Home » Warar »

1-da Desember Maalinta AIDS-ka Adduunka oo laga Xusey Magaalada Muqdisho

“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…

Hay’adaha SCAC iyo COGWO oo si Wadajir ah u Xusay Maalinta AIDS-ka Adduunka.

1-da December waa maalin u asteysan maalinta AIDS-ka adduunka, waxaana maalinkaas la sameeyaa Barnaamijyo la xiriira wacyigelinta ka hor taga cudurkaasi, waxayna xafladdii ugu weyneyd ay ka dhacday Hotel SAXAFI International, waxaana xafladdaasi si wadajir ah u soo qabanqaabiyey hay’adaha SCAC oo u taagan Ururka la dagaalanka Cudurka AIDS-ka ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo waliba Ururka COGWO oo ah urur qaabilsan arrimaha haweenka, waxaana xafladdaasi ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Hay’adaha samafalka, Culima’udiin, dadka la nool cudurka AIDs-ka iyo marti sharaf kale.

Xafladdaan waxaa ugu horeyn ka hadlay Madaxa Wacyigelinta iyo xiriirinta bulshada ee Hay’adda SCAC Dr, Cabdi Maxamed Waayeel, waxa uuna ku dheeraaday waxyaabaha keena cudurkaasi iyo siyaabaha looga hor tagi karo, isagoo carabka ku adkeeyey in dad gaaraya 35 milyan ay qabaan cudurkaan isla markaana ay u dhintaan sanad kasta Kumanaan qof, isagoo sheegay in ilaa iyo haatan aysan jirin wax daawo ah oo loo helay cudurkaasi, balse ay jiraan daawooyin kaalmaati ah oo ka qaybqaata sidii uu jirku isaga difaaci lahaa wixii cudur ah ee soo weerara, isagoo sheegay in Hay’addiisa ay abaabushay in ay dallad u sameeyaan dadka la nool cudurkaasi, sidoo kale waxa uu ugu baaqay hay’adaha kale in ay iyana gacan siiyaan dadkaasi, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay agaasimaha hay’adda COGWO Sahro Maxmed Nuur oo sheegtay in hay’addeeda ay gacan badan siisay dadka la nool cudurka HIV/AIDS, waxayna ugu baaqday Dowladda Federaalka in ay gacan siiyaan dadkaasi, sidoo kale waxay ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed in aan la faquuqin dadkaasi oo si weyn loo soo dhaweeyo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Aaden Xaaji Ibraahim oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahadceliyey intii isku soo dubariday xuska Maalinta AIDS-ka isagoo sheegay in maanta oo kale ay tahay maalin dadka lagu baraarujiyo sidii ay uga hor tagi lahaayeen cudurkaasi, isagoo ballanqaaday in Dowladda Federaalka ah ay gacan siin doonto dadka la nool cudurkaasi, waxa uuna sheegay in dowladdu ay soo dhaweyn doonto dalladda ay dhisteen dadkaasi oo wax weyn ka tari doonta in ay helaan wixii kaalmo ah ee ay u baahan yihiin, iyadoo intii ay socotay xafladdaasi halkaas ay fanaaniin Soomaaliyeed ku soo bandhigeen wacyigelin ku aadan ka hor taga Cudurka AIDS-ka.

Xafladdaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Xaawo Cabdi Qiyaad oo Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha xaquuqda aadanaha, waxayna sheegtay in Dowladda Federaalka ay gacan siin doonto dadka la nool cudurkaasi, waxayna u soo jeedisay bulshada Soomaaliyeed in aan la faquuqin dadkaasi, waxaana ugu dambeyntii halkaasi ka hadlay Nasteexo Faarax Cilmi oo ku hadlay magaca dadka la nool cudurkaasi waxayna ka socotay Dalladda PLHIV waxayna sheegtay in marka la fiiriyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo cudurkaasi dadka lagu tagoori jiray ay xiligaan wax badan ka fahmeen cudurka AIDS-ka, waxayna u soo jeedisay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa in ay gacan siiyaan dadka la nool Cudurka AIDS-ka. Xafladdaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha caafimaadka iyo arrimaha bulshada Dr. Akhii iyo Xildhibaan Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen,iyo Gudoomiyaha Cusub ee Hayada COGWO Xaawa-Kiin Maxamuud Cali waxayna xafladdaasi ku soo gebagabowday sidii loogu talagalay.

W/D Amiin Yusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.