Home » Warar »

Bandhigga Carwada ugu weyn adduunka ee Shanghai oo Soomaaliya ka qayb gashay

Carwada  Shiinaha oo soo bilaabatay May 1 – October 31, 2010 waxaa Soomaaliya u matalay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari….

Xarunta ganacsiga ee China  ee Shanghai waxaa ka socda bandhig dhaqameed iyo ganacsi lagusoo bandhigay dhaqamada Aduunka  si China oo noqotay xarunta ganacsiga aduunka ay u gu soo bandhigaan dadkooda wadamada uu gaaray ganacsigooda iyo inay fahmaan dhaqamada wadankaas si ay u xoojiyaan xiriirka siyaasadeed iyo kan ganacsi ee ay la leeyihiin aduunka.

Waxaana wadan walba kusoo soo bandhigay taariikhdiisa, bilicdiisa,  iyo xiriirka ganacsi ee ay China lawadaagaan hadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkaas.

Mire Maxamed oo ka mid ahaa Soomaalida booqatay bandhigaas oo SomaliTalk.com uga warbixinayey waxyaabihii uu halkaas kusoo arkay ayaa warbixintiisii waxaa ka mid ahaa sidan:

Wadamada ka qayb qaatay carwadu way kala bandhig weynaayeen, wadamada la isku yiraahdo G8 ayaa ugu bandhig weynaa uguna camirnaa, waxaa xigey wadamada soo koraya sida Hindia, Barazil, UAE, Indonisia, Malaysia iyo kuwo kale.

Calanka Soomaaliya oo suran goobta Carwada Shanghai

Haddii aan eegno Africa iyo kaalintii ay ka cayaareysay: runtii waxaa isku aaday iyadoo koobkii adduunka oo Africa lagu dhigayey oo aad baa loo xiisaynayay Africa, khaasatan  Koonfur Africa oo ay aad u camirnayd bandhigeeda ahna wadamada ugu dhaqaalaha roon Africa iyo kuwa kale oo aan sidaa u badneyn basle  Africa badankood ama aan iraahdee inta aadka saboolka u ah sida Somalia, Ethopia , Kenya iyo guud ahaan Africada Bari, Galbeed, Waqooyi iyo koonfurba yaan kala qaadqaadine dhamaan waxay wada deganaayeen oo ay bandhigooda ku soo bandhigeen hal meel marka laga reebo South Africa.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Bandhigga Shanghai

Mire oo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri: Haddii aan eegno sidee Soomaaliya ugu suurto gashay in ay ka qeybgalaan bandhigaas. Soomaaliya waxaa hadda ka hor yimid Chinese badmareen ah oo ahaa Muslim , magaciisun aahaa Zheng He oo tegey Soomaaliya 1415-kii. Meelihii uu ka tegey Soomaaliya waxaa ka mid ahaa xeebaha Koonfureed iyo xeebaha Woqooyi Bari sida magaalada Boosaaso. Halkaas oo uu ka qaaday duurjoog uu kamid yaha Gari. Sidaas ayay dawladii China xiriir kula yeelatay ummaddii soomaaliyeed ilaa ay kaheleen xornimadii.

Sawirka: Mire oo dhexjooga Carwada Shanghai, June 2010

Kaddib dawladihii soo maray Soomaalya dhammaan waxay China lasameysteen xiriir siyaasadeed. Waxay Soomaaliya kaqeyb qaadatay in China kamid noqoto golaha UNta waxayna noqotay dawlad African ah tii ugu horeysay oo Safaarad kafurata China lixdamaadkii.

Sidaa darteed ayey China markii ay qabanqaabinaysay bandhig dhaqameedkaan ulasoo xiriireen Soomaliya oo uu markaas madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf, kharashaadka bandhigana uga baxsheen sida uu ii sheegay Cabdul oo ah nin Soomaali ah, lataliyana u ahaa qabanqaabiyaasha bandhiga oo aan kula kulmay goobta carwada Shanghai, ayuu yiri Mire.

Saxiixii Soomaaliya ee ka qaybgalka Carwada

Sida ku cad akhbaarta ay  faafisay xukuumadda Shiinaha, 26.06.2007 ayaa la xaqiijiyey in Soomaaliya ka qayb galayso bandhigga carwada. Waxaana 14/09/2008 ay Soomaaliya si rasmi ah u saxiixday in ay ka qayb geleyso carwada Shanghai. Waxaa xilligaas Soomaaliya u saxiixay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Mohammed Awil, dhanka Shiinahana waxaa saxiixay Agaasime kuxigeenka guud ee Carwada Shanghai, Huang Jianzhi.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo saxiixaya ka qayb galka Carwada

Soomaaliya waxay ka qaybgalka carwada Shanghai 2010 World Expo u adeegsan doontaa sidii ay u horu marin lahayd qaab dhismeedka magaalooyinka (Soomaaliya), sidaas waxaa yiri safiirka Soomaaliya oo hadal ka jeediyey xafladdii saxiixa.

Sawirka: Safiirka Mohammed Ahmed Awil iyo Huang Jianzhi (Website carwada)

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay noqotay dalkii 91aad ee saxiixa in ay ka qayb galayaan Carwadda Shanghai. Waxayna Soomaaliya bandhigga kala qayb qaadanaysaa 40 dal oo kale oo Afrikaan ah. Guud ahaan carwada dalalka ka soo qayb galay waa 192 dal iyo 50 hay’adood oo caalami ah.

Sawir lagu  soo bandhigay carwada qaybta Soomaaliya, waxana uu muujinayaa sawirka Gerigii laga qaaday Soomaaliya iyo kulankii Madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao iyo  madaxweyanahii DFKMG Abdullahi Yusuf Ahmed ee magaalada  Beijing ee caasimada Shiinaha  Nov. 7, 2006. C/Laahi Yusuf waxa uu ka qayb galay kulankii loogu magac daray Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha (FOCAC) oo qabsoomay Nov. 4-5, 2006.

Mire oo ka hadlayey markii uu tegey Cawarada waxa uu yiri: Nasiib wanaag anigu waxaan tagay bandhiga bishii June 26-keedii oo ahayd maalintii xornimada Soomaaliya – oo sida aad sawirada ka aragtaan – calankeena lasaaray maalintaas oo lagu maamuusayey maalintii xornimada Soomaaliya.

Anigoo waqtigu igu yaraa socdaalna ku ahaa Shanghai iyo Cabdul oo aad mashquul u ahaa maalinkaas iima suuroobin in aan ku laabto bandhiga si aan ula kulmo. Wixii macluumaad dheeraad ah eeg webka bandhiga  http://en.expo2010.cn/ , ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Mire.

Sawir lagu soo bandhigay carwada oo ay ku qoran tahay xiriirka taariikhdiga ah ee labada dhinac Soomaaliya iyo Shiinaha in uu soo bilowday qarnigii 14aad xilligaas oo dal-mareenkii caanka ahaa uu yimid Soomaaliya.

Xiriirka Soojireenka ah ee China iyo Soomaaliya oo la xusay

Sida ku cad warbixinada website-ka carwada: Waxaa carwada qaybta lagu soo bandhigay Soomaaliya lagu qabtay xaflad gaar ah 26-kii June oo ku beegnayd xornimada Soomaaliya. Waxaana xafladdaas hadallo ka jeediyey Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Abdullahi Yusuf Mohammad iyo Jiang Zhengyun oo ah ku xigeenka guddomiyaha guud ee carwada Shanghai ee World Expo.

Jiang waxa Soomaalida ugu hambalyeeyey maalinta xornimada, waxana uu sheegay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada dalka Soomaaliya ee ku aadan carwada Shanghai. Waxana uu rumaysan yahay in Soomaaliya yahay dalkii ugu horeeyey  ee ku yaal bariga Afrika oo xiriir dublomaasiyaded la soo yeesha Shiinaha 50 sano ka hor – taas oo uu ku tilmaamay in dalka Soomaaliya carwada ka soo qayb galao ay tahay bilic iyo qurux.

Waxaa maalmihii xorriyadda Soomaaliya halkaas lagu soo bandhigay waxyaabo muujinaya dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliya, waxaana goobta Soomaalida la keenay gabdho Shiine ah oo ku lebsan dhar buluug ah si ay u muujiyaan midabka Calanka Soomaalida.

Waxaa kale oo la soo bandhigay waxyaabo ay Soomaalidu dhaqan u leedahay sida dhar, dermooyin, salliyo, koofiyado iyo farshaxan muujinaya waxbaaha ay Soomaalidu dhaqdaan sida Geela.

Boosaaso oo Noqotay Magaalada Matashay Soomaaliya

Soomaaliya waxaa carwada u matalaysey magaalada Boosaaso oo halkaas lagu soo bandhigay taariikhdeeda iyo xadaaradii ay lahaan jirtey. Waxaana carwada qaybta Soomaaliya hal-ku-dheg looga dhigay “Boosaaso: A City with Unlimited Potential” oo macnaheedu yahay: Boosaaso waa magaalo mustaqbal dheer leh. Waxaana halkaas lagu soo bandhigay in xiriir fog uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Shiinaha. Waxaana sawirada la soo bandhigay ka mid ahaa sawiro muujinaya safarkii uu xeebaha Soomaaliya yimid bad-mareenkii caanka ahaa ee muslimka ahaa Zheng He.

Sawirka sare waxa uu kamid ahaa sawiradii lagu soo bandhigay carwada qaybta Soomaaliya, waxana uu muujinayaa taariikhdii Safarkii badmaaxii Shiinaha iyo Gerigii laga qaaday Soomaaliya. Qoraalkaas waxaa ka mid ah erayadan:

Safarkiisii 5aad oo uu sameeyey Admiral Zheng, oo ahaa bad-mareen caan ahaa xilligii boqortooyadii Ming Dynasty ee Shiinaha, ayaa waxa uu gaarey xeebaha Afrika, isagoo tegey Soomaaliya xeebteeda Woqooyi-bari, meesha hadda loo yaqaan Boosaaso oo katirsan Dawlad Goboleedka Puntland. Markii Shiinahu ay gaareen xeebta Bariga Afrika waxay la kulmeen dad ay u dhisan yihiin guryo bulukeedi ah, kuwaas oo ragga iyo dumarkiba ay madaxu u duuban yihiin. Waxaa kalluunka lagu soo daban jirey shabaag. Shiinahu waxa ay aad ula cajaa’ibeen xayaanka Afrikaanku hayteen, sida Libaaxa, shabeelka, iyo gorayada. Waxii ugu xiisaha badnaa oo badmareenkii Zheng uu Shiinaha kula soo laabtay waxa uu ahaa Geri kaas oo uu hadiyad ahaan ugu keenay boqorkii. Gerigaas oo uu ka soo qaaday dhulka hadda loo yaqaan Soomaaliya.

Gerigaasi taariikh weyn ayuu ka galay Shiinaha, waxayna ahayd sannadkii 1415 markii Geriga la geeyey Shiinaha. Waxaa kale oo xayawaankii geriga lala qaaday ka mid ahaa Dameer-Farow iyo Biciid.

Dal-mareenka Muslimka ahaa  Zheng He waxa uu ka soo jeedey dalka Shiinaha gobolka hadda loo yaqaan Yunnan. Safarkiisii u horeeyey Zheng He waxa uu booqday magaalooyin badan oo xeebaha Soomaaliya oo ay ku jirtey Muqdisho, Baraawe iyo Kismaayo. Waxaana jirta Tuulo u dhaw Kismaayo ee aagga webiga Jubba oo loogu magac daray bad-mareenkaas Zheng He.

Carwadan oo isugu jirta bandhig dhaqameed iyo mid ganacsi iyo taariikh waxay soo bilaabatay May 1, 2010, waxayna socon doontaa ilaa October 31, 2010, waxaan lagu qiyaasay in ay Carwada  ka soo qayb galayaan 70 million oo qof. (Ilaa hadda markii aan qormadan qoreyney oo ah Sept 19 waxaa carwada ka soo qayb galay in kor u dhaaftay 53 million oo qof, waa sida ku cad website-ka carwada oo tirada ka dhigay 53,571,400 qof.)

Dalka Shiinaha waxaa ku dhaqan Muslimiin tiradooda lagu qiyaasay in ay gaarayso ku dhawaad 22 million, waana dal dhaqaalahiisa iyo ganacsigiisu uu xawli sare ku socdo, Soomaalidana u og in ay xiriir soo jireen ah  la leeyihiin.

  • Xuquuqda sawirada: Waxaa leh Mire Maxamed oo deggan Minneapolis.
  • Sawirada Safiirka iyo kuxigeenka Carwada waxaa leh website Carwada
  • Tixraac: Bogga Carwada Shanghai: http://en.expo2010.cn/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Bandhigga Carwada ugu weyn adduunka ee Shanghai oo Soomaaliya ka qayb gashay "

  1. kamaal says:

    Yaa matala qaran ma nin ugandhees tangigiisa ku dhex jira mise nin dadkiisa iyo wadankiisa xor ku dhex mara..markaad leedihiin safarada somalida ee china ma dowlad aad idnku soo doorateen ayaa safarad furtay mise ninkii walba oo somali ah safarad wuu furan karaa?

    meeshu ma waxay noqotay in dowladnimada afka laga sheegto ayadoon aan xafiis la haysan dowlada somaliya maanta waxay noqotay in nin walba boorso soo qato oo uu dhaho waxaan ahay wasiirka yaanyuurta iyo waxaan ahay safiirka ninka koofida cad u fadhiya china…waxaan hubaa in ninka safiirka sheeganaya uu qol ka dagan yahay chine musqul uusan laheen.

    fadlan magaca safiirka somaliya yaan meel looga dhicin aniga hadaan china tago xitaa ninkaan masaakiinka ah ee boorsada ka soo qatay xeryaha qaxootiga ee yurub ama america waxaan u aqaan dowladii boorsooyinka ee aan xafiiska laheen….

  2. puntlander says:

    waxaan u arkaa inay arintani tahay guul usoo hoyatay dhamaan dadka soomaliyeed meel kastoo ay joogaan, gaarahaan dadka reer puntland, waxaana oran lahaa ganacsatada u wareejiya ganacsigiina dalka china halka aad hada ku xirantihiin imartka carabt
    thanks
    by Puntlander