiga Dastuurka, hayeeshee waxa uu kula taliyay ardeyda qaanuunka barata in kaalintooda ay ka qaataan iskana ilaaliyaan in qanuunka dhinaca qabiil iyo wixii dalkooda dib u dhigay ay uga fiiriyaan.

W/D:Axmed C/llaahi Yuusuf {Axmed Cade}

Al Khartoum /Sudan

E-mail:cadde23@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dood ku Saabsan Qabyo Qoraaleed Dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtey Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee Suudaan "

  1. Mohamed Musa says:

    Dhalinyarada somaliyeed ee Ku taqasusay Ama Barta Dastuurka Aad iyo aad ayaan Ugu mahadcelinaa Inaay Isku xilqamaan Ineey Qabyo qoraalkaan ay waxka saxaan, Hasa ahate sidan qoralkaan Ugu Jeedo waxee ka hadleen qodob Waqtigaan Daciif ah…
    Waxee Aniga Ila Tahay Fikirkeega Ineey dib U egaan ( Goboleysiga Xariijinta somalia) Xidigta caleynkeena Ku asqeesan Miyeena Noo Tilmaameynin Inaan nahay 5 State oo isku tagtay ama doneyso ineey isku tagto

    Iga rali Noqdo hadii aan wax qalday

  2. Qarbosh says:

    Somaliya Dastur majiro ninkastow kaad ka xoogbadantahey ama dhul
    ka xoogi karto ka qaado dil,xasuuq,qabiil,tuugonimo jaahil baa isku harey

  3. nora says:

    Waxa Ugu Mihimsan ee Wakhti iyo dhaqale Ku Baxan Waxaan U Malaynayaa In U Yahay Dhinaca Dastuurka Marhadii Usan jirin Dastuur Somalida ka Dhexeya.