Home » Warar »

Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego. Qaybtii 2aad

Warbixinta ECOTERRA – Qaybta 2aad:

Beenta: Beesha caalamku waxay caawinaad siiyaan Soomaaliya iyo Soomaalida …

Xaqiiqada Jirta: Waxaa dhif iyo naadir ah in la bixiyo lacag ay ku yabooheen kuwo ugu sareey tun-weynayaasha ololaha lacag bixinta ka muujiya warbaahinta. Arrinta ku saabsan in aan la bixin lacagta lagu yabooho ma ah mid ku kooban Soomaaliya, waa been caalami ah oo xitaa ay cambaareeyeen dalalka G20.

Haddii lacag la gaarsiiyey Soomaaliya waa mid la siiyey hawl-gallada dembiilayaasha WFP (oo ay baaritaan ku waddo UN-tu), hub la gaarsiiyey, tababar dagaalyahaniinta Soomaaliya, oo ay tababaraan tababarayaashooda ajaaniibta ah. Xitaa ciidamada reer Yurub ee EU NAVFOR waxa keliya oo ayagoo waardiyaynaya ay soo galbiyaan maraakiibta sida hubka  iyo aalaadaha kale ee militariga ee ku coda ciidamada AMISOM, waxaana arrintaas loo diiwaan geliyaa in maraakiibta baddu ay soo gelibiyeen “mucaawino bini-aadamino”. Waxaana la aamusiyay hay’adaha NGO oo lagu maal-geliyo “daraasad” ay bixiyaan kooxaha sirdoonka, waxaana caawinaada dhabta ay gaartey meeshii ugu hoosaysay laga soo bilaabo dagaalkii ahliga ahaa.

Soomaaliya waxaa loo qoondeeyey in lagu hayo ilxumo iyo darxumo (eel) meesha ugu hoosaysa adduunka oo dhan, taas oo lagu qeexo dhimashada aan loo baahnayn: Waxaa la qiyaasay in saacad kasta in guud ahaan adduunka oo dhan ay ku dhintaan 1600 qof, oo badankoodu ah carruur, una dhinta cudurro la xiriira maacaluul iyo faqiirnimo, waxaana malaayiin kale la halgamayaan sidii ay u badbaadi lahaayeen ayagoo aan haysan waxyaabaha asaasiga u ah ee nolosha, sida biyo nadiif ah, cunto, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad.

Arrintaas (darxumada iyo macaluusha ay adduunka ugu dhintaan dad qiyaas ahaan gaaraya 38,400 qof maalin kasta) marka laga hadlayo, kuwa sida xun wax u fiiriya waxay ku andacoodaan in arrintaas loo baahan yahay, si loo xakameeyo ama loo yareeyo kororka tirada bini’aadamka ee adduunka ka badanaya. (Marka la dhuuxo habka is-barbardhigga ah ee qormadu u qoran tahay, waxaa laga fahmi karaa in sababta silica/darxumada loo badayo Soomaalida ay tahay in la yareeyo tirada dadka Soomaalida.)

Beenta: Dhammaan Soomaalida ku dhex jirta baddu waa burcad-badeed!

Xaqiiqada Jirta: Inkasta oo beesha caalamku si xooggan isugu dayeen in ay ka gudbaan qaanuunka gaboobay ee burcad-badeedka ayagoo cadayn ka dhiganaya “xaalad ama duruuf muuqata” in ay taasi ku filan tahay in burcad-badeeda la dilo ama la xakumo, oo la xiro. Markaas qolyaha habka sharciga ama sida sharciga ka baxsan u ugaarsada burcad-badeedu waxay doonayaan in haddii ay arkaan mar haddii ay jaranjaro kuu saran tahay doon in ay taasi ku filan tahay in la maxkamadeeyo qofkii dontaas watey, laguna oogo dembiga burcad-badeednimo ama in laba khaarijiyo kooxdaas.

Laakiin, “sida nolosha dhabta ah” ama xaqiiqada jirta waxay tahay in xeebta 3,300 km oo ku dherersan Soomaaliya  – oo ah dalka ugu xeebta dheer Afrika – wax kasta ayaad ku arkeysaa – Wanaagga, Xumaanta, iyo Fool-xumada.

Sawirka: Wiil Soomaaliyeed oo ka gudbaayey Isbaaro dhextaal magaalada Muqdisho, isagoo madaxa ku sita Kalluun.. (Xuquuqda. www.telegraph.co.uk – 28 Agoosto 2009)

Waxaad (xeebta/badda Soomaaliya) ku arkaysaa kalluumaysatada kuwa ugu naxariista badan oo ugu hawl-karsan,  oo wax soo saarkoodu halbowle u yahay hab-nololeedka boqolaal-kun oo ah bulshada Soomaalida, waxaad ku arkaysaa shirkadaha safriya ama soo dhoofiya dhammaan alaabta loo baahan yahay laga bilaabo burka ilaa batroolka, waxaad ku arkaysaa kooxo degaanka oo difaacaya aagga xeebta iyo baddooda, waxaad ku arkaysaa malasiyo ah tuugo maafiyo ah oo ay kiraysteen ganacsato cadaawad isu haya si midba kan kale uga weeraro xamuulka ay safrinayaan, xamuulkaas oo noqon kara alaab macduun ah ama mamnuuc ah ama daroogada sharci darada ah iyo hub, waxaad kale oo xeebta Soomaaliya ku arkaysaa kooxaha burcad-badeeda dhabta ah oo weeraraya maraakiibta ganacsiga ee aan wax dembi ah lahayn – kooxdaas burcad badeeda oo lagu suntay in ay yihihiin silsilad caalami ah oo isku xiran oo ugaarsanaya alaabta si ay u helaan lacag madax-fursho farabadan oo degdeg ah, waxaa kale oo xeebaha Soomaaliya lagu arkayaa arrimo intaas aan soo xusnay u dhexeeya oo aan lakala cadayn karin.

Xaqiiqadu waxay tahay suurtagal ma aha in qof bannaanka ka yimid (oo shisheeye ah) uu kala saari karo dadka doonyaha saaran ee ku sugan Geeska Afrika.

Arrimahaasi waa kuwo sabab looga dhigan karo in la xoojiyo hab maamulka degaanka maxalliga ah ee Soomaaliya si ay u dabagalaan kuwo xum, waxna uga qabtaan fool-xumada, ula macaamilaan wanaagga. Hawshaas hal-bawlaha ah ma ah in loo dhaafo aragtida ciiradu ku jirto ee maraakiibta badda ee shisheeye iyo kuwooda wajiga carada leh. Ayadoo la adeegsanayo caawinaadda beesha calamka marka la kobciyo oo la horumariyo  hab-nololeedka bulshada ku dhaqan xeebaha Soomaaliya, markaas burcad-badeedu waxay markale noqon doontaa arrin meesha ka baxda oo laga gudbo!

AKHRI Qaybta 3aad….

Qaybtii 1aad ka akhri Halkan | ama https://somalitalk.com/tag/ecoterra/

Sidoo kale Akhri: Maraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo “La Dagaalanka Burcad-Badeedda”…

  • FG: Sida ay isku qeexaan “ECOTERRA waa Urur caalami ah oo dhawra bey’adda, una dooda xuquuqul Insaanka, oo xafiisyo ku leh Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa kale oo ururkaasi  la socdaa xaaladda waxyaabaha ku jira bad-weynta Hindiya ee ku dherersan xeebaha Bariga Afrika iyo badda khaliijka Cadan. ECOTERRA waxay ka hawl geleysey Soomaaliya laga soo bilaabo 1986, waxayna si xoogley ula socotaa burcad badeedda.” Tixraac: www.ecoterra.net

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego. Qaybtii 2aad "

  1. nuur says:

    sii wada halganka difaaca bada soomliyeed aad baana ugu mahad santihiin
    waxaan jeclaan lahaa inaad docummentry seminers iyo kuwa kalana ku soo dartaan

  2. a c bahda somalitalk waxaad ku mahadsantihiin dadaalkiina runtii waxkastoo cilmi baaris ah ama difaaca dalka dadka iyo diinta waxaa inoo soo tabiyo somalitalk aad baad u mahadsantihiin kun jeer