Home » Faallo »

SHEIKH MAXAMED KHADAR IYO DOORKIISII DACWADEED

EE WAQOOYIGA   MARAYKANKA.iyo xaaladiisa(Diyaariye  sh abul-fadli)(Qaybta1aad)

Sheikh Maxamed Maxamuud(Sh.maxamed khaddar)Waxaa uu ahaa iimaamkii iyo khadhiibkii masaajidka Al-anssar ee Magaalada Sandiego,Gobalka Calaforniya ee Wadanka Maraykanka.Sheikh Maxamed Waxaa lagu xiray todobaad ka hor Isla magaaladaas uu ka ahaa iimaamka.Waa suno ama waa dhariiq rabaani ah oo xikmada illaah ay ku dureersatay,in cidkastoo illaah ku sharfo ama u doorto inay xanbaarto Dacwadan ama wadiifadan ah in dacwada lagaarsiiyo adoomada illaahay,Inay la kulmaan imtixaanaad rabaani ah,waana qayb kamid ah xariga sheikha imtixaanaadkaas rabaaniga ah.sida illaah uu ku qariray kitaabkiisa muna zalka ah iyo sunnada rasulkaba( لقوله تعالى ( أحسب الناس أن يتركوا أن يقولوا أمنا وهم لا يفتنون ) ولقوله تعالى ( أم حسبتم أن تدخلوا الجنة ولما يأتكم مثل الذين خلوا من قبلكم مستهم البأساء والضراء وزلزلوا حتى يقول الرسول والذين آمنوا معه متى نصر الله ألا إن نصر الله قريب ) ولقوله تعالى (لتبلون في أموالكم وأنفسكم ولتسمعن من الذين أوتوا الكتاب من قبلكم ومن الذين اشركوا أذى كثيراً )

في الابتلاء تمحيص للمؤمنين ، ومحق للكافرين ( ليهلك من هلك عن بينة وحي من حي عن بينة وإن الله لسميع عليم ) ، فلا بد من امتحان النفوس ليظهر بالامتحان الطيب من الخبيث .

أن الأنبياء أشد الناس بلاء  ، وهذا من المتقرر شرعاً وعقلاً ، . ولهذا جاء في حديث سعد بن أبي وقاص ( أن رسول الله

r سئل أي الناس أشد بلاء ؟ قال : الأنبياء ثم الأمثل فالأمثل ، يبتلى الرجل على حسب دينه ، فإن كان في دينه صلابة اشتد بلاؤه ، وإن كان في دينه رقة ابتلي على قدر دينه ، فما يبرح البلاء بالعبد حتى يتركه يمشي على الأرض وما عليه خطيئة ) رواه الترمذي . r.Hadabo waxaan halkan ku soo bandhigayaa si kooban doorkii uu sheekhu ka qaatay fidanta dacwada gaar ahaan waqtiyadii uu ku sugnaa w/maraykanka.

1-Sheikh Maxamed Khadar wuxuu ka mid ahaa Culimadii doorka wayn ka qaadatay dhismihii golaha iimaamyada ee waqooyiga  maraykanka(the council of Imams in north America)

2-Sheikhu Wuxuu Waqtigiisa inta badan ama gabi ahaanbo ku bixinjiray faafinta dacwada,gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed ee qaxa ku timid wadankan.Wuxuu sheikha badanaa u safri jiray dhamaan gobalada ay somalidu ku badantahay si uu dacwada ugala qaybqaato culimada gobaladaas joogo.

3-Sheikhu Wuxuu xubin ka ahaa gudiga garsoorka(Al-qadaa)ee waqoyiga maraykanka,Wuxuuna sheekhu in badan ka qayb qaatay xalinta khilaafaadyo faro badan oo soo kala dhaxgalay jaaliyada soomaaliyeed iyo guud ahaanba umada islaamka ah ee ku nool waqoyiga maraykanka.

4-Sheiku Wuxuu juhdi dheeraad ah ku bixin jiray qayb wayna ka qaatay,sidii jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool w/America loogu hili lahaa gobalada ay ku noolyihiin ,Masaajid iyo Madaaris islaami ah,si ay ugu xifdistaan diintooda,iyo dhaqankooda,Wuxuuna qayb wayn ka qaatay dhismayaasha masaajida Maanta ka jirto W/maraykanka ee ay soomaalidu gacanta ku hayso,isagoo safaro dhaadheer ugalijiray sidii loo dhamaystiri lahaa dhamaan masaajida ama maraakista qabyada ah ee ay jaaliyadu leedahay.

5-Sheikh Maxamed Wuxuu Caan ku ahaa daganaan iyo firfircooni xaga dacwada,wuxuu ahaa nin uu illaah ku manaystay xilmi iyo helida araada sawaabka ah mararka laga wada hadlayo masaalixda dacwada iyo horumarkeeda.

6-Sheikh Maxamed Wuxuu ahaa nin Dulqaad badan u muujin jiray jaaliyada uu ka dhex waday dacwada iyadooy jaaliyadu ay diloodeen cuduro badan,oo mararka qaarkood ducaada ku keeno niyad jab,laakiin sheikh maxamed mar walbaa wuxuu taxamuli jiray arimahas isagoo ku dadaali jiray horumarka jaaliyada dhinacwalbaa.

7-Sheikhu Wuxuu Xooga saari jiray in ta badan dacwada Masaajidka uu iimaamka ka ahaa,isagoo soosaaray ducaad badan oo manta Qayka ah dacwada ka socoto W/maraykanka,gaar ahaan gobalkiisa.

8-Sheikh Maxamed Wuxuu sidoo kale dadaal dheeraad ah ku bixin jiray sidii loo hanan lahaa dhalinta yar yare ee qurbaha ku kurtay amaba ku dhalatay,wuxuuna masaajidkiisa uu can ku ahaa dhalinyaro fara badan oo uu sheekhu wax bari jiray isagana ku xirnaa.Dhalinyaradaas oo uu sheekhu badan kood ka soo ka xeyay suuqyada,wuxuuna u samayn jiray barnaamij lagu ilaaliyo dhalinta,taas oo sababtay in dhalin yaro badan ay ku soo xirmaan sheekha.

XAALADA  SHEEKHA  MEESHA AY MARAYSO.

Sheikha  Wali wuxuu ku jiraa xabsiga waxaana laba jeer la hor keenay Maxkamad,Dhamaan eedeemaha sheekha ay ku soo oogeena waa wuxuusan sheekhu raad ku lahayn,Sheekhuna sida lagu bartay arimaha ku saabsan wax yaabaha ay ku eedaynayaan ma ahayn nin lagu yaqaan,waqtigiisana wuxuuba ku bashquulsanaa danaha dacwada ee jaaliyada w/maraykanka,gaar ahaan masajidka uu imaamka ka ahaa. Sheekha waxaa max kamad kale la horkeeni doonaa bisha 12 ee dhamaadka sanadkan,Golaha iimaamyada iyo dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ee uu sheekhu ka mid ahaa waxay iyaguna ku hawlan yihiin sidii ay u garab istaagi la haayeen sheekhooda,waxaana rajaynaynaa in dulmiga lagu haysto sheekha laga guulaysan doono.

Gudoomiyaha  golaha iimaamyada ee w/maraykanka Sheekh C/raxmaan Sh Cumar ayaa hada ku sugan Magaalada sandiego oo uu sheekhu iimaam ka ahaa,wuxuuna sheekhu u tagay halkaas inuu garab istaago arinta sheekha,jaaliyada reer sandiego oo imaamkoodi la xirayna si qaas ah uu ula qaybsado murugada ka haysato iimaamkooda,wacyi galina uu ku sameeyo jaliyada.

Golaha iyo Jaaliyada w/maraykanka waxay diyaarinayaan siday sheekha ugu qaban lahaayeen loyarada ugu sareeyo ee wadanka laga yaqaan,amaba lagu tuhmo inay ugu sharci aqoonyihiin arimaha qaanuuniga ah ee dalkan ka jiro.

Waxaana ku rajo waynahay inaan ka guulaysan doono kuwa sheekha dulmiga ku soo eedeeyay.

In sha allaah dhamaan umada muslimka ah gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed waa inay sheekha u sooduceeyaan.

Diyaariye:-  Sheikh C/llaahi Abul-fadli.  Kulmiye99@hotmail.com

Lasoco qaybaha danbe. 11/13/2010.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.