Home » Warar »

Maxamed Dheere oo Xabsiga laga sii daayey ka dib markii Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku weysey wax Dambi ah

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay Xabsiga ka sii deysey Gudoomiyihii Hore Gobolka Banaadir Maxamed Cumar (Maxamed Dheere ) ka dib markii lagu eedeeyey in isaga rag kale ay ka dambeeyeen Dil iyo Dhaawac loo geystey dad dhigayey Banaanbax Nabadeed oo lagu taageerayey Madaxweyne Shiikh Shariif oo uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka  Banaadir

Maxamed Dheere oo Bil 10 Cisho ku xirnaa Xabsiga Dhexe oo ay si aad ah u ilaaliyaan Ciidamada Amisom waxayna sii deyntiisa ay ka dambeeyesey markii Qareeno iyo Marqaatiyaal ay Maxkamada Horkeeneen kuwaas oo sheegey in Maxamed Dheere uusan wax Dambi ah lahayn islamarkaana  Xeer ilaalinta ayaa iyana sheegtey islamarkaana Caddeysey in uusan wax Dambi ah lahay waxayna Codsatey in la sii daayo hase yeeshee Maxamed Dheere lama hor keenin Maxkamada waxaana si toos ah looga sii daayey Xabsiga Dhexe

Maxamed  Dheere oo ay Gurigiisa u Galbiyeen Ciidamo ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyey Taageerayaashiisa oo ku dhawaaqayey  hadalo Taageero ah  wuxuuna Maxamed Dheere u Mahadceliyey intii ka qayb qaadatey sii deyntiisa iyo intii sida aadka ah uga dhiidhisey Xaragiisa wuxuu kaloo uu sheegey  in aysan jirin Cid aan jecleyn Xorriyada waxaana la filyaa in Berri uu qabto Shir Jaraaid oo uu kaga hadlayaa qaabkii loo xirey iyo Ciddii ka dambeysey Xaragiisa

Maxamed Dheere oo ka mid ahaa Qabqablayaashii Dagaalka ee soomaaliya ayaa qayb ka ahaa dhismhii Isbaheysiigii la Dagaalanka Argagixisada oo markii dambe ay ka adkaadeen Ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga oo iayana dalka ka saareen Ciidamadii Itoobiya oo markii dambe dalka ka baxay markii ay is ka cabin Xoog lah ay kaga timid Maxaakiimtii Islaamiga iyo dad Kacdoon wadey isku so duuboo Siideynta Maxamed Dheerre ayaa dadka Odorasa Siyaasada waxay ku macneeyeen in ay tahay mid siyaasadeed  ka dib markii Madaxweyne Shiikh Shariif ay iska horyimaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka  Shariif Xasan Shiikh Aadan wuxuuna Shiikh Shariif uu doonayey in soo jiito Taageerayaasha  Maxamed Dheere oo intii uu xirnaa dhigayey Banaanbaxyo ay kaga soo horjeeden Xariga Maxamed Dheere sidoo kale waxay sheegeen in Madaxweyne Shiikh Shariif uu beesha uu ka soo jeedo Maxamed dheereuu ku qanciyo Xilal aan la ogeyn waxa ay noqon doonaan

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maxamed Dheere oo Xabsiga laga sii daayey ka dib markii Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku weysey wax Dambi ah "

  1. muslima says:

    waxaa cajiib ah, nin daraasiin dad layay, ayay leeyahiin denbi malah, warkaas waxaa cad in ay yahiin mooryaan maraykan meesha keensaday ito zinawi dooreweyn.

    waxaa xabsaiyada ka buuxa dumar iyo dhalinyaro aan denbo geysan laakiin kenya soo masaafurisay, iyagoo aan waxa galabsan, kuwaas maxaa loo deyn waayay, waakan maadharka la leeyahay denbi ma lahee.