Rejo iyo yididiilo shacab
Kadib burburkii dowladii kacaanka bulshada somaliyed waxaa ragaadiyay dagaalo sokeeye oo ey debka u shidaan hogaamiye kooxeedyo damiir laaweyaal ah ganacsato dhiiga shacabka faa’iido ka raadisa iyo shisheeye iyaga isku baabi’iya oo ka dhex shaqeeya. Shacabka somaliyeed meel walbo oo ey joogaan waxa ey mareen xaaladdo ad’adag oo aad u xanuun badan dal iyo dibadba hase ahaatee marwalbo waxa ey ahaayeen shacab aan alle ka quusan oo aan ka rejo dhigin in mar uun ey dib u hantaan dowlad wanaagsan oo danohooda ka shaqeysa.
Laga soo bilaabo dowladihii laga dhisay soo maaliya kadib burburkii dowladii dhexe, somalidu waxa ey ku soo dhaweynayeen dowladaha niyad wanagsan iyo sacabo furan iyaga oo rejeynaya in ey dib u hantaan waqti la oran jiray berisamaad oo ku asteysnaa nabad gelyo iyo qabweyni iyo sumcad somalinimo hase ahaatee dowladihii faraha badnaa ee soo maray dalka mid walbo waxa ey abuuri jirtay rejo beel iyo quusatiino shacab taa oo keentay in shacabku ka rejo dhegaan dowladaha la soo dhiso, madaxweyne walbo oo la doorto ma raadiyo kalsoonida shacabkiisa oo taa bedelkeed beesha caalamka ayuu daba cararaa sumcadna ka raadiyaa halkii uu la fadhiisan lahaa shacabkiisa oo uu u damqan lahaa lana qeybsan lahaa murugada iyo farxada halkii uu iyaga danahooda ka shaqeynlahaa waxa uu maciin bidaa la fadhiisashada ajaanibta iyo raadinta farxadooda waxa uu iloobaa shacabkiisa daruufeysan waxa uuna ka shaqeystaa danihiisa khaaska ah.
bulshada somaliyeed waxa ey aamineen in dowladnimadu tahay goob ganacssi oo kuwa dibadaha ku soo hungooba ey shaqo usoo raadsadaan dowlad waliba tan ka danbeysa waxaa sii xawaareeyay musuqmaasuqa, boobida hantida dadweynaha iyo ku takrifalka sharciga waxaa lumay micnihii dowladnimo waxaa kala fogaaday shacabka iyo dowlada ilaa markii dambe awooda dowladu isugu soo uruurtay iney shacabka caburiyaan oo ey wadooyinka ka xiraan
marka aan intaa aragno waxa marag ma doonto ah in somalidu yihiin dad jecel dowladnimada nabadgelyada iyo wada noolaashaha marka loo eego dhaqanka islaamka ee hagaagsan iyo usluubka somalinimo ee dhiigooda ku jira waa dad shaqsi ahaantooda aan aqoonin kala faquuqa iyo qabyaalada waa dad ilaahey qalbigooda dhigay naxariis iyo damiir huwan dareen somalinimo laakin su’aashu waxa ey marwalbo aheyd , Tolaaye yaa talada inoo haya?.
waxan shaki ku jirin sida ey shacabka somaliyeed u muujiyeen dareenka dadnimo iyo somalinimo ee ku wajahan damaashadka farxadeed iyo isusoo bixii balaarnaa ee lugu soo dhaweynayey madaxweynaha cusub ee somaliya lugu doortay 8da fabraayo jawi farxadeed oo xamaasadi ku dheehantahay kaas oo dib inoogu celiyay oo ina xasuusiyay sida jawigu ahaa lixdamaadkii markii somalidu ka midowday gumeystaha, tani waxa ey daliil u tahay sida somalidu haraad xoogan ugu qabeen cid shumaca u daarta dareenka dowladnimo jeceyl iyo wada noolaashaho ee dhiigooda ku jira kaas oo sida ey ila tahay somalidu u arkeen madaxweyne farmaajo inuu yahay cida kaliya ee la jaanqaadi karta dibna usoo nooleyn karta rajadooda iyo yididiiladooda dowladnimo in kasta oo caqabado aad u adagi horyaalaan madaxweyne farmaajo inkasta oo waxa dhici doono ey ku jirto gacanta alle hadana madaxweyne farmaajo waxa uu ahaa madaxweyne isku dayay inuu shacabka u dhawaado dareenkooda iyo danohoodana ka hormariyo danaha kale oraahda “farmaajo hala ii geeyo” oo ka soo bilaabatay wiil somaliyeed oo dhlinyaro ah oo sida maskaxdiisu u sawiraneysay aan helin cid u damqata ama ka warheysa xaaladiisa, oraahdaa oo sida an aaminsanahy ka soo burqatay maskaxdiisa kadib markii uu dareemay in shumacii rejada uu ku jiro madaxweyne farmaajo gacantiisa taas oo ey la wadaagaan dhalinyarada tirade badan ee wadooyinka isugu soo baxday ,
oraahdani iyo taageerida balaaran ee shacabka u muujiyay madaxweyne farmaajo waxa ey muujineysaa in madaxda dalka soo martay ku fashilmeen raadinta kalsoonida shacabka, u damqashadiisa iyo la wadaagida dareenkiisa sidooo kale oraahdani waxa ey fariin u direysaa cid walbo oo dooneysa mustaqbalka iney shacabka somaliyeed hogaamiso in ey ogaadaan ahmiyada eey leedahay in shacabka la siiyo mudnaanta koobaad oo loo shaqeeyo intii laga shaqeysan lahaa
ugu dambeyntii somalidu waxa ey ku maahmaahdaa kor waayeel waa wada indho guushii madaxweyne farmaajo waxa ey sumcada u ilaalisay baarlamaanka somaliyeed oo lugu asteeyay iney laaluushqaateyaal noqondoonaan oo dadka qaar halhees ka dhigteen hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho taas oo micneheedu ahaa in aan laga filaneynin xildhibaanadu iney madaxweyne daacad ah doortaan sidoo kale guushu waxa ey soo celishay kalsoonida shacabka ey ku qabaan dowladooda waxa bilaabatay wada shaqeyn waa markii lugu baahiyay baraha bulshadu ku xariirto sawiro muujinaya shacabka oo raacaya gawaarida ciidanka iyo shacabkii iyo ciidankii oo wada cunteynaya waxaa mar qura la waayay cabsidii u dhexeysay shacabka iyo ciidanka. shacabku waa dowlda dowladuna waa shacabka muuqaalku sida uu noqday kadib doorashadii farmaajo waxa ey daaha ka qaatay sida madaxweynaha iyo shacabku isaga warhayaan sida uu madaxweyne farmaajo khudbadihiisa iyo wareysiyadiisa ku dhihi jiray tusaale ahaan “dhibaatadu ma ahan shacabka ee dhibaatadu waa dowlada” iyo sidoo kale “ anigu waxaan megen u ahay shacabka” hadaladani oo tusinaya sida shacabku ey daacad ugu yihiin dowladnimada hadii la helo hogaamiye shacabka u damqanaya.
waxan alle ka baryeynaa inuu na waafajiyo kheyrka iyo samaha nuguna ilaaliyo wadada toosan ee diinteena suuban
said wehliye
saciidsyl@gmail.com
qormadaan waa xiligee mar hore maa la qoray mise maba dhib dowladnimo waxtar leh, waxaa qoray sikale wax u ar qof ah kkk