Home » Warar »

Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego, taas oo aan cidna lagu ciqaabin . Q.1aad

Warbixin dheer oo uu qoray ururka ECOTERRA oo ku saabsan badda Soomaaliya ayaa cinwaankiisu ahaa “Dhul-badeedka Soomaaliya: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego.” Warbixinta oo ka kooban dhawr qaybood waxay u qoran tahay qaab ah “beenta la sheego,” iyo “xaqiiqada jirta,” oo jawaab u ah. Qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri:

  • FG: Sida ay isku qeexaan “ECOTERRA waa Urur caalami ah oo dhawra bey’adda, una dooda xuquuqul Insaanka, oo xafiisyo ku leh Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa kale oo ururkaasi  la socdaa xaaladda waxyaabaha ku jira bad-weynta Hindiya ee ku dherersan xeebaha Bariga Afrika iyo badda khaliijka Cadan. ECOTERRA waxay ka hawl geleysey Soomaaliya laga soo bilaabo 1986, waxayna si xoogley ula socotaa burcad badeedda.”

Warbixinta ECOTERRA – Qaybta 1aad:

Beenta: Ciidamada Badda iyo warbaahintooda oo ku andacooda in ay ku guulaysteen yaraynta burcad badeedda.

Xaqiiqada Jirta: Weligeed taariikhda ma dhicin mar ay xaaladaha burcad badeeda ee Geeska Afrika ka badan yihiin sida ay yihiin hadda (2010); ayadoo ay jirto in laga soo bilaabo dabayaaqadii 2008 halkaas laga bilaabay hawl-gallada maraakiibta ciidamada ee ka socda dalalka badan; maraakiibtaas iyo ciidamada (shisheeye) oo si joogto ah ugu sii badanaya Soomaaliya si aan weligeed hore loo arag – ciidamo aan halkaas lagu arkin xitaa markii uu socdey Dagaalkii 2aad ee Adduunka (WWII). Laakiin isla xilligaan waxaa burcad badeedu ay meeshii ugu saraysay gaarsiisay kordhinta rabshadaha iyo iska hor imaadyada.

Beenta: Ciidadamada badda (ee maraakiibta shisheeye) waxay ku hawl galaan Qaraar/Sharci Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay

Xaqiiqada Jirta: Ciidamada Badda (ee shisheeye) marka la eego xeerka qawaaniinta caalamiga ah iyo sharciga qaranka Soomaaliya midna kama haystaan ogolaansho ama bataatanba/ habayaraatee ma haysaan qaanuun xuquuq u siinaya in ay galaan 200 nm (mayl-badeed) ee dhul-badeedka Soomaaliya.  Xeerka Golaha Ammaanka ee ciidamada (maraakiibta shisheeye) ay had iyo jeer cuskadaan waxa uu si qayaxan u sheegayaa in sida keliya ee uu ku noqonayo xeer dhaqan gala ay tahay Ogolaanshada Dawladda Soomaaliya, taas oo ah Baarlamaanka Soomaaliya oo aan xeerkaas la hor keenin, islamarkaasna warqad aan la hubin jiritaankeeda ee la sheegay in uu saxiixay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf weligeed lama arag ama lama soo bandhigin, dhanka kale warqadda uu Dawladda Soomaaliya u saxiixay Ergaygii hore ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey ee Soomaaliya Walad Cabdalla oo reer Mauritania ah waa warqad sharci darro ah oo waxba kama jiraan ah (Nil & Void).

Beenta: Ciidamada badda ee Midowga Yurub (EU NAVFOR) waxay heshiis la galeen Dawladda Soomaaliya, heshiiskaas oo ku saabsan Dhul-badeedka Soomaaliya iyo la dagaalanka burcd badeedka

Xaqiiqada Jirta: Warqad ay wada saxiixeen Safiirka Faransiiska u fadhiya Kenya, Ms Elisabeth Barbier – oo u saxiixday Midowga Yurub iyo Maxamed Cali Nuur – oo u saxiixay dalka martida loo yahay ee Soomaaliya – ayadoo arrintaas uusan ogeyn Baarlamaanka Soomaaliya – saxiixaas oo u dhacay qaab kulan qarsoodi ah, isagoo (safiirku) ku andacoonayey in uu wakiil ka ahaa Nuur Xasan Xuseen oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaarahii xukuumaddii madaxweynahii hore ee DFKMG C/laahi Yuusuf, warqaddaasi waa sharci darro iyo waxba kama jiraan (Nil & Void) sababtoo ah Baarlamaanka Soomaaliya markii horena arrintaas uma xilsaarin, markii dambena ma ansixin, sidoo kale baarlamaanku ma bixin ogolaansho ay siiyeen in ciidamada dalalka Yurub ay ku galaan dhul-badeedka Soomaaliya.

Labada saxiix ee Yurub yo dalka martida loo yahay ee Soomaaliya midkoodna ma wato tastiiqin ama shaabad rasmi ah. Waa arrin aan marna caqliga geli Karin sida ay ku dhacday in ogolaanshada heshiis reebi kara  raad aad u weyn iyo cawaaqib lagu qeexay heshiiska, oo ay kamid yihiin dilka ciidamo shisheeye ay u geystaan dad Soomaaliyeed , arrintaas oo loo maareeyey si taxadar la’aan ah oo qeyru–masuul ah, oo aan la marsiin nidaam sax ah ee sharci ahaan looga baahnaa. Laakiin tani waxay soo ku soo xasuusinaysaa isku daygi sharci darrada ahaa ee Guddoomiyihii hore ee Kalluumaysiga Midowga Yurub, Mme. Emma Bonino, ay isku dayday – inkasta oo aysan arrintaas ku guulaysan waayo waxaa laga eryey xilkii Guddoomiyanamo ee Midowga Yurub – si ay shati (laysan) kalluumaysi oo sharci darro ah uga hesho Dagaal-Ooge Soomaaliyeed.

Wax kasta oo khuseeya ama taabanaya xornimada Soomaaliya waxaa xuquuqdeeda leh Baarlamaanka Soomaaliya – sidoo kale wax kasta oo taabanaya xornimada dhuleed ee Soomaaliya waa mid lagu go’aamin karo afti guud oo dadweynaha. Qaanuunka iska cad ee sharciga ah waxaa loo garab maray si toos ah oo sharci darro ah. Nuur Cadde, waa sida loo yaqaan’e, waxaa waadix ah in uu abaal-marin ku helay isxaanka uu u sameeyey Midowga Yurub, waxana laga soo qaadayaa in uu khiyaano qaran iyo mid shacab ka galay dadka iyo dalka Soomaaliya – Markii laga wareejiyey kursigii Ra’iisul Wasaaraha iyo golahiisii – waxaa loo dhiibay booska Wakiilka DFKMG u fadhiya Brusseles iyo booska Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga – oo ahaa dal kamid ah gumaystayaashii, oo ah dal weli ah mid si khaldan talooyin latalin (arrimaha Soomaalida) ugu qaabilsan Midowga Yurub. Sharci-nimada heshiiskaas waa in sidoo kale ay su’al ka keenaan dhanka Yurub. Talyaanigu waa dalka keliya ee reer Yurub oo isagoo aan ogolaansho ka haysan Midowga Yurub si toos ah lacag ugu dira saaxiibada Talyaaniga iyo Dagaal-Oogayaasha ee jaalayaasha is-bed-belaya ee arrimaha cakiran ee Soomaaliya.

Nidaamka la samaystay (ama macmaalka ah) ee ciidamada EU NAVFOR waxaa si khaldan u adeegsadey dalalka sida Norway, taas oo xitaa aan xubin ka ahayn Midowga Yurub, laakiin ku dhiiratey in ay unug ciidamo tababaran  u diraan ayagaoo adeegsanaya hawl-galka Midowga Yurub ayagoo saq dhexe weerar ku qaaday dekededaha dabiiciga ah ee Woqooyi Bari Soomaaliya, iyagoo halkaas ka geystey fal-dembiyeed aad u fool xun ay ku dhinteen kalluumaysato Soomaali iyo Yemen ah.

Waxaa taas dheer: Ciidaamada EU NAVFOR ee ku hawlgala magaca ATALANTA ama magaca reer Yurub, ma jiro cid xuquuq u siisay in ay waardiyeeyaan kalluumaysiga ka socda badda Soomaaliya. Inkasta oo ay ahaan lahayd arrin la soo dhaweeyo haddii ay dawladda Soomaaliya iyo shacabkaba ka caawin lahaayeen la dagaalanka maraakiibta shisheeye ee sharci darrada u kalluumaysta, xaqiiqada jirta waxay tahay in aan hal markab oo kamid ah kuwa sharci darrada u kalluumaysta ee la xaqiijiyey in ay halkaas ku sugan yihiin, aysan ciidamadaasi ka eryin meesha. (Mar haddii aysan difaacayn kalluunka) waxaa markaas “kor kala socodkooda kalluumaysiga” ay tahay in loo arko mid ay ku basaasayaan khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo – sida Soomaali badani ku aandacoodaan – in ay difaacaan maraakiibta sharci darrada ku jariifaya oo xaalufinaya kalluunka.

Beenta: ma jirto in si sharci darro ah oo looga kalluumaysto Badda Soomaaliya.

Xaqiiqada Jirta: Kalluumaysiga sharci darrada ah waa ka sii socdaa (Soomaaliya), laakiin had iyo jeer waa mid ku xiran xilliga ama (waqtiga bad-furanka) aad kor ugu kaca, waxaa kale oo sii socda shatiyada sida sharci darrada ah lagu siinayo maraakiibta shisheeye inkasta oo laga soo bilaabo April 2009 ay jirtay xannibaad arrintaas ay ka soo saartay Dawladda FKMG. Sharciga Kalluumaysiga Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ahba waxay dhigayaan in dawladda dhexe ee la aqoonsan yahay oo keliya ay  shatiyada siin karto shirkadaha shisheeye ee ku hawlan kalluumaysiga ganacsiga ah.

Dhanka kale dadka deegaanka ee noloshoodu ku tiirsan tahay kalluumaysiga waxaa qaanuunka u dejiya wakaalado ayagoo raacaya xeerka ay dejisey Wasaarada kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, wasaaradaas oo awoodda iyo masuuliyadda arrintaas u xilsaari karta maamullada degaanka (laakiin aan arrintaas weli samayn). Sidaas daraadeed shirkad kasta oo shisheeye oo doonaysa kalluumaysi ganacsi, islamarkaasna dhoofineysa kalluun ama khayraadka kale ama noolayaasha kale ee ku jira badda sida Aar-goosatada iwm, waxay u baahan yihiin shati (laysan) ay bixiso  Dawladda FKMG, taas oo shatigaas bixin karta marka ay dejiso xeer cusub ee kalluumaysi iyo sidii xeerkaas loo dhaqan gelin lahaa, loona dhawri lahaa dhaqan gelintaas.

Wakaallada Horumarinta Caalamiga ah ee UK ee loo soo gaabiyo  (DFID) warbixin ay soo saartay 2005 ayaa sheegtay in muddadii u dhaxaysay 2003-2004 ay Soomaaliya ka luntay $100 million oo doolar oo ah dakhli soo geli lahaa, taas oo ay sababtay sharci darrada ay maraakiibta wax jariifa ee shisheeye ay Tuunada iyo Shrimp uga kalluumaystaan badda u gaarka ah Soomaaliya. Celcelis ahaan sannadkii waxaa shisheeyuhu ay badda Soomaaliya ka dhacaan khayraad badeed lagu qiyaasay 300 million oo doolarka Maraykanka.

Dhibaatada sharci darrada iyo sida xad dhaafka loo kalluumaysto ma aha mid ku kooban Soomaaliya oo keliya: Guud ahaan sannadkii waxaa kalluunka xad dhaafka ah ee laga gurto badaha (adduunka) waxa uu gaaraa 50 Billion oo Doolar, sida ay qiyaaseen bangiga Adduunka (WorldBank) iyo hay’adda cuntada Adduunka (FAO.) Halka Suuqa Ganacsiga ee Wall Street markii uu khasaaray lacag lagu qiyaasay 1.5 Billion Doolar markiiba bangiyada iyo hay’adaha maaliyada (ee arrintaasi saamaysay) loo gurmadey oo lagu “badbaadiyey” 700 Billion Dollar ee mashruucii badbaadinta – ayadoo la adeegsaday lacagta cashuur bixiyaasha-, laakiin MA JIRTO wax laga qabtay badbaadinta badda (sida xad dhaafka looga gurto kalluunka.)

Qaybta 2aad AKHRI….

Akhri Qaybaha Kale: https://somalitalk.com/tag/ecoterra/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego, taas oo aan cidna lagu ciqaabin . Q.1aad "

  1. Aaamusane says:

    Aad ayaad ugu mahadsantihiin sida aqoonta ku salysan ee aad uga war
    wabixsaan dhibaatada lagu hayo soomaaliya. Waxaanse aad ula yaabanahay,wixiinu soomaali jacayl ka weyne waa maxay shaqadiinu?
    Mise aniga ayaa rajo dhigaye soomaali daacad ahi way jirtaa. Mar labaad waa ku mahadsan tihiin warbixinadiina waafiga ah.

  2. S. ISSE says:

    ASC. Aad baan ugu farxaa Qoraalkina iyo dadaalkina., Balse waxaan isweydiya marka laga hadlaayo BADDA IYO BIRIGA Somaaliya Websiteyaa intooda badan waxba kama Qoraan.
    Mise ma fahansana arinto sidee MUHIM u tahay.
    ALLAH haydin garabgalo.

  3. abdirahman says:

    Nuur cade wuxuu saxiixay warqada beenta ah oo ogolaanshaha gumeysiga badda, waxaa ku qoran warqadaas haddii aan akhrideen in ay ciidamadaasi bad iyo bari meeshay doonaan galayaan, cidii ay doonayaan dilayaan ama xirayaan, aan dalku-dal somaliya gudaheeda la waydiin karin, aan la waydiin karin meesha ay u socdaan, aan la baari karin, aan canshuur la waydiin karin. Waxaa kaloo ku qoran warqadaas in ciidamaas dambi kasto oo galaan aan maxkamad la soo taagi karon, dacwadna aan lagu soo oogi karin. wax yaabo badan ayaa ku qoran oo damiir leh uusan saxiiixi karin. Bal ka baari bogan Somalitalk qoraaladiisii hore.

    Marka nuur cade, shariif, iyo Abdirahman, ninka badda saxiixey waa in aan maalin ay noqotaba maxkamad soo taagno, waxayna galeen khiyaano qaran iyo dal iyo umad.

    Abdirahman

  4. nuur says:

    somali talk aad baad ugu mahad santahay, geesinimada baraarujindaada
    sidii aad bada soomaliya in la iibsado aad uga soo rideen kuwii aan damiirka lahayn, hada waa in aan badinaa sidii qoralaaka iyo baraarujinta aan uga saari lahayn markiibta ciida ka badadtay. Ninkii damiir laeh ayaa xaqiiqda fahmaya long live somali talk

  5. kamaal says:

    Nuur cade wuxuu saxiixay warqadii lagu soo galay somaliya waana ognahay lakiin sow ma ogidin in sheekh shariif uu ogyahay sababta buresselas, Nuur cade xafiiska beenta ah luugu furay wuu ogyahay waxana kama qaban ..

    Marka ninka leh sheekh shariif muuu nuur cade wax ka qabto asagaan daacad ahayn qof aan daacad ahayn mid kale oo aan daacad ahayn wax kama sheego waxna kama qabto marka somaliya inay burburto wadamo badan ayaa sugaayay waana dhacday lakiin la socda kuwa nariday sida talyaaniga iyo kenya, iyo ethopia inaysan doonayn in aan mardanbe lugaheena ku istaagno..

    Lakiin ilaahay ayaa aduunkaan leh, japan waxa ku dhacay naguma dhicin maantana waa wadamada aduunka ugu muhiimsan lakiin tan keliya een sameen karno waa inaan qornaa waxa nagu dhacaya si aan markaan lugaheena ku istaagno aan sharciga wadankeena u horkeeno hadii rabi idmo…
    Marka somalitalk,, aad baad ugu mahadsantihiin sida geesinimada leh ee aad u qortaan marwalba dhibka loo gaysto wadankeenii hooyo iyo dadkeenaba..haka daalina inaad indhaha ku haysaan kuwa wadankeena maskax, iyo adin , iyo gacan wax ugu dhimaya…..

    Waxaan somalitalk ka codsan lahaa inaad sameesaan raga somalida sida nuurcade iyo cabdi shakuur ninkii saxiixay bada somaliya inaad u sameesaan file la yiraa Danbiilayaasha somaliyeed….iyo midwalba wuxuu wadanka u geestay si hadhoow lagula xisaabtamo..marka dowlad somaliyeed dhalato…

  6. SOMALITALK aadbaad ugu mahadsan tihiin qoraalka aad ka udheer una muhiimka ah,halkaa kahaya noosoo gudbinta hadba wixii kusoo kordha wadankeeda ama ay caalamkaba kaqoreen khayraadka dalkeena hooyo ALLOW SAHAL SAYMAHA ADUUN SUBAXBA WAA CAYNE.

  7. Nuur says:

    U sheeg sheeq shariif isagaa tuugsi ka bixi la marba wadan diyaarad u saaran badana intaas oo daqli laga dhacaa dadkiina loogu daray dil !