Home » Warar »

Inxiraafka, Asbaabtiisa, Calamadihiisa iyo Dawadiisa Dr. Maxmed Sh. Cismaan

“Waxyaalahaan arkayo waxaa kamid ah oo Cilaajka keenaysa in dowrkii culimada lasoo celiyo Culimmada dowrkooda waa muhiim, Culimadu dowrkooda inay qaataan,  oo ummada ayagu hogaamiyaan oo sabab u noqdaan dadkii  hogaamin lahaa ummada, khaas ahaan arinta maanta Soomaaliya ka taagan, waxaad og tihiin arinta maanta Soomaaliya ka taagan, arin aad khatar u  halkaan aan anagu joogno dhowr iyo labaatan ha’ay adood oo Tansiiri ah ayaa ka shaqeeya, dadka Kaniisad ayaa lageeyaa, Kaniisad ayaa lagu qoraa, Kaniisad bay dhex fariistaan, Kaniisad baa laga soo qaadaa intii hartayna gabdho yar yar oo teenage ah oo lakufsanyo.. Mushtamaca dhan baa baa’bay, mushatamaca culimmadu waa inay soo dhexgalaan oo dowrkooda qaataan”

Asalaamu Calaykum Waraxamah

Inxiraafka, Asbaabtiisa, Calamadihiisa iyo Dawadiisa Dr. Maxmed Sh. Cismaan

Xarunta Abuubakar As-Saddique ee Minneapolis ayaa asbuucan waxaa ka socday Muxaadaraad isdaba jooga kuna hoos jiray  cinwaankii guud ee muxaadaraadkeena. ” Diintu waa Nasteexo iyo Asalaynta Dacwada” laga soo bilaabo Jimcadii ilaa maanta oo Sabti ah waxaa baxay lix muxaadaro.

1- Uga digida dadka  Dhibaatooyinka Carabka. | Sh.Maxbuub Cabdillahi

2- Taariikhda Dacwada salafiyada ee Soomaaliya. Q-1aad | Sh. Raxman Sh. Omar

3- Taariikhda Xarakaadka Gaalaysiinta ee soo maray Islaamka. Q-1aad -Q-2aad| Sh.Cabdillaahi Ibraahim

4- Inxiraafka: Asbaabtiisa,Muuqaalkiisa iyo dawayntiisa | Dr. Sh.Maxamed Cisman

5- Mowqifka muslimku ka istaagayo Fidnada. Q-1aad. | Dr. Axmed X. Cabdiraxman

Muxaadarada Inxiraafka iyo dawadiisa halkaan ka dhagayso

Dhamaan Muxaadaraadkan waxaan soo galin doona internetka insha allaah. Waxaanse idiin soo hormarinaynaa Muxaadarada Sh. Maxamed Sh. Cismaan. Sh. Maxamed ayaa ka hadlay inxiraafka gala caqiiddada iyo xadgudubka diinta lagu sameeyo (Quluwu Fi Diin) iyo sidoo kale asbaabaha keena oo ka mid yihiin Cilmi yarida iyo inaan Cilmiga laga qaadan dadka ahlul cilmiga ah ama Culimadda waa wayn ee lagu yaqaano inay Kitaabka iyo Sunnaha ugu yeeraan ummada. Sh. Maxamed maruu ka hadlayey Soomaaliya ayuu aad ugu celceliyey in wada hadal iyo xiwaar loo baahan yahay iyo in Culimmada waawayn ee Soomaaliya ay arimaha Soomaaliya faraha lasoo galaan. Sh. Maxamed wuxuu aad ugu dheeraaday daawaynta in xirifaafka isagoo ku soo gabagabeeyey in Kitaabka iyo Sunnada iyo Fahamkii Selefka in la qaato looga bixi karo. Sh. Maxamed ayaa aad uga digay fikirka Takfiirka tilmaamayna inuu yahay inxiraaf iyo aqoon xumo, Sh. Maxamed ayaa dhalinyarada u dardaarmay inay cilmiga bartaan, culimada gomadahoodana laazimaan.

Sh. Maxamed Sh. Cismaan

Sh. Maxamed ayaa Muxaadarada kadib la waydiiyey Su’aalo badan oo ay kamid ahaayeen arimaha Soomaaliya ka taagan. Waxaa la waydiiyey Sh. Maxamed safarkii isaga iyo Culimo Muslimiin ah ay ku tageen Muqdisho iyo natiijadii uu ku dhamaaday. Sh. Maxamed ayaa sheegay Xisbul Islaam, inay lix qodob ku xireen, Shariifna diiday, sidoo kale Sh. Maxamed ayaa sheegay Dhalinyarada inaysan madaxa ku hayn ama ka fakarayn waxa taagan maanta. Sidoo kale Sh. Maxamed waxaa la waydiiyey inuu Naxteexo usoo jeediyo dhalinyarada aan cilmiga lahayn oo Culimmada ku tuhmaya waxaysan ahayn, wuxuuna Sheekhu tilmaamay inay tahay been abuur, Ifki iyo Diin la’aan.  Sh. Maxamed ayaa ugu horayntii Culimada Kalmad nasteexa ah usoo jeediyey, kadibna aad u tilmaamay inay diin la’aan tahay Culimada oo wax laga sheego, dadka ficilkaas ku dhacana ay khaatumo xumo ku danbayn doonaan hadaysan ka toobad keenin, Sh. Maxamed ayaa yiri hadalka caanka ah ee culumadii Selefka laga soo gaaray “Hilibka Culimmadu waa Sumaysanyahay” Sh. Maxamed ayaa xusay culimada waawayn ee illaahay ummada ku anfacay inaysan wax laga sheego buhtaan ah aysan waxba u dhimayn.

Ugu danbayntii Sh. Maxamed Sh. Cismaan ayaa ka warbixiyey Jaamacad Kenya uu ka Furay, Dardaarana ku soo gabagabeeyey muxaadaradiisii. Ilaahay waxaan way diisanaynaa inuu nagu anfaco cilmiga culimaga, iyagana uu Miisaankooda xasanaadka u saaro. Fadlan si aad uga bogato Muxaadarada Sheekha iyo Su’aalaha hoos ka dhagayso.

Muxaadarada Inxiraafka iyo dawadiisa halkaan ka dhagayso

Sidii horay aan u sheegay barri oo Axada Dec 25, 2010 ayaan sii wadi doonaa Nadwadii noo socotay Fasaxan December 2010 insha allaah. Dr. Ahmed Xaaji Abdiraxmaan iyo Sh. C/raxmaan Sh. Cumar.

faah faahin intaa dheer

aaic@abuubakar.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Inxiraafka, Asbaabtiisa, Calamadihiisa iyo Dawadiisa Dr. Maxmed Sh. Cismaan "

  1. sahra says:

    To Adam Abuzuhri walaal soomaaliya labo mar bay khayrku u soodhawaaday waa markii maxaakiimtii islaamigahaa iyo markii shariifku yimid oo culimadii soomaaliya oo dhan ay isku habarwacdeen si loo kalabadbaadiyo ujeedkii ahaa in muslimiinta la iska horkeeno labadii jeerna culimada waa lagu gacansayray soomaaliyana maantay ugu darantahay labaatankii sano ee la soodhaafay tan soosocotaa kasii daran hadaan culimada loo celin waayo culimadu waa marjaca kaliya ee garan kara masiirka umada waxa maqanna ma ahan cilmigooda kaliyee waa xigmadooda iyo xeeladooda waayo inta aan talaabo laqaadin waa in laga fakaraa waxa ka imaankara jar iyo khayr oo marba tabarteena la fiirayaa inta ay la,egtahay taana waxaa garankara dadka ulil albaab ka rabi ku sheegay waana culimada marka hadaan hada la isdabo qaban tan soo socotaa kasii daran.

  2. Abu-hamzaa Geelleyare
    ‎(( أبو حمزة )) الجهاد غايتنا

    AsCwrwb

    Waxaa cajiib noqotay inuu zamankana noqdo zamankii culimada loogu tartamo sidii loo aflagaadayn lahaa, oo qof waliba intuu soo qaato magac aan meel loo raaco lahayn, sida abu-abdallaah Al jawhari ama abu-Zakariya al qacqaac,oo kale waana magacyo ku tusaya inay yihiin shakhsiyaad muslimiin ah laakin, luuqadahaba gaalo way baran karaan, marka BILAAH CALAYKUM yaa mudan inaan wax ka qaadano ma qof aan naqaano taqwadiisa, iyo diintiisa iyo meesha uu kasoo jeedo, mise qof aynaanba garanaynin inuu muslim yahay iyo in kale, marka waxaan ugu naseexanayaa Umadda soomaaliyeed inta muslimiinta ah caqligoodana uusan wali lumin, inaydaan waxba ka dhagaysan shakhsi aydaan aqoon u lahayn, oo aydaan garanaynin waxa uu aaminsan yahay, ( yacni gaal ama muslim ) yeysan idin haligin hadaad qoraalada qaarkood u aragtaan, qoraalo qurux badan, dadka waxaa kamid ah qof uu hadakiisu ku cajab galinayo, siduu Allaah swt quraankiisaba noogu sheegay, teeda hilibka culimada waa sumaysan yahay yaanan la cunin

    Qoraalkan culimada looga hadlaayo ee uu qoray nin la baxay abu-Cabdallaah al jawhari, iyo mid kasii horeeyay oo uusoo qoray nin isna la baxay abu zakariya al qacqaac, labaduba waxaad moodaa inuu isku qof qoray ama ay is shabahday quluubtooda (( TASHAABAHAT QULUUBHUM )) waana qoraalo aan laga fiirsan oo aana cilimiyeysneyn oo ayna ka buuxaan af lagaado culimo iyo waxaanba meesha oolin, caayda iyo af lagaadada waxay dhibaysaa ruuxa alifay, waxayna ka markhaati kacaysaa jahli aad u balaaran.

    Allaha aduunkan iyo waxa dulsaaran abuuray ayaa Culimada ku sheegay inay yihiin kuwa kaliya ee sida dhabta ah isaga uga baqa, waxaana alle ka cabsiga lagu qeexi karaa, wax kasta oo Ilaahay jecel yahay, iyadoo sidoo kale lagu soo uruurin karo u hogaansamida waxa Ilaahay ku faray, iyo ka fogaanshaha waxa Alle ka reebay Aadamaha.

    Rasuulkeena suuban ee Muxamed (SCW) waxa uu sheegay in Culimadu ay yihiin kuwii dhaxlay Nabiyada, waxa ay dhaxalka u heleena waa diintii ay ka tageen Nabiyada oo dhamaantood isku dariiq ku socday, hadafkooduna ahaa sidii Bini’aadmku loogu duwi lahaa wadada toosan.

    Sinna uma banaana ku xad gudubka Muslimiinta, gaar ahaan Culimada, maxaa yeelay waxaa ka dhalanaya xumaan farabadan, waxaana waayadan soo baxay saxafiyiin guntiga dhiisha isaga dhigtay sidii ay wax uga sheegi lahaayeen Culimada, iyagoo had iyo jeer qoraalo been abuur ah iyo kuwo xadgudub ahba ka qora Culimada, waxaadna moodaa in saxafiyiintaan ay daawo ka doonayaan sun.

    KA DAR OO DIBI DHAL

    Saxaafadu waa sakiin laba afle ah wanaag iyo xumaanba loo adeegsan karo, Culimaduna waxa ay xambaarsan yihiin Risaaladii Nabi Maxamed (SCW) in iyaga shaqo laga dhigtana waxaa ka dhalan kara in qofka diintiisa ay dhaawacnto oo uu fidnoobo, hadaba saxaafadaha, gaar ahaan labadan web oo ay qoraaladooda ay is shabahaan amaba aan oran karo waaba isku mid(( Somalimemo.net iyo somalimidnimom.com)) waxaad ‘ahaataan mid usoo bandhigta umadda wanaaga, walow wanaagiiba laga dhigay sida uu qofku u ‘arko, waxaana ugu dambeyn nafteyda iyo tan walaalaha kaleba kula talinayaa inaanan sabab u noqonin in dad badan ay ku dhiiradaan akhiyaarta umadan..

    Wscwrwb

    Abu-hamzaa
    Abdinassir Geelle
    Birmingham
    Abdinassir4@hotmail.com

  3. Waddani says:

    Asc culimadu kaalintooda ha ka soo baxeen oo tayo haw yeeleen camalkooda.
    Tan labaad waddanku gumeysi ayuu ku jiraa ee xaqiiqada yeysan ka indho saaman, mana jiri doonto diin iyo dacwo, haddii maanta culimadu ka baqaan, in magacooda buugga madow laga liyo ee reer galbeedka iyo safarka dhulal shisheeye.
    Maanta fursad dahabi ah ayaa dalka taal ee yaan lagu sii deyn wiilasha careynsan ee saxitaanka u baahan iyo gumeyste kalkaalayaasha dalka iibinaya ee aan damiirka laheyn.

  4. Assalaamu Alaykum.
    Culimadu sow ayada meesha uma baneyn wiilalasha yar yar?. Sow ayaga uma kala qeybsamin kooxa kala jira? Sow uma kala qeybsamin mid dalka kamaqan iyo mid labaqaya kalimada xaqa ah.
    Xusid: Hada kahor ayaan email kula xariir xafiis isku sheegey inuu yahay xarunta Culimada Somaliyeed. Waxaan kacodsaday oo kali inay farta kufiiqaan qolada talada ka diidey. Ilaa iminka jawaab waan kasugaya.
    Waad mahadsantihiin