Home » Warar »

Beesha Caalamka oo dib u dhigtay kullan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid

Maanta (Sept 14, 2010) ayaa la qorsheeyey in xarunta Golaha Shacabka kulan ay isugu yimaadaan Xildhibaanada Baaarlamaanka kadib markii arrintaasi uu codsaday Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka  Badda iyo Dekedaha Sheekh Maxamed Nuur, waxa uuna ujeedada shirkaan uu ahaa sidii Dowladda uu hogaamiyo Cumar C/Rashiid  ay codka Kalsoonida u weydiisan lahayd Golaha Wasiirada.

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Aadan Madoobe waxaa dhaleeceeyey Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar C/Rashiid Cali Sharmaake oo ku tilmaamay kullankaasi la isugu yeerayo Baarlamaanka mid la doonayo in xasilooni daro lagu sii geliyo dalka iyo in uu sii xoogeysto khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha waxa uuna Cumar C/rashiid ku tilmaamay kullankaasi mid aan sharci aheyn maadaama kal hore Dowladdiisa ay codka kalsoonida weydiisatay Baarlamaanka.

Agostino Mahinga oo ah Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in uu warqad qoraal ah u soo diray Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaare ku xigeenka oo uu ku dalbanayo in kullankaasi dib loo dhigo waana midda keentay in maanta uu baaqdo kullankaasi oo dadka ku dhow dhow Xubnaha Baarlamaanka ay sheegeen in la doonayey in xilka looga qaado Ra’isul Wasaare Cumar C/Rashiid Cali Sharmaake.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha waxaana labada mas’uul maalmahan ay kala xodxodanayeen Xildhibaanada Baarlamaanka iyadoo ninba ninka kale uu doonayo in uu xilka ka qaado balse waxaa la sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo iyana doonaya in khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha lagu xaliyo wada hadal hase yeeshee ma muuqato isu soo dhawaansho labada dhinac ah iyadoo mid waliba uu kan kale ku sheegayo in uu yahay nin aan lala shaqeyn Karin.

Dowladda Sheekh Shariif oo jiritaankeedu ka harsan yahay mudo sanad ka yar ayaa siyaasadda u dhuun daloola waxay sheegayaan in aysan Dowladda Sheekh Shariif uu madaxda ka yahay aysan dhameysan doonin sanadkaan lana qorsheynayo in sanadkaan daba-yaaqadiisa la qabto shir dib u heshiisiineed oo la doonayo in lagu soo dhiso Dowladda ay mar kale Soomaaliya yeelato.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyagu si aad ah uga carooday qoraalkii uu beesha caalamka u diray Ra’isul Wasaare Cumar C/Rashiid ee ahaa in dhamaan lala gala diro Hay’adaha Dowlig ah ee ugu sareeya, waxayna xildhibaanadu ku tilmaameen qoraalkaasi afganbi dhicisoobay sidoo kale waxay ka xumaadeen qorshe uu watay Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid ee ahaa in saddex kun oo ergo la isugu keeno dalka gudihiisa ama dibaddiisa, isagoo doonayey Cumar C/rashiid in lagu ansixiyo Dastuurka ay sida weyn isugu khilaafeen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid.

Saynab Maxamed Caamir oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ugu baaqdey Xildhibaanada Baarlamaanka  in ay kalsoonid kala laabtaanDowladda Cumar Cabdirashiid  maadaama ay ku fashilantey Arrimhii loo doortay islamarkaan qayb ka tahay dhibaatooyinka ka jira Dalka

Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Dowladda FKMG ayaa ku soo beegmay xili kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay dagaal ku hayaan Dowladda Federaalka sidoo kale waxa uu ku soo beegmay xili mushaar la’aan soo wajahday Ciidamada Dowladda sidaasi darted guud ahaan markii la fiiriyo arrimahaasi waxay keeni karaan in beesha caalamka ay mar kale qabanqaabiso shirweyne dib u heshiisiin ah, iyadoo dhawaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay Dowladda Ereteriya ka codsadeen in ay ka qayb-qaadato xal u helida arrimaha Soomaaliya kadib markii dhawaan ay Magaalada Asmara booqdeen xubno ka kala socday Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Maxaa ka jira In Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay Ereteriya ka codsadeen in ay ka qayb qaadato Xal u helida Somaaliya

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Wareegtooyinkii Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan ku dalbadeen in Dastuurka la ansixiyo ayadoo aan loo qaadin Afti Dadweyne

Wasiir ka tirsan Xukuumadda FKMG oo ku Baaqay in Sharmarke uu is Casilo

Muxuu Salka ku hayaaKhilaaf Mar kale soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Cumar C/Rashiid

Dastuurka cusub oo Khilaaf ka dhex dhaliyey Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Beesha Caalamka oo dib u dhigtay kullan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid "

  1. Tuugadii la soo dhoodhoobay markii ay wax qaban waayeen ayay waxay ku heshiin waayeen xoogaagii lacagta ahayd ay qandaraaska xasuuqa ku soo qaateen. war xishooda ka hor taga umada Soomaaliyeed waxba uma haysaan iska daaya gumaysiga aad wadanka ku soo hogaaminaysaan ilaah ka baqa .