Home » Faallo »

U.M.I.S iyo Soomaalida Borlänge

Waxaa qoray: Axmed Shiil Muxumed

Borlänge, Sweden

ahmedshil@yahoo.com

Bismillaahi wassalaatu wassalaammu calaa Rasuulilaahi

Hordhac:

Waxaa jirey maqaal aan qoray 14 kii bishii May ee 2007 dii, kunasoo baxay Bogga somalitalk.com, cinwaankiisuna ahaa Borlänge iyo  Somalitalk.com II, oon uga hadlay noloshada bulshada soomaaliyeed ee markaa kunoolayd magaaladan.  Maadamma uu isbadal wayn oo lixaad leh  jiro sidoo kale dhaqdhaqaaq iyo firfricooni billow ah ay kahillaacay magaaladan, ayaan jeclaystay inaan soo qoro qayb kamid ah dhaqdhaqaaqyadaa oon aad ugu bogay muujinaysana isbadalka durba kabillowday magaalada iyo sida bulshada soomaaliyeed ee magaaladan daggan ay hore ugu socoto.

Billowgii U.M.I.S:

Dhowr iyo toban qof oo kamid ah soomaalida Borlänge ayaa isula timid fikrad kusalaysan isudumidda iyo yagleelidda nidaam ay soomaalidu wadaagto, nidaamkaas oo matala magacooda, codkoodana kulmiya, sidoo kalena horumariyo ra’yigooda.

Waxay markaa billaabeen inay fikraddooda dhax geeyaan dadka si ay ugu helaan taageero bulshada dhaxdeeda ayagoo iskudaray inay dadka afraad afraad ugu sharxaan aragtidooda sidoo kalena ururro yaryar oo hawlo kala duwan qaban jirey oo kukoobnaa dad aad utiro yar ay iskudayaan inay kadhaadhiciyaan in lajoojiyo ururrada yaryar ee dadka gaar ah kukooban, maadaamma dadka soomaaliyeed magaalada kusoo batay il gaar ahna lugu eegayo loona arko hal koox oo iskumeel katimid waa lagama marmaan inay kalimadooda kulmiyaan yeeshaanna hal magac oo kulmiya si arsmi ahna afkooda ugu hadli kara.

Muddo dhowr bilood ah markay hawshaa wadeen ayey billaabatay inay dad badan ladhacaan fikraddooda sifiicanna usoo dhaweeyeen billaabeenna inay lashaqeeyaan sidoo kalena dhiirrigaliyaan.

Gudagalkii dhisidda U.M.I.S (Uurka Midnimada iyo Isbahaysiga Soomaaliyeed)

Markay aad ufarabateen dadkii ladhacsanaa fikradda ayaa go’aan lugu gaadhay in ladhiso guddiyo kala duwan oo loo xilsaaro abaabulidda iyo hirgalinta hawlihii loo baahnaa si ururka dhidibada loogu taago, waxaana halkaas kudhammaatay hawshii ay hayeen aasaasayaashii.

Waxaa laga qaatay qorshayaashii lasoo qaddimay ee kusaabsanaa sida uruka loo dhisi midkan hoos kuqoran, iyadoo la’isla gartay inuu ururku kakoobnaado 5 Gole oo kala ah:

1- Golaha Guud oo ah isugayn dhammaan xubnaha ururka oo uu xitaa kujiro maamulka ururku. Golahan waa golaha ugu sarreeyo ururka uguna awoodda badan, waa dadka iskaleh ururka.

2- Golaha Dhexe (Golaha Shuurada) oo kakooban 31 xubnood ahna wakiilka Golaha Guud oo ladooran labadii sanoba mar, sidoo kale ay hawshiisu tahay inuu dajiyo siyaasadda ururka iyo qaabka u ushaqaynba. Xubnaha Golahan waxaa si toos ah udooran Golaha Guud oo uu wakiilna kanoqon markii ladoorto.

3- Guddiga Fulinta oo ah maamulka hagayo ururka matalayana dibad iyo gudeba, fulinhayana siyaasadda iyo istiraatiijiyada ay dajiyaan Golaha Guud iyo Golaha Dhexeba, wuxuu kakooban yahay Guddiga Fulintu 11 xubnood.

4- Guddiga Doorashada oo kakooban 7 xubnood, wuxuu waajibaadkoodu yahay diyaarinta iyo hirgalinta doorashada Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta, Guddiga Doorashada iyo Guddiga Dabagalka iyo Hantidhowrka.

5- Guddiga Dabagalka iyo Hantidhowrka oo kakooban 3 xubnood, waajibaadkooduna yahay kawarhaynta habsami usocodka hawlaha Goloyaasha Ururka iyo xisaabxidhka Ururka xilliyada kala guurka. Guddigan wax xil ah oon taas loo igmaday ka’ahayn kama qaban karaan ururka. Dhaqdhaqaaqooduna wuxuu kukooban yahay dabagal iyo xisaabxidh oo qudha.

Waxaa ladiyaariyey xeerarka ururka lugu dhaqi lahaa oo kakooban 15 cutub oo kasii kooban 197 qodob oo kahadlayo laga billaabo calaamadda ururka, magaca, waajibaadkiisa iyo xubin kasta waxay qaban ama ayna qabin karin iyo wax walba oo khuseeyo hawlaha ururka.

Shirwaynihii Golaha Guud:

Waxaa laqabtay shirwaynihii Golaha Guud 7 agoosto 2010 ka, halkaasoo ay soo xaadireen 245 xubnood luguna anxisiyey xeerarkii ururka ee kakoobna 197 da qodob, sidoo kale waxaa si shakhsi shakhsi ah loogu codeeyey xubnihii usharraxnaa inay kamid noqdaan Golaha Dhexe ee ururka, waxaana isasoo sharxday 44 qof ayagoo kutartamayey kuraas dhan 31 kursi. Markii lawada codeeyey oo codadka latiriyey waxaa lugu dhawaaqay inay kuguulaysteen kamid ahaanshaha Golaha Dhexe 31 kii qof ee ugu codadka batay oo ah kuwa hoos kuqoran:

Golaha Dhexe (Golaha Shuurada)

Shaxdan hoose waxaa kuqoran xubnaha kuguulaystay inay kamid noqdaan Golaha Dhexe iyo xubin walba intuu cod helay.

  1. Cabdulaahi Axmed Sabriye                                             220
  2. Abuukar Xasan Geelle                                                     216
  3. Cabdulaahi Suudi Calasoow                                            211
  4. Salad Xasan Cali                                                              208
  5. Leyla Xuseen Barseeye                                                     207
  6. Prf. Maryan Yuusuf                                                          207
  7. Cabdi Axmed Xaashi                                                        204
  8. Maxamed Maxamuud Guure                                             204
  9. Maxamed Maxamuud Cabdi “Fanax”                                201
  10. Maxamed Cabdikariin Faarax                                            198
  11. Injineer Aadan Warsame                                                    197
  12. Mursal Ismaaciil Ciise                                                        197
  13. Cabdullaahi Axmed Sheekh Cali                                        195
  14. Maxamed Cabdulle Xasan                                                  191
  15. Ibraahim Cali Muuse                                                           190
  16. Maxamed Cali Cumar                                                         189
  17. Maxamed-deeq Abdi  Madar                                               185
  18. Sheekh Ibraahim Axmed Aadan                                          185
  19. Ugbaad Cabdi Cali                                                               181
  20. Sacad Muuse                                                                        174
  21. Cabdifataax Ibraahim                                                           170
  22. Cali Xasan Afrax                                                                  160
  23. Cabdifataax Cabdiqaadir                                                      160
  24. Maxamed Axmed Cumar                                                     150
  25. Safiyo Axmed Gacal                                                            140
  26. Xasan Xareed Muuse                                                           134
  27. Maxamed Nuur                                                                    132
  28. Cabdiraxiim Axmed Maxamed                                            132
  29. Saciid Axmed Siyaad                                                           132
  30. Cabdirisaaq Ahmed Maxamed                                             129
  31. Makko Siciid Maxamed                                                       124

Guddiga Doorashada


Guddigan ayaga looma codayn sidooda ayuu Golaha guud ku ansxiyey maadaamma 7 qof un ay isasoo sharraxday.

  1. Cisman Fariid Buux
  2. Farxaan Yuusuf Jimcaale
  3. Cisman Dhegnaas Axmed
  4. Fowsiyo  Cumar
  5. Cabdirisaaq Nuur Xaashi
  6. Faadumo Huseen Guuleed
  7. Cali Cismaan Isaaq

Guddiga Dabagalka iyo Hantidhowrka


Guddiga Dabagalka iyo Hantidhowrka waxay ahaayeen 4 murashax waxaana soo baxday saddexdan hoos kuqoran

1- Axmed Shiil Muxumed 186
2- Xasan Cabdikariin Cali 181
3- Cabdiqadir Mohamed Maxamuud 114

Doorashada Guddoomiyayaasha iyo kuxigeennadooda:

Sida uu qeexayo xeerka doorashada ee ururka, Golaha Guud wuxuu shirwayniihisa kudooran xubnaha Golaha Dhexe ee ururka oo kakooban 31 xubnood, sidoo kale Xubnaha ladoortay ee Golaha Dhexe waxay shir ugaara ayagana kudooranayaan Guddoomiyaha Golaha Dhexe, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta iyo kuxigeenkiisa. Intaa kadib Golaha Dhexe waxay iskadooran dhaxdooda Guddi hoosaadyo uquma hawlaha kala duwan ee uyaalla ururka. Guddoomiyaha Guddiga Fulinta iyo Kuxigeenkiisa waxay ayagana soo dhisi 9 ka xubnood ee kadhimman Guddiga Fulinta, kadibna waxay kulasoo noqon Golaha Dhexe oo cod uqaadi kadibna ama ansixin ama diidi.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe waxaa loo doortay Sheekh Ibraahim Axmed Aadan, kuxigeenkiisa Cabdirisaaq Xaaji Axmed.

Guddiga Fulinta oo ah fuliyayaashii hawlmaaleedka ururka waxaa Guddoomiye loo doortay Cabdullaahi Axmed Sabriye, kuxigeenna Sacad Muuse.

Xubnaha Guddiga Fulinta waa sidan:

1- Cabdullaahi Axmed Sabriye            Guddoomiye

2-      Sacad Muuse Guddoomiye Kuxigeen

3- Ibraahim Muuse                                Xoghayaha Guud

4-      Injineer Aadan Warsame Khasnajiga Uruka

5- Barfossar Maryan Yuusuf                Arimaha Qoyska iyo Dumarka

6- Cabdullaahi Axmed Sheekh Cali     Arimaha Bulshada

7- Dr. Cabdiraxiim Nuur Yaasin          Dhaqanka

8- Nuuradiin Munassar                          Dhallinyarada iyo Isboortiga

9-      Maxamed Maxamuud Guure Warfaafinta iyo Islaqabsiga/Isla jaanqaadidda

10- Cabdifitaax Ibraahim                         Xubin
11- Ugbad Cabdi Cali                               Xubin
Mabaadii’da aasaaska u ah ururka U.M.I.S:

  • Midaynta dadka soomaalida ah ee daggan magaalada Borlänge.
  • Kaalmaynta bulshada soomaaliyeed si ay diintooda udhowrtoodaan.
  • Iskuxidhka hay’adaha magaalada iyo Bulshada soomaaliyeed.
  • Usahlidda Bulshada soomaaliyeed baahiyaheeda kala duwan.
  • Difaaca xuquudooda.
  • Kasoo dhigidda xaqa ayaga lugu leeyahay.
  • Kahortagga iyo dabargoynta danbiyada iyo musuqmaasuqa.
  • Ka caganqabashada dhallinyarada si ayna ugu dhicin dabinnada ciyaalsuuqnimada, balwadaha kala duwan iyo danbiyada.
  • Ka kaalmaynta dadka qaanqaadhka ah inay bartaan luqada dalka iyo waliba xirfado ay kushaqaystaan.
  • Kor uqaadidda iyo ilaalinta sumcadda bulshada soomaaliyeed.
  • Horumarinta nolosha iyo tayada bulshada soomaaliyeed ee magaalada daggan.

Sawirrada waxaa lagasoo xigtay Bogga:  http://www.soomaalidamaanta.com

Waxaa soo diyaariyey

Axmed Shiil Muxumed

Borlänge, Swedan

ahmedshil@yahoo.com


Tixraac: Borlänge iyo  Somalitalk.com II

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " U.M.I.S iyo Soomaalida Borlänge "

  1. Asww waxaan salaanta kor ku xusan kadib mahad aad u wayn usoo jeednaa Allah subxaanahu watacalaa kadib walaalkeen Ahmed Shiil Muxumad iyo somalitalk. sida ay noogu soo gudbiyeen faaladan iyo warbixintaan aadka u qiimaha badan loona soo agaasimay una qaabeeysan ee uu walaalkeen Ahmed Shiil inaga dharjiyay, Dhanka kale waxaa aad ii farxad galiyay in reer Borlänge uu rabi waafajiyay in ay danahooda ka tashtaan sameestaana urur mideeya una adeega bulshada reer Borlänge ee Somalida ururkaas oo aan aminsanahay in uu waxwayn oo baahi ah uu dabooli doono insha allah, waxaana dhihi karaa waa urur ay indho ama hogaan u yihiin dad aqoonyahano ah karti iyo waayo aragnima balaarana u eh shaqa iyo masuuliyada oo xilsaaray ee rabi subxaanahau watacalaa hala garabgalo .

    wcww

  2. cabdinasir says:

    Borlänge iyo Somalitalk aad bey umahadnayihiin,waxaan halkan si gaar ugu mahadnaqaya walaalka(shiil)ee sogudbiyay warbixinta waafiga ah oo
    kadhigeysa Somalida sweden umad iskufilan ayaheeda katashankarta
    waxaan dhihi karaa midho wanagsan baad ubadkiina u bedhen iyo umad
    somaliyedba,talabo gesininmoleh baad qadeen ee horay usiisocda guul
    baanu idin rajeynayaa,magiciina ha,jiro.