Maxkamadda Qaramada Midoobay u qaabilsan sharciyada caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa Talaado 12kii October 2021 soo saartay go’aankeeda ku aadan xadaynta ay u samaysay badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.
Mucda go’aankaasi wuxuu ahaa:
1- (Maxkamaddu) waxay sheegtay in ay ogaatey in uusan jirin heshiis hore ugu dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya oo la xiriira xadaynta badda oo ku salaysan xarriiqda jiifta ee la siman loolka (u socda jihada Bariga)
2- Waxay go’aamisey, in barta ay ka bilaabanayso xarriiqda kala xadaynaysa badda Soomaaliya iyo Kenya in ay tahay xarriiq toosan oo xagal qumman kaga dhaqaaqeysa barta ay iska jaraan xeebta xadka iyo badda, oo cabbirkeedu juqraafigu yahay 1° 39′ 44.0″ S iyo 41° 33′ 34.4″ E.
3- Waxay go’aamisey, halka ay ka bilaaabneyso xadaynta badda ee ku saabsan dhul-badeedka (Territorial sea) waxay raaceysaa xarriiq dhextaal ah ilaa ay gaareyso 12-nautical miles oo dhacda barta 1° 47′ 39.1″ S iyo 41° 43′ 46.8″ E (waa barta A ee ka muuqada khariidadda hoose).
4- Waxay go’aamisey, Meesha uu ku dhammaado cabbirka dhul-badeedka (Territorial sea) in ay ka bilaabanayso xarriiqda xadaynaysa aagga dhaqaalaha (EEZ) oo ah 200-nautical miles iyo qalfoofka qaaradda, waxaana xarriiqdaasi raaceysa xagal-juqraafiga (azimuth) oo ah 114° ilaa ay gaarto 200-nautical miles oo laga soo bilaabay halka ay ku dhammaatay Territorial sea ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana bar dhammaadka (EEZ) cabbirkeedu yahay 3° 4′ 21.3″ S iyo 44° 35′ 30.7″ E (Eeg khariidadda barta B).
5- Waxay go’aamisey, in barta B ay ka bilaabaneyso xarriiqda xadaynaysa qalfoofka qaaradda (continental shelf) oo raaceysa jiho la mid ah xarriiqdaas ilaa ay gaareyso xadka ay ku dhammaato qalfoofka qaaraddu ama dal saddexaad xuquuqdiisa ay saamaaynayso.
6- Maxkamaddu waxay Soomaaliya ka diidey in Kenya ay soo celiso xogtii ay ka heshay baaritaankii shidaalka ee Kenya hore uga samaysay badda (Soomaaliya).
Go’aamadaas maxkamadda waxay qeexayaan arrimo aad uga duwan wixii ay Soomaalidu dhaxalka u lahayd weligeed. Marka aan is dul taagno:
1- Waa xaqiiqo in maxkamaddu caddaysay in aan waxba ka jirin damacii Kenya ay ku andacooneysey in xarriiq jiifta xadka la mariyo. Arrintaas weligeedba Soomaalidu waa ogeyd in aan waxba ka jirin, waayo Soomaaliya waxay lahayd bad ku xadaysan xeerka loo yaqaan Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September 1972 (https://somalitalk.com/2011/badda/law_no_37.html) – Xeerkaas Law 37 waxaa lagu tirtiray hannaankii loo maray aqbalaadii heshiiskii is-afgaradka MOU-ga ee uu Nairobi ku saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur 7-dii April 2009 xilligaas oo uu ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wadashaqaynta Caalamiga ah (https://somalitalk.com/2009/may/13/badda11.html).
2- Qodobka labaad, oo ah meesha sida rasmiga ah loo xagal daaciyey waa dhul badeedka qaybta loo yaqaan Territorial Sea in lagu soo koobay 12-nautical mile. Soomaaliya waxaa u xadaysnaa 200-mayl badeed oo ah Territorial Sea. Sida la ogyahay Territorial Sea waa qayb badda ah oo la mid ah dhulka berriga ah ee dalku leeyahay. Qiyaas haddii deyrka gurigaaga oo ahaa 200 oo mitir in lagu soo koobo 12 mitir.
3- Markii la xakumay in Territorial Sea ay tahay 12 mayl badeed , waxaa la xusay in aagga dhaqaalahu yahay 200 mayl badeed, oo ah aag dalku ka kalluumaysan karo ama shiidaal ka baaran karo. Waa aag dhaqaale, laakiin dhulka dalka ka mid ma ah. Xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta.
4- Waxaa Kenya loo xukumay qayb kamida badda Soomaaliya, taas si loo hirgeliyo waxaa dhanka Soomaaliya loo soo leexiyey xarriiqda kala qaybisa xadka. Taas oo Soomaalidu ku weydey aag badeed baaxad weyn oo ah 25% baddii la isku haystey oo hoos imaneya aagga 200 mayl badeed. Waxaa taas dheer in qiyaas baaxaddaas aan ka yarayn in Soomaalidu ku waayeyso, taas oo soo hoos gelaya qalfoofka qaaradda. (Waa 25% EEZ + 1/3 Continental shelf inta Kenya loo jaray).
Arrintaas hirgelinteeda waxaa qayb weyn ka ahaa madaxdii Soomaaliyeed oo intii dacwaddii baddu socotey aan marna dacwaddii ay gudbinayeen ku xusin 200 mayl badeed oo Territorial sea ah in Soomaalidu leedahay. Kuma darin dooddii afka ee qareenadii ay kireysteen ka hor jeediyeen maxkamadda, kuma lifaaqin galka dacwadda ay gudbiyeen. Maxkamaddu markaa wax aan la weydiisan kama hadli karin. Kama hadlin in Soomaaliya leedahay Law No. 37.
Xigmadaha kale ee laga dheehan karo go’aanka maxkamadda waxaa kamid ah, mar haddii ay diiday in Kenya magdhaw ka bixiso xadgudubkeedii shiidaal baarashada, ama Soomaaliya usoo celiso xogtii ay ku ogaatey baaritaankii, in markaa sidoo kale aan lala xisaabtami doonin dalalkii iyo shirkadihii ku xadgudbey badda Soomaaliya muddadii burburka, ayadoo taas asaas looga dhiganayo in farta lagu fiiqo in 12kii October 2021 wixii ka horeeyey aysan xadaysnay badda Soomaaliya, oo sidaad daraadeed aan wax kasoo qaad lahayn suntii lagu duugey badda intii dalku burbursanaa iyo kalluumaysigii sharci darrada ahaa oo cidna qaan loo raacayn marka Soomaaliya yeelato dadka iyo dalka u danayneysa!
Qoraa arkay sida qaar kamid ah madaxda Soomaaliyeed uga jawaabeen go’aanka maxkamadda, ayaa yiri “GUUL DARRADU HAL AABBE AYAY LEEDAHAY, laakiin GUUSHU BOQOL AABBE BAY YEELATAA.” Hadalkaas oo dulucdiisu tahay in labaatankii sano ee lasoo dhaafay ay xukuumadihii dalka soo maray hareer mareen difaaca qaddiyadda dadka ka dhexeysa oo ay iska indhasaabaan cawaaqibka go’aanadooda iyo saamaynta ay reebeen, haddase isugu hambalyay nayaan arrin aysan hore uga fiirsan oo laga hoos bixiyey, walina aysan fahmin dhaxal wareejinta ka dhalatay.
Madaxdaas qaarkood ayaa sacabkii loo tumayey inta ay ku jidboodeen, maarkaa waxay shaaca ka qaadeen sida ay ku bilaabatay xagal daacinta badda Soomaaliya, ama looga hoos bixiyey.
Aan eegmo hadalladoodii 12-kii October 2021 ay ka jeediyeen xaflado lagu qabtay Muqdisho, oo isugu jirtay marin habaabin xaqiiqada doorkii guracnaa ee madaxdu ku lug lahayd arinta badda iyo guul aan jirin sheegasho, si ololaha siyaasadeed ee hada taagan looga dhigto fursad. Soomaaliya ma guulaysatay mise waa laga guulaystay? Inta aanan u galin faaladaas aan isla eegno xafladii qiiq isku qarinta.
Wasiir hore Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur:
“…..Maalintii aan ku dhiiranaynay in badda Kenya laga dhiciyo, oo MOU-ga aan saxiixno, oo madaxwayne Sheikh Shariif iyo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiir oo xukuumada joogay aniga dalka dibadiisaan ku maqnaa, dhowr jeerna waan sheegay, kaliya waxaa la iisoo diray MOU-ga golaha wasiirada mandate-kiisuuna ahaa, ……… oo go’aan golaha wasiirada uu gaaray, sida hada prof. Jawaari uu sheegay, dowlada Norway iyo Walad Cabdalla oo wada socda, ayaa u yimid dowlada oo ka tali siiyey arintaan inuu dead-line ka dhacaayo waqtigana dhamaanayo hadaanan MOU–gaas lagalina baddeena ay international ku biirayso baddaha caalamiga ah, gacanteenana ay ka baxayso, inuu si fiican u faah faahiyaan jeclaa, sababtoo ah MOU-ga baarlamaankii sideedaad diiday, kii 9-aad aa soo celiyey Jawaarina waa ogyahay, MOU-gii baarlamaankii sideed uu diiday oo uu sida khaladka ku diiday, baarlamaankii 9-aad ee Jawaari madaxda ka ahaa ayaa soo celiyey, sababtoo ah waa loo baahday, waana midka maanta loo baxsaday, halka saac ee ay hadlaysay qaadiyada maxkamada go’aanka ridaysay waxaa sal u ahaa wuxuu ahaa MOU-ga………….”
Gudoomiyhii hore ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari,
“……..marxaladahaasi waxay kasoo bilaabataa, yacni aniga inta aan lasocdo 2008-dii, ..….waxaa xaafada joogay oo markaa United Nation-ka madax u ahaa nin layiraahdo Walad Abdalla, Walad Abdalla ayaa warkaas soo gaaray oo markaa 10-sano waa dhamaanayaan, hadaan 10-kaas sano laga gaarin baddaas aan Soomaali ahaan u sheegan, waxay noqonaysaa meel caalamka oo dhan waxuu rabo kasamayn karo, oo adiga khaas kuu ahayn, Wallad Abdalla wuxuu lasoo xiriiray xukuumadii markaas jirtay, Allaa yarxo, Nuur cade iyo ku xigeen keesii wuxuu ahaa aan u malaynaa Axmed Cabdi salaam layiraahdo, ayakaasaa waxaa daraasadii see loo samaynaa? Maxaa laga yeelaa? Yaa samaynaya? Malahaynin, marka ayaga waxay bixiyeen fasaxii in ma aragtaa lasameeyo dowlad la raadsho, Walad Abdalla wuxuu doortay Norway inay samayso daraasadaa ayada ah, oo Western Africa oo dhan way u soo samaysay majaalkaa usoo samaysay, tii baa la sameeyey oo hadii alle kuu roonyahay farsamo sahan farsamo iyo shuruucba laga soo saaray oo gundhig looga dhigaayo……., dowladii uu hogaaminayey Hassan Sheikh.. laakiin marka uu saxiixay arinta layiraahdo iclaan rasmi”
Maxadaxwanihii hore Sheikh Shariif Sheikh Ahmed:
“Arinta dadaalka UN-ka iyo dowlada Norway ayaa bilowday oo ku aadanayd arinta continental shelfs-ka xukuumada waxaa lagu qanciyey arintaas inay lagama maar maan tahay inaga iyo Kenya inaan wax iska dhahno, Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid isagaa xukuumada hogaaminayey, go’aanka isaga iyo xumuumadiisaa qaateen sida Cabdirahman idiin sheegay wuxuu u xilsaaray Cabdirahmaan, een laakiin aniga ma Laila socodsiin, subaxda la saxiixayo Abdirahmaan ayaa isoo wacay waa kanaa, (Abdirahmaan oo goobta fadhiyana madaxuu gundhiyey oo uga markhaati kacay) wuxuu dhahay madaxwaynow arintaasaa jirta, heshiis aa larabaa in lasaxiixo maxay kulatahay, waan fakeray madaxaan qabsaday, warmaxaa sheegaysaa, waxaan iri waad saxiixaysaa Raysalwasaaraha warkiisa yeel, Cabdiraxmaan waa baqay, Cabdiraxmaan waa xasuusataa aan u malaynaa? Waxaan iri Raysalwasaaraha warkiisa yeel wixii illaahay naga siiyoba, ……. Markiiba qaylaa cirka isku darsantay, baddiibay gateen eey, baddiiyey gateen eey, waxay noqotay aniga Cumar iyo Cabdiraxmaan inaan ka shakiyo, aniga Cabdiraxmaan waa kanaa iyo Cumar waligeeno iskama warsan ninwalba markuu arko ninka kale xaguu uga jeesanjiray,
Waxaan kor istaag kooban ku samaynaynaa hadaladda madaxii xiligii MOU-ga lasaxiixay ama la gudbiyey xadaynta qalfoofka qaarada badda Soomaaliya iyo dacwadda Soomaaliya iyo Kenya. Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ahaa wasiirkii saxiixay heshiiska Is afgarad isagoo uga wakiil ah xukuumadii Cumar Cabdirashiid iyo Sheikh shariif, wuxuu keenay dood cusub oo kaduwan kuwii hore, khudbadiisa nuxurkeeda wuxuu ahaa dhowr arimood;
1) Inuusan akhrin isagoo sharciga wax kayaqaana maadama golaha wasiiradu isku raaceen, ayna siiyeen awooda inuu saxiixo,
2) in heshiiska MOU lala galo Kenya ay qasab ahayd si loo gudbisado xadaynta qalfoofka qaarada, (continental shelf)
3) In dowlada Norway iyo Walad Abdalla oo wada socda ay dowlada u yimaadeen kula taliyeen talaabooyinka ay qaadeen,
4) in MOU-gii loo baxsaday baddiina lagu difaacay. Hadalkiisa waxaa ka muuqata masuuliyad daro iyo inuu qirtay inuu aaminay cidii usoo gudbisay laakiin uusan akhrin heshiiska, hadalkaas oo ka hor imaanaya hadalo goobe hore uu ka yiri, waan akhriyey, waxaana kala tashay khuburo,
Waxaase arintaas ka daran in uu ku celiyey arinta madaxdii xiligaas cambaarta ku noqotay oo ahayd in ay qasab ahayd in heshiiskii baddeena muranka galiyey, ay qasab ahayn in lagu lifaaqo cabirka xadaynta qalfoofka qaaradda (continental shelf) si loogu gudbiyo UN-ta hadii kalena badeena gacanteena ka baxayso, inaan cabirka baddeena gudbisano, cabirka baddeena inaan gudbisano waa arin loobaahnaa sidaan horay u qoray oo qaylo dhaan uga samaynay hadaan nahay bahda Somalitalk.com, waxaase muhiima ahayd in xogta baddeena aan gudbisano, kuma xirnayn inaan heshiis is afgarad lagalo wadamada aan xuduudaha badda aan leenahay, arintaasna waxaa kuu cadaynaya majiro, wadan kale oo MOU lala galay.
Waxaan horay u xusnay in dowrka Walad Abdalla iyo Norway uu mugdi badan ku gadaaman yahay, waxaana ku cadaynay qoraaladii hore dowrka Walad Abdall oo u eg inuu yahay dilaal suuq madow ku shaqaysanaya, kana faa’iidaysanaya duruufaha ay ka mid yihiin, b) dowlad ku meel gaar ah, t) madax aan khibrad lahayn, daacadna ahayn, j) cadaadis ka imaamanayey bulshada caalamka x) iyo damaca Norway iyo Kenya oo hoos kawada socda, waxaana daliil uh Norway oo nagula talisay MOU ayaa Kenyana sahaminta shidaalka baddeena uga samaysay. Wuxuu kusoo gabagabeeyey Cabdirahmaan in MOU loo baxsaday maxkamaduna soo xigatay, waa muhiim in ummadda Soomaaliyeed ogaato in MOU-gii lagu waayey in ka badan 25% dhulbaddeed kii nalagu qabsaday iyo qayba ka mid ah, laba ceel oo shidaal ceegaago, iyo 1/3 badda qalfoof qaaradeedka. Hadaba su’aashu waxay tahay ma guul ayuu keenay MOU-gii mise guul daro?
Mudane Shariif Sheikh Ahmed, wuxuu xusay dowrka Norway iyo Wallad Abdalla oo UN-ta matalayey, wuxuu xusay markhaati furna u noqonaysa hadaladii madaxdii kale, in lagu qanciyey in ay qasab tahay in Soomaaliya iyo Kenya wax iska dhahaan, si ay u xadeeyaan qalfoof qaaradeed kooda, (continental shelf) hadalkaasna sax ma’ahan, sababtoo ah malahan cadayn sharci ah iyo markhaati taariikheed, maadaama aan soo xusnay in aysan jirin dal aduunka ka mid ah oo lagu xiray in ay wadanka dariska la ah heshiis galaan, sii ay u gudbiyaan (continental shelf) qalfoofka qaarada xadayntiisa. Waxaase layaab ku noqotay masuuliyad darada Sheikh Shariif, marka uu si shactiro ah, u yiri arinta heshiiska waxba kalama socon, markii la ii sheegayna waxaan iri saxiix, markii qaylo timidna, waan dhuuman jiray oo waligay kama hadlin, arintaas waa masuuliyad daro wayn, illaa hadana cidii maqashay ay is waydiinayo, yaa kaloo ka hadli lahaa, salkeeda gaari lahaa, hadii madaxii dalka ugu sareeyey uu sidaa u dhaqmay.
Mudane Jawaari, wuxuu xusay qodob muhiim ah, oo ah dowrka Walad Abdalla iyo Norway, oo ah in Wallad Abdalla doortay in Norway ay ka shaqayso Xadaynta Qalfoofka Qaaradda badda Soomaaliya, sidoo kale Jawaari wuxuu ahaa gudoomiyihii baarlamaankii 9-aad ee dib usoo nooleeyey MOU-gii baarlamaankii sideedaad waxba kama jiraan ka dhigeen. Marka waxaa isku xirmay Wallad Abdalla, Jawaari iyo Norway, xiligaas waa waqtiga dacwadda la xareeyey lana baa’biyey xeerkii badda ee Low no. 37, oo qeexayey xadka badda Soomaaliya oo ah 200 oo mayl badeed ah, (200 territorial Sea) waxaa xeerkaas baa bii’iyey Mudane Xasan Sheikh oo xiligaas madaxwayne ka ahaa dowlada Soomaaliya, waana sababta labaad ee keentay in Kenya loo xukumo, maadaama xadd baddeedkeena lagu soo koobay 12 mayl baddeed. Jawaari wuxuu hadalkiisa ku xusay in gundhig looga dhigay, xogtii loo gudbiyey UN-ta Norway iyo Walad Abdalla inoo diyaariyeen.
Mudane Xasan Sheikh hadalkiisa waxaan usoo qaadan waynay, kama hadlin dowr-kii farsamo ee uu kulaa xadaynta badda iyo xaraynta dacwadda, marka laga reebo inuu gudi iyo qareeno magacaabay, uuna saxiixay in cabirka badda Soomaaliya yahay 12 mayl baddeed, meeshii uu awal ka ahaa 200 mayl baddeed. Dowladda Maxamed Farmaajo hogaamiyo laftigeedu eeda qayb teeda ayey leedahay, maxaa yeelay waxay ku qanacday xogtii iyo dacwaddii dowladdii Xasan Sheikh u gudbisay Maxkamada, si madax banaan uguma kuur galin dacwadda, hadii ay u kuur gashayna waxay ku qanacday baabiinta xeerka badda Soomaaliye ee Low no 37, kaas oo xadka badda Soomaaliya ka dhigayey 200 oo mayl baddeed, Kenyana u sababay in ay qaadato dhaxal Soomaaliyeed,halka hadda lagu xadeeyey 12 mayl baddeed. (VIDEO Cumar c/rashiid)
Arrimahaas marka la isku soo xooriyo, Kenya ayaa heshay faa’iido la taaban karo, maadaama qayb badda Soomaaliyeed oo shidaal ku jiro loo gooyey oo sidaas loogu xukumay. Waayo dacwaddu waxay ku saabsanayd dhul baddeedka ay weligeed lahaan jireen Soomaalidu.
Soomaaliya waxay ka dhigan tahay sidii qof lagu qabsaday gurigiisii oo markii maxkamad la isla tegey ku dooday “Gurigayga deyrkiisa dumiya oo markaa ii xakuma deyr ka yar sida qofka igu haystaa uu u qanco.”
Bahda SomaliTalk.com waxay ka xun yihiin in dacwaddii maxkamadda Hague aan ku weyney qayb kamid ah dhaxalka ubadka Soomaaliyeed ee ka faa’iidi lahaa baddaas. Sidoo kale waxaan ka xunnahay in Law no. 37 meesha laga saaray. Soomaaliya markii ugu horaysay taariikhda ay jirto dhul baddeedkeeda lagu soo koobay 12 mayl baddeed.
Waxaan ka xunnahay in si xaq darro ah loo soo leexiyey xarriiqda kala qaybieneysa badda oo loo weeciyey dhanka gudaba badda Soomaaliya, oo Kenya si aan qaanuunka waafasanayan loogu gooyey dhulbadeed Soomaaliyeed.( Hannaanka xarriiqda loo jeexay waxaa si weyn uga gadoodey Cabdulqawi Axmed Yusuf oo katirsan maxkamadda Hague. Markii madaxda Soomaaliyeed isu hambalyaynayeen, Eeg hadalkii Cabdiqawi Yuusuf kaga gilgishey xaqdarradaas)
Bahda SomaliTalk.com waxay ka xuntahay in ay Soomaaliya dhumisay dhul baaxadiisa weyn tahay oo ay ku jiraan khayraad badan. Tusaale ahaan xarriiqda la soo leexiyey waxay saamaynaysaa ceelasha shidaalka ee Block L5 iyo L22, iyo kuwo kale.
Cumar Cabdirashiis oo ahaa Ra’iisul wasaare xilligii Kenya loo saxiixatay MOU, oo markii maxkamadda Hague go’aanka ka gartey badda ay waraysi ay la yeelatay idaacadda VOA, ayaa qiray in Kenya loo gooyey baaxad dhul-badeed Soomaaliyeed “Waxaa sidaas loogu sameeyey waa samafal siyaasadeed,” ayuu yiri. Waxana uu arrintaas ku tilmaamay “Maxkamadda ICJ waxay samaysay arrin siyaasad ku salaysan.” Sidoo kale, ra’iisul wasaare xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminayey waftigii goobjoogga ka aha xukunka maxkamaddu markii go’aamisey, ayaa sidoo kale waraysi uu siiyey Idaacadda Codka Maraykanka wuxuu qiray in habka badda loo xadeeyey uu ahaa mid ugub ah.
Baaxadda badda ee loo gooyey Kenya waa boqolkiiba 25% dhulkii la isku haytey iyo 1/3 qalfoof qaaradeedka, sidaas waxaa yiri Paul Reichler oo ka mid ah qareenadii u doodayey Soomaaliya xilligii dacwaddu socotey, oo sheegay in ay Soomaaliya usoo hartay 75%.
- FG: Xarriiqda lagu kala xadeeyey badda, marka laga qiyaas qaato aagga ay ku xadeeyeen EEZ, waxaa dhanka Soomaaliya loo soo weeciyey qiyaastii 57 KM (Ogow marka dhulka laga cabbir qaato, Muqdisho iyo Afgooye waxay isu jiraan 30km, markaas Afgooye kasii durug 27km). Sidoo kale waxaa xarriiqdaasi marka ay gaarto fogaanta qalfoofka qaaradda ay dhanka Soomaaliya usoo weecaneysaa qiyaastii in ka badan 80km).
Idaacadda Codka Maraykanka oo Cumar Cabdirashiid weydiisay “Waxaa la sheegayaa in 5 ceel oo aad muhiim ugu ahaa khayraadka uu shiidaalku ka midyahay ayaa intiiba Kenya loo xakumay.” Wuxuu kaga jawaabay “Arrinta hadda taagani shidaal maba ahayn.”
Xaqiiqadu waxay tahay, sida aan ku qoran qoraalkii SomaliTalk faafisay 2007 (ee cinwaankiisu ahaa Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?“, Kenya waxay xilligaas baaritaan ku bilowday aagga loo yaqaan Block L5 oo ay shidaal ka baareysey, waxaana loo tiriyaa arrinta ugu weyn ee ay badda Soomaaliya muranka u gelisey in uu ahaa shidaalka. Waxayna u muuqataa in xarriiqda ay maxkamaddu soo leexisay ay qayb waafi ah oo ka mid ah Block L5 ay u jarayso Kenya. (Eeg L5 https://somalitalk.com/oil/oil91.html). Waxaa Kenya adeegsatey “Ku qabso ku qadi mayside.” Waana u hirgashay taasi.
Bahda SomaliTalk waxay rumayan yihiin in Kenya si bareer ah u qaadan lahayd badda Soomaalida inta lagula hesheeyey inay muran ku jirto, haddii aan shacabku baraarugi lahayn, in Nairobi lagaga saxiixan lahaa madaxdii markaas joogtey. Guusha waxaa leh, aqoon yahanka iyo shacabka baraarugey oo is hor taagey damacii in xarriiqda kala qaybisa badda Soomaaliya iyo Kenya aysan u rumoobin in si jiif ah loo soo qabadsiiyo Kismaayo. Waxaase taas xagal daaciyey madaxdii Soomaaliyeed ee xilligaa talada hayey.
Madaxda adduunka ee fahaman masuuliyaddooda ka saaran arrimaha saamaynta ku yeelan kara shacabka ay hoggaamiyaan, waxay adeegsadaan hal ku dheg afka ingiriisiga ku ah “The buck stops with me” oo loola jeedo “Madax meel ka saraysaa oo la taabto ma jiro,” Taas uu ujeeddadeedu tahay in masuuliyada kama dambaysta ay saaran tahay hoggaamiyaha dalka, cidkalena looma leexin karo masuuliyadiisa.
Marka aad dhegeysato hadalka Shiikh Shariif waxaa kaaga soo baxaya inuu gabay masuuliyaddii ka saarnayd qaddiyadda markaas taagnayd, oo masuuliyaddii uu gabay ay saldhig u ahayd in maanta Soomaaliya ku weydey ugu yaraan boqolkiiba 25% dhul badeedkii xaqdarrada muranka lagu geliyey oo lagu daro 1/3 biyaha qalfoofka qaarada, sabatoo ah wuxuu ka dhuuntay masuuliyaddii ka saarnayd. Waana nasiib darro taariikheed iyo dhaxal wareegid ummadeed.
Waxaan u mahad celimeynaa dhammaan intii difaaca badda qayb ka ahayd oo ay ugu mudan yihiin Baarlamaankii sideedaad oo laalay heshiis kii lamagac baxay MOU.
Gabagabadii, waxaa xusid mudan mid ka mid ah akhristayaasha da’da yar oo baraha bulshada kusoo qoray sidan, “Dadkii waagaas (badda laga doodayey) yar yaraa ama qoraalka iyo aalad ay wax ka akhirstaan aan haysan, ayaa dib uga qayb gala oo anba ka mid ah, waagaas waan yaraa hadana imika wixii i dhaafay oo dhan SomaliTalk baan dib uga akhristaa.” Waxaa naga go’an in aan xafidno diiwaankii aan kaydineyney laga soo bilaabo 1999, intii Allah noo qadaro. Qoraaladda Baddana aan buug ka dhigno Insha Allaah.
Waxaa diyaariyey
Sh. Xasan Dhooye iyo Eng. Maxamed Cali
SomaliTalk.com, Oct 14, 2021
Goaankii maxkamadda iyo jawaabtii Cabdiqawi ka eeg halka https://www.icj-cij.org/en/case/161/judgments
mahadsanid
Kheyr Allaha idinkugu badalo howsha aad u haaysaan Somalia.
Waa dadaasheen intii karaankiinna ah.
Fadlan noo xafida dhamaan documentiga ku keeydsan bogga somalitalk.
Waa mahadsan tihiin.
Walaal waad ku mahadsantihiin dadaalkiina, aan cidna wax idinku siin. Waxaase abaal weyne idiinku haya ummadda Somaliyeed. Waxaan arrinta badeenna kala socdey Somalitalk.com tan iyo 1999.
Fadlan ha xidhinna diiwaankka aad ka qorteen arrinta badda, sababtoo ah, waxaan filayaa in ayan weli dhamaan.
Mahadsanid mar labaad.