Home » Warar »

Ergayga Gaarka ah ee Xoghaya Guud uqaablisan Soomaaliya oo hadal ka soo saaray go’aanka Ra’iisal Wasaaruhu is ku casilay

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WARSAXAAFADEED 019/2010

Nayroobi, 21 Sebtember 2010 – Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Dr. Augustine P. Mahiga, ayaa arkay go’aanka uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, uu isku casilay isagoo tixgelinaya danaha nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Dr. Mahiga ayaa ku tilmaamay iscasilaadda Ra’iisal Wasaare Sharmaarke inay tahay caqabad ama dhibaato culus oo muujinayso khilaafka ka dhex taagan hay’addaha federaalka ku meelgaarka ah. Wuxuuna hayadaha u rajeeyay inay xalliyaan wixii khilaaf ah ee dhexdooda ka jiray, khilaafkaasoo curyaamiyay awooddii Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ah ay u lahayd inay wax kaga qabato arrimaha muhimka ah. Hogaanka Soomaaliyeed waa inay ahaadaan kuwo midaysan kuna hawlan waajbaadkooda.

“Sannad wax ka yar ayaa ka hartay xuilliga kala guurka ah oo dhammaanaya bisha Agoosto 2011, waxaana la doonayaa in la qabto hawlo aad u badan”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. “Mar labaad waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka taageera nabadda iyo amniga inay wadashaqayn muujiyaan. Bulshada caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeedba waxay madaxda Soomalida ka dhowrayaan inay midoobaan mana doonayaan inay arkaan dhibaato siyaasadeed ee soo noqnoqota. Waa inayna jirin cudurdaar kale oo lagu hakinayo geeddisocodka nabadda.”

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nayroobi Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133 Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org


Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen AMISOM, IGAD iyo UNPOS kuna saabsan Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda

Nayroobi, 21 Sebtember 2010 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine P. Mahiga, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Boubacar Diarra, iyo Xiriiiriyaha Ururgoboleedka IGAD u Qaabilsan Arrimaha Nabadda iyo Dibuheshiisiinta Qaran ee Soomaaliya, Md. Kipruto Arap Kirwa, ayaa ugu baaqay kooxaha Soomaalida ee foodda iskula jira colaadda hubaysan inay xabbadda joojiyaan maalintan xurmada leh (Maalinta Nabadda Adduunka oo ku beegan 21ka Sebtember) oo ay markaasna sii wadaan si loo gaaro nabad waarta.

Maalinta Nabadda Adduunka waxaa lagu asaasay qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay sannadkii 1981 waxaana dabbaaldeggii ugu horeeyay ee Maalinta Nabadda Adduunka la qabtay sannadkii ku xigtay ee 1982. Maalintan waxaa loola danleeyahay inay xoojiso fikradaha la xiriirta nabadda iyo inay yareyso kacdoonka iyo sababaha dhaliya iskahorimaadka. Intaa waxaa dheer, shirmadaxeedkii Ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay Libya bishii Disembar ee sannad hore ayaa u aqoonsaday sannadka 2010 inuu ahaado Sannaddii Nabadda iyo Amniga Afrika.

“Nabaddu waxay ka mid tahay xuquuqda asaasiga ee baniaadamka, qof walbana waa inuu ku naaloodaa” ayey yiraahdeen wakiillada. “Arrintan waxay si gaar ah u khuseysaa Soomaaliya oo dadka rayidka ah 20kii sanno ee la soo dhaafay ay ku haysatay colaad, deganaansho la’aan iyo nolol xumo. Waxaa ah wax laga naxo in la maqlo dhibaatada maalin walba haysata dadkaasi.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin nabad iyo xasillooni. Waa inaan sameynaa wax kastoo suurtogal ah si aan qof walba u siino amni iyo xasillooni, iyo inaan si gaar ah u rajagelino da’yarta. Ma doonayno in facaha ama jiilasha soo socota ay u dhibaatoodaan sidii aabbayaashooda.”

Sannad walba waxaa la abaabulaa xaflado loogu dabbaaldegayo laguna xusayo maalintan. Xaflado ayaa la qorshaynayaa inay ka dhacaan Nairobi, Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa.

“Qof kasta meel kasta ha joogee wuxuu u dabbaaldegi karaa Maalintan Nabadda Caalamiga.”, ayay ku baaqeen wakiilladu. “Dhammaanteen aan mar labaad u wada hawlgalno si nabad Soomaaliya looga xaqiijin lahaa.”

Public Information Office (PIO)
United Nations Office for Somalia (UNPOS)
www.unpos.unmissions.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.