Home » Warar »

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah) – BADDA

Tr. September 19, 2016
Muqdisho – Soomaaliya

Todabaadkaan oo billaabanaya 19-ka September 2016, Dowladda Soomaaliya waxaa ay soo-jeedin afka ah ka samayn doontaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (“Maxkamadda”) ee Magaalada Heague, Dalka Netherlands, taasoo qeyb ka ah diidmada hordhaca ah ee 7-dii October 2015 ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), ee ka dhanka ah kiiska calaamadaynta soohdinta badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (“Dowladda Soomaaliya”) u gudbisay Maxkamadda 28-kii August 2014.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay weydiisan doontaa in ay Maxkamaddu diidmada hordhaca ah ee Dowladda Kenya ay go’aamiso in ay tahay waxba kama jiraan aan qiil haysan. Dowladda Soomaaliya ma rumaysna in Is-afgaradka 7-dii April 2009 dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya uu sal u noqon karo hannaan lagu xalin karo khilaaf, iskaba daa in uu noqdo habka kaliya ee khilaaf lagu xalin karo. Sidaa darteed, Dowladda Soomaaliya ma aragto wax caqabad ah oo Maxkamadda u diidaya in ay qaaddo dacwaddaan. Dowladda Soomaaliya waxay aad ugu kalsoon tahay sharciyadda kiis-keeda, waxayna Maxkamadda uga fadhidaa go’aan xaq iyo cadaalad ku dhisan.

Labadaba Shacab ee Soomaaliya iyo Kenya waxa ay wadaagaan xiriir dhaqan iyo mid taariikheed oo qoto dheer oo meesha aanu ka saari karin khilaaf soo kala dhex gala. Xaqiiqadu waxa ay tahay in aayaha shucuubta Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid isku xiran. Sidaa darteed Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii waddo in ay wadashaqeyn dhow la lahaato walaalaheeda Kenya si looga wada shaqeeyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee labadda Dal iyo Gobolkaba.

1px
©2016 Section of Press and Public Relations ( PPR) – Ministry of Foreign Affairs and Investment Promotion – Federal Republic of Somalia | Please feel free to contact us || Email : ministry@mfa.gov.so,ppr@mfa.gov.so
1px

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah) – BADDA "

  1. Ahmed says:

    Asc waan idin salaamay bahda somalitalk salaan ka dib walaalayaal waad u halganteen soomaaliya intii ay ku jirtay xilligii xanuunka badnaa ilaa maanta oy wax iftiimeen waxaan xasuustaa xilligii Ethiopia iyo maxaakiimta dadaalkaad gasheen iyo tan bada ilaahay ha idin ku guuleeyo soomaaliya markay so wanaagsan u caha dhigato waa in la idinka abaal mariyaa halkaana ka wada howsha sidaad ogtihiin madax badan oo soomaliya xilal ka soo qabtay oon aqoon u lahay waxa ay soomaaliya tahay moodayana soomaaliya kursiga uu ku fadhiistay www

  2. Hassan says:

    Bahda Somalitalk waad ku mahadsantihiin hadaalka aad galiseen difaacida Badeenna. waxaad mudantihiin shahaado sharaf. halkaas kasiiwada dadaalkiina.

  3. cumar cabdiqadir says:

    asc kadib waxan idinkaga mahad celinya sida wadanimada ah e ad udifacden dhulka somalia runti webkan ila mudo dher ah ayan ku tixnaa ilaa wagi horre waana layabi jiray sidu issoo jitay ila hada on jogo angola ayan waxan maqlay in dhul la.isku heysto o bad ah somalia iyo kenya markas. ayan waxan so xasuustay qoraaladii an ka.aqrisanjiray webkan wagii hore niyadeyda ayayna kusoo dhaceen in somalitalk.com aan dib u aado. aqristo…… sidaa daraaded akhyaarta webka waxan leyahay waxad mudantihiin in dowlada somalia ay idiin siiso abaalmarin qaali ah oo shahado ah am aqoonsi la.idiinku amal mariyo jagooyin dowladed ama magaciina korlooqado oo la.idiinku qoraa halgamayasii soo halgamay. buug cusub ayaad mmeel hore kagasheen waxàna rajeenayaa inaaad intas kabadan mudantihiin. MHDSNDN

  4. Aad baad u mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad uga qaybqaadateen difaaca bada somaliya

  5. yassin says:

    Taariiqda somaliyeed waxaad ka gasheen baal dahab ah waanuna idinka mahad celinaynaa

  6. Walaalyaal waxaan idinkaga mahad celinayee, hagardaamadi aay na doonayeen madaxda somaaliyeed 2009 ee aad kashifteen intaanay mindidi wadna noo surin.
    Rabbi waxaan idinkaga baryayaa in adduun iyo aaakhiroba aad ku libaantaan,hiilada aad dadkiina iyo dalkiina ugu hiiliseen iyo wacyi galinti aad sameyseen

    hooyo soomaaliyeed