Home » Warar »

Dugsiga Abubakar oo soo bandhigay waxqabad soo Jiitay reer Minnesota

Minnesota:-Cajaladddii ay soo saareen Macalimiinta Abuubakar oo safaf dheer ka dib loogu Deeqay Macalimiinta iyo Ardayda iyo Waalidiinta Soomaliyeed ee ku sugan dunida Daafaheeda, inay ka daawadaan Somalitalk.

Cajalada oo ahayd mid aad u xiisa badnayd ahaydna mid Maqal iyo Muuqaal ah oo ay soo bandhigeen Macalimiin Soomaliyeed oo wax ku bara dhalinta Da’dayarta Masjidka Abuubakar Al Sadiiq oo ku guulaystay dhawaan in ay soo saaraan 14 Dhalinyaro ah oo Qur’aanka Xifdiyey ayaa Safaf dhaadheer loogu jiray Cajalka ilaa habaynkii Sabtida ee August 16, 2009.

Cajaladaas ayaa ka koobnayd Tarbiyeyn iyo Taariikhda Da’yartaan Qurbaha ku Dhashay ama ku Barbaaray Cajalkaan ayaa Macalimiinta laga Codsaday in War Baahinta Soomalida loo gudbiyo taasna waa Aqbaleen maadaama ay tahay Cashar mid ay ka faa’idaysan karaan Macalimiin badan oo Soomaliyeed oo ilmaha Qur’aanka bara iyo Waalidiinta ilmahooda khayrka la jecel, khaasatan Qurba joogta.

Cajalka ayaa markii uu soo baxay waxaa la gadayey $10 oo lacagta Maraykanka ah Waxaana ka hellaysaa asaga oo DVD ah Maktabada Masjidka Abuubakar.

Sidoo kale Macalimiinta ayaa ugu deeqay Ardayda iyo Macalimiinta iyo Waridiinta Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka daawadaan webka SomaliTalk.com, Macalimiinta qaarkood ayaa ii sheegay in ay Deeqdaan u bixiyeen si loo soo wada saaro Mustaqbalka Dhalin wanaagsan iyo hogaamiyayaal wax tar u leh Bulshada Soomaliyeed meel kasta oo ay joogto.

Dhinaca kale waxaan dhawaan siidayn doonaa insha allah Vedio gii laga Duubay Xafladda Qalin Jabinta Qur’aanka Munaasabadaas oo ahayd mid Lagu soo bandhigay Gabayo Soomali iyo Carabi ah iyo weliba akhrin Qur’aan sidoo kale Culumada iyo Waalidiinta iyo Dhalintuba halkaas waxay ka muujiyeen Far xadooda.

Arintan ayaa meesha ka saaraysa eedaymo ka dhan ah Masaajidka Abubakar oo intii mudo ah saxaafadu soo celcelinaysay,gaar saxaafada Maraykannka, eedayntaas oo la sheegay in dhalinyaro Soomaaliya aaday Masaajidku lug ku lahaa. Sikastaba ha ahaatee Xafladan iyo Tababarkan ayaa u muuqda Jawaab Xarunta Abubakar uga dhigayso eedaymahaas, Xarunta Abubakr ficilkeeda ayaa laga dheehan karaa inay leedahay sidaan ayaan anagu Dhalinta u tarbiyeynaa, waana tanaa cadayntii. Jawaabtan ayaa waji gabax ku noqonaysa Soomaalidii eedaymaha aan sug nayn Masaajidka dusha ka saarayey. Xarunta Abubakar ayaa ah Goobta ugu Wayn uguna qaalisan ee Somalidu ku leedahay Qurbaha. Xarunta ayaa lagu gaday qiyaastii (3.000.000) sadex malyan oo Doolar, Abubar lacagta dib loogu dhisay iyo suuqeeda marka la isku daro ayaa lagu qiimeeyey qiyaastii lacag aan ka yarayn Shan Malyan (5.000.000)

Xiriiriyihii Xafladda oo noqday Xiriiriyaha ugu Da’dayar Kulamada Somalida inta aan ogahay Mohamud Gor Gor waa Wiil Qurbaha ku dhashay Kaftan kiisuna uu ahaa mid markasta dad ka Farax galiya Masha allah
Dhawaan ayaan sii dayn doonaa Insha allah. Hoos ka daawo Waxqabadka Macalimiinta Dugsiga Abubakar, fikradaadana ka dhiibo, qaybta hoose ee Jawaabaha.

ustaadkaUstaad Dalboon
North America Minnesota
Minneapolis
cdalboon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Dugsiga Abubakar oo soo bandhigay waxqabad soo Jiitay reer Minnesota "

  1. KHADIJA says:

    WAA ARIN FARXAD LEH MARKAAN ARKAY CARUUR MAREYKAN KU DHALATEY HADA AFKOODII HOOYO KU HADLAY AAD BEY II XIISO GELISAY, FARXAD KA WEYN OO AAN FARXI LAHAA MABA JIRTAAN FILAYAA MAANSHA ALLAH, WAXAA IYADA AAD II XIISO GELISAY YARKII YIRI MARKEYKAN QURAAN LAGUMA BARAN KARO WAA HARTEY TAASNA WAA HADAL XIGMAD KU DHISAN, WAXAAN LEEYAHAY HABALYO CARUURTA IYO MACALIMIINTOODABA WAALID WAX MA BARI KARO HADAAN LAHELIN MACALI AQOON LA’AANI WAA IFTIIN LAAN, WAA ARIN KUDASHO MUDAN

  2. Abdi Hassan says:

    Mansha allah waan kufaraxsanahay. Macalimiinta Abuubakar ilaahay haka abaal mariyo siday caruurta qur aanka ubreen. somalida Mennasota waa inay masjidka ilaahay eeqayrka lagu haayo bulshada ay kudhexnoolyihiin fariin qaldan ugudbin. Illahay qayrka hanagu hanuuniyo. Aamin

  3. abdihakim jama says:

    Asalaamu calaykum wr.wb
    salaan kadib mahad oo idil waxaa iska leh ALLE (swc)nabadgalyo iyo naxariisna nabi MUXAMED (csw)intaa kadib waxaan umahadcelinayaa maamulka masjidka iyo macalimiinta waqtigooda qaaliga ah geliyay inay soo saaraan caruurtaan sanadka ku xifdiyay kalaamka ALLE waxaan alle uwaydiinayaa inuu danbigooda dhaafo camalkaan wanaagsan ee ay qabteena miizaanka xasanaadkooda uu ugu daro AAMIIN walaalayaal waxaa xusud mudan north America muslimiinta qaasatan soomaalida dugsiyo badan ayay ku lee yihiin maxaa loo arki waayay arday sidaan qur,aanka u aqrinayso waa su,aal uu iswaydiinkaro qofkasta oo macalim ah ama waalid ah hajoogo maraykanka ama dibadiisa runtiina way dhici kartaa inay jiraan dugsiyo ka heersareeya dugsigaan balse aanan muuqan su,aasha aan marwalba iswaydiiyo waxay tahay maxay uhooseeyaan dugsiyadeena aniga oo kusoo koobaya dhoor arimood.
    1-inaanan lasiinin qadarintii uu mudnaa kalaamka ALLE oo ay inoo noqotay wax iska caado ah tusaale ahaan waxaad arkaysaa aabo ama hooyo ku garaacaya ubadkooda inay dugsiga aadan ama aqriyaan balse ay kuu sheegayaan inay ayaga qur,aanka garanaynin maxaa udiiday inay bartaan?
    2-in camalkasta ALLE dartiis loo qabto hadii aanan loo qabana aan barako badan yeelanaynin taasina waa ay muuqataa hadii aanan la,iska indha tiraynin.
    3-in tayada macalimiinta sare loo qaado oo uusan macalimka is mahdinin hadii uu qur,aanka kariimka dhameeyay balse ee uu ubaahan yahay inuu aqoontiisa sare u qaado hadii ay noqon lahayd inuu barto axkaamta tajwiidka kadibna uu ku darsado qiraa,aadka tusaale ahaan cajalkaan waxaa ka muuqda in caruurta labaraayo kitaabka layiraahdo shaadibiyah oo aad garankartid mustawaha macalinka meesha uu gaarsiisan yahay.
    4-in waxbadan laga badalo manhajka waxbarasho ee ubadkeena hadii ay noqon lahayd qaabka waxbarasho iyo duruusta lasiinaayo ayada oo ahmiyada koowaad lasiinaayo kalaamka ALLE kadibna sunada nabiga (scw) iyo tarbiyada islaamiga ah iyo culuumta kale.
    5-in lahelo dad qibrad uleh maamulka dugsiga hadii ay noqon lahayd laxisaabtanka macalimiinta iyo kormeerida tayada waxbarasho.
    6-inuu helo barnaamij dhamaystiran oo macalimkasta kula soconaayo xifdiga ardayda iyo naqtiinka iyo duruusta kale ee uu qaadanaayo waqti kasta oo uu ardayga lee yahay dugsi.
    runtii intaas iyo inkale oo kabadan hadii lahelo waxaan is lee yahay waxbadan ayaa inoo saxmi kara waxaana qofkasta oo aqriya kacodsanayaa wixii aan qalday inuu iga sixi karo marwalba taas oo ka ahaatay naftayda iyo shaydaan wixii aan asiibayna ALLE xagiisa ayay ka ahaatay oo asaga ayaa iwaafajiyay waxaana urajaynayaa umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto inay uga bixi karaan dhibaatooyinka maanta heesta hadii ay ku dhagaan kitaabka alle kuna dhaqmaan iyo sunada nabiga oo ayada ay ku dhaqmaan…
    wabillaahi towfiiq.

  4. maxamuud cali says:

    Asalaamu calaykum

    Walaalayaal hadal badan u ma baahna arintaan camalna fikirna meel ugama banaana ee waa labo qodob oo kaliya,
    1- duco dhiiri galin wadata
    2- ku dayasho aan laga daahin oo ku socota dhamaan dadka qurbo joogta ah khaasatan macalimiinta.
    waxaan ku daraayaa dar-daaran macalimiinta ah dhibku waa badanyahay hala muujiyo dulqaad dhan walba ah, wuxuu kaaga imaan karaa dad aad ka fileeyso iyo dad aadan ka fileeyninba, waxaan idin leeyahay kunoolaada farxad aduun iyo mid aakhiro waad naga farxiseene

  5. caasho says:

    mansha allah wajazakumu allah khayr dhamaan macalimiinta wax bartay ardadaan , waxaan hubnaa dadkii eeda dusha ka saarayay masjidka iyo macaliminta wax ka barta in ay dhamaatay eedii been abuurka ahayd , allahu akbar allahu akbar , waxaa xaqiiq ah in masjid diin lagu barto iyo khayr balse aan wax kale uusan shaqo ku lahayn taasna waxaa daliil u ah ardaydan maanta ku dhamaysay taxfiidka qur’aanka masha allah allahu akbar, illahow dhamaan macalimiintii wax bartay ardadaan abaalkooda janatul fardaws ka dhig AAMIIN , masha allah siwanaagsan ayay ardadu isugu dubaridan yihiin waxaan la yaabanahay ardayda sida ay luqada u yaqaaniin iyo waliba ixtiraamka ka muuqda iyo sida ay xaafidiinta u yihiin , waaa kaaf iyo kala dheeri wixii masjidka lagu sheegayay iyo miraha ka soo baxay oo ay maanta soo ban dhigeen allahu akbar , waxaa hubaal ah nin illaah la jiro in uusan bini aadan wax ka qaadi karin allahu akbar allahu akbar