Home » Warar »

Muqdisho: Bannaan bax looga soo horjeedo Gubista Quraanka Kariimka

Dibadbax xoog leh oo ay soo qaban qaabiyeen Xarakadda Mujahidiinta AL shabaab oo looga soo horjeedo gubista Kutubta Quraanka kariimka ayaa Arbacadii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo hay’addaha Horn relief , Fusenet, Mercy corps oo dalka laga mamnuucay.

Halkan ka daawo Sawirada bannaanbaxa

Dibadxaan oo ay ka soo qeybgaleen dad kor u dhaafaya kumayal ruux ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah gaalada xagjirka ah ee ee dalka mareykanka doonayey in ay ku gubaan nuqulo ka mid ah Kitaabkeena Kariimka ah iyadoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen ganacsato culumaa’udiin, odayaal, haween, iyo masuuliyiin ka socotay xarakada Mujaahidiinta al Shabaab.

Afhayeenka ururka Al shabaab sheikh Cali Maxamuud Raage ( Sheekh Cali Dheere ) ayaa halkaasi khubbad dheer ka jeediyay isagoo si caro leh ugu dheeraday hagardaamada qarsoon iyo tan muuqata ee ay maleegayaan cadowga islaamka oo ay ugu dambeysay baadarigii ku dhawaaqay gubista Kutubada Quraanaka Kariimka iyo lixdii badari ee iska kaashaday gubista nuqul ka mid ah Kutubta Kariimka.

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Cali Dheere

Sidoo kale afayeenka Al shabaab ayaa ka hor sheeegay kumayaal dadweyne oo isugu soo baxay gudaha garoonka Magaalada Muqdisho in ay si toos ah u mamnuuceen dhamaan hay’adaha xiriirka laleh dalka mareykanka ee ka shaqeeya dalka Soomaliya oo ay ku jiraan kuwa NGO’yada ka howl gala dalka ee mareykanka la shaqeeya sida Horn relief , Fusenet. Mercy corps .

Dhinaca kale afayeenka ayaa ku booriyay dhamaan dadkii halkaasi ka soo qeyb galay in ay dagaalka jihaadka ah ay ka qeyb galaan isagoo shaaca ka qaaday in ay isdiiwaan galiyaan hada qofkasto oo ka qeyb galay banaanbax ee ka soo horjeeda dagaalka gaalada masiixiyiinta ah lagula jiro.

Dibadbaxaan oo ahaa noociisa midkii ugu balaarnaa ee wayahaan ka dhaca caasimada Soomaliya ee Muqdisho ayaa waxaa uu ka dambeeyay ka dagaal markii lix baadari oo masiixiyin ah la sheegay in ay iska kaashadeen gubista kutubta barakeysan ee Qu’raanka kariimka nuqulo ka mid gudaha dalka mareykanka.

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666/ 00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.