Home » Ramadan »

Ramadaanku waa Fursada Cumriga|Calinuur

Ramadaanku waa Fursada Cumriga

(Dersiga Koowaad)

Ramadaanku waa Bil illaah ka fadilay Bilaha kale, waana Bil mudan in lagu soo dhaweeyo u diyaar garoow wanaagsan, marka ay Bilatana mudan in laga faaiideesto daqiiqad kasta oo kamid; maxaa yelay Ramadaanku illaah (cw) waxaa uu ka yeelay mid ka dheer Bilaha kale afar arimood oo waa weyn oo kala ah:

1-Waxaa uu illaah Ramadaan dhex galiyay hal habeen oo ka fadli badan kun Bilood, taasoo macnaheeda yahay in habeenkaas Cibaadada la sameeyaa ay kheyr badan tahay 1000 Bilood oo cibaado ah, waa in kaban 82sano qiyaastii, waxaana arintaas u Daliil ah Qur’aanka kariinka ah aayadaha ka midka ah:

قال تعالى: { وما أدراك ما ليلة القدر . ليلة القدر خير من ألف شهر . تنزّل الملائكة والروح فيها بإذن ربهم من كل أمر . سلام هي حتى مطلع الفجر } سورة القدر .

Waxaa ayadaas macnaheeda oo kooban tusayaa: in Habeenkaas aad u qiima badan yahay, kana kheyr badan yahay kun Bilood, waxyaabaha uula dheeraadka yahay Habeenkaasna waxaa ka mid ah in Malaaikta uu kamid yahay Jibriil ay soo dagtaan, waana Habeen nabad xambaarsan ilaa waagu ka dilaaco.

2-Waxaa kaloo Ramadaanka Bilaha dheer yahay waa in lasoo Dejiyay Kitaabada kuwa ugu Fadli badan oo lagusoo dajiyay Nabiyada kuwa ugu Fadliga Badan( nabadgalyo iyo naxariis korkooda allaha yelee), waxaana ka mid ah Kitaabkeena ku Qur’aanka ah, Suxuftii Nabi Ibraahiim,Toowraad, Injiil iyo Zabuur

قال تعالى: { شهر رمضان الذي أُنزل فيه القرآن هدى للناس وبيّنات من الهدى والفرقان } البقرة / 158

وقال تعالى:{ إنا أنزلناه في ليلة مباركة إنا كنا منذرين .فيها يُفرق كل أمر حكيم . أمراً من عندنا إنا كنا مرسِلين } الدخان / 1-2 .

Waxaa labadaan aayadoodba tusayaan in Kitaabka Qur,aanka ah lagu soo dhex Dajiyay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, weliba waxaa aaayada dambe tilmaameysaa in lasoo dajiyay Qur’aanka Habeenka Fadliga badan ee Lelatul-Qadriga loo yaqaan, waxaa kaloo ka sugnaaday Nabigeena Suuban Xadiis uu ku tilmaamay in kitaabada aan kor kusoo Sheegnay oo dhan lasoo Dajiyay Bisha Ramadaan dhexdeeda, taasoo tilmaameysa darajada dheeraadka ah ee Bisha Ramadaan.

وروى أحمد والطبراني في معجمه الكبير عن واثلة بن الأسقع – رضي الله عنه – قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( أُنزلت صحف إبراهيم أول ليلة من شهر رمضان ، وأُنزلت التوراة لِسِتٍ مضت من رمضان ، وأُنزل الإنجيل لثلاث عشرة مضت من رمضان ، وأُنزل الزبور لثمان عشرة خلت من رمضان ، وأُنزل القرآن لأربع وعشرين خلت من رمضان ) . حسنه الألباني في السلسلة الصحيحة (1575) .

Xadiiskan waxaa uu si cad u tilmaamayaa oo uu xadidayaa taariiq ahaan maalmaha ay soo kala dageen ee ka mid ah Bisha Ramadaan Kitaabadii ugu Fadliga Badnaa ee uu Illaah (cw) kusoo kala Dajiyay Nabiyo aad u Fadli badnaa (nabad iyo naxariis korkooda allaah yeelee).

Waxaa uu yiri Nabiga (Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee):{waxaa lasoo dajiyay Suxuftii Nabi Ibraahiim Habeenka Koowaad ee ka mid ah Bisha Ramadaan, Toowraadna waxaa lasoo dajiyay Habeenka todobaad ee Bisha Ramadaan, Injiilna waxaa lasoo dajiyay Habeenka 14aad ee Bisha Ramadaan, Zabuurna waxaa lasoo dajiyay Ramadaan oo ay ka baxday 18 Habeen, Qur’aankana waxaa lasoo dajiyay ayadoo ay ka gudubtay Ramadaanka 24 Habeen} Albaani Xadiiskan waxaa uu ku tilmaamay Xasan inuu yahay Darajo ahaan.

3- Waxaa kaloo Ramadaanku Bilaha dheer yahay in Albaabada Janada la furo, kuwa Naartana la xero, Shayaadiintana la Katiinadeeyo, arintaasna waxaa cadeeyay Axaadiis fara badan oo laga wariyay Nabigeena Suuban (Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa Alaha yeelee), waxaana ka mid ah Axaadiistaan kuwaan soo socda:

فعن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( إذا جاء رمضان فتحت أبواب الجنة وغلقت أبواب النار وصُفِّدت الشياطين ) متفق عليه.

Xadiiska koowaad oo ah darajo ahaan Xadiis Saxiix ah waxaa uu cadeeyay: Ramadaanku haduu sooo galo in Albaabaha Janada la furo, kuwa Naartana la xero Shayaadiintana la Katiinadeeyo.

Xadiiska labaadna waaa Xadiis Darajo ahaan uu Saxiixiyay Sh ALbaani (allaah u naxariistee) waxaa uuna ku macna yahay kii hore waxaa uu leeyahay sidatan:

وروى النَّسائي عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( إذا جاء رمضان فُتحت أبواب الرحمة وغلقت أبواب جهنم وسلسلت الشياطين ) وصححه الألباني في صحيح الجامع (471).

Macanihiisuna waa : Haduu yimaado Ramadaanka waxaa la furaa Albaabada Raxmadda, waxaana la xeraa Albaabada Naarta Jahanamo, waxaana la ka tiinadeeyaa Shayaadiinta.

Xadiiska Sadaxaad ee tusaya Fadliga Bisha Ramadaan waa xadiis xaga macnaha Xambaarsan faahfaahino ka dheeraad ah Axaadiistii ka horeysay laakiin ku macno ah, waxaa uu le yahay sidatan:

وروى الترمذي وابن ماجه وابن خزيمة في رواية : ( إذا كان أول ليلة في شهر رمضان صُفِّدت الشياطين ومَرَدَة الجن ، وغلقت أبواب النار فلم يُفتح منها باب ، وفتحت أبواب الجنة فلم يغلق منها باب ، وينادي منادٍ : يا باغي الخير أقبل، ويا باغي الشر أقصر . ولله عُتقاء من النار وذلك كل ليلة ) . وحسنه الألباني في صحيح الجامع (759) .

Waxaa uu leeyahay Xadiiskan: Hadii la gaaro Habeenka ugu horeysa Ramadaanka Shayaadiinta waa la Xeraa iyo kuwa madaxa adag ee Jinka kamidka ah, waxaana la xerxeraa albaabada Naarta Albaabna lagama furo, Albaabada Janada waa la furfuraa Albaabna lagama xero, waxaana dhanka samada ka Naadiya Mid Naadinaya oo leh: kan Kheyrka raboow u kaalay, kan Sharta doonayoow Gaabso. Habeen walba oo kamid ah Ramadaanka illaah waxaa uu leeyahay kuwo Naarta uu ka xoreeyo.

Maraka waxaa Axaadiistaas oo dhan na tusinayaan fadliga Bidha Ramadaan iyo Fursadaha Ruuxa Muslmka uu helaayo oo ah kuwa aan mar walba hor oolin sida in laga xero Shayaadiintii Xumaanta u qurxun jirtay kuwooda ugu madaxa adkaa ee ugu Sharta badnaa taasoo Muslimka siineysa inuu helo jawi aan laheyn caqabado oo uu ku cibaadeysan karo, waxaa kaloo Axaadiistaan laga faaiidayaa in loo dagdago Kheyrka maadaama Janadii loo furay irdaha Naartiina ay Xeran tahay..

4- Arinta Afaraad ee Ramadaanku Bilaha Dheer yahay waa:In uu Xambaarsan yahay Cibaadooyin ay yartahay in sanadka oo dhan laga dhex helo oo aad u fara badan sida Soonka, Qiyaamka, Quudinta Masaakiinta, Ictikaafka, Sadaqada iyo Qur’aan aqriska.

Waxaana Bisha Ramadaan la Jibaaraa Ajarada taasoo ah fursad aan mar walba laheli Karin.

Hadaba waxaan intaas ku soo koobayaa Darsi ama Maqaal aan Rajeynaayo- Inshaa allaah – inuu noqdo kii koowaad oo aan uga qeyb qaadanaayo Bisha Barakeysan oo Ramadaan ka Faaiideysigeeda.

Waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ramadaanku waa Fursada Cumriga|Calinuur "

  1. websita qu raanka la xafido yaan u baahaan ahy