Home » Faallo »

Luuqadda Casriga Ah ee Dhalinta

Qore: Cabdiraxman Maxammed (Xiddig)

Email: Xiddig@gmail.com

image
“Wait, wait Snapchat video aan ka qaadee”, ayuu yiri Salmaan. “Gaarigan naga horeeya parking-ka ayuu la rafaadsanyahay wallaahi. It is really funny how this guy is parking,” ayuuna sii raacshey inta qosley.

Salmaan waxa uu ka duubey Video toban ilbiriqsi ah darawal gaarigii gelin la’ booskii loogu talagaley, ka dibna waxa uu galiyey mareegaha dhalinyaradu ay iskugu diraan fariimaha video-yada ee loo yaqaano Snapchat.

Salmaan waa sagaal iyo toban sano jir. Waxa la socda saddex saaxiibadiis ah oo ay isku dhowyihiin xaga da’da iyo xaga labiska. Waxa ay ku labisanyihiin sulwaalada loo yaqaano Skinny Jeans-ka iyo kabaha lugu ciyaaro kubadda kolayga. Isaga iyo saaxiibkiis waxa ay wataan taleefonka Galaxy S6 oo midabkoodu uu yahay caddaan, labada kalena waxa ay wataan taleefonka I Phone 6S oo midabkoodu uu yahay madow.

Salmaan iyo saaxiibadiis waxa ay soo galeen maqaayad ay rabeen in ay ka qadeeyaan.

Cali ayaa waxa uu la soo baxey taleefonkiisa Galaxy S5. Kaamiradda ayuu isku soo jeediyey. “Maanta waxaan baashaaleynaa maqaayadda dhalinyarada iyo ciyaalka xaafadda ay ka cunteeyaan, Holiday ayaa lugu jiraa oo off ayaa shaqooyinka iyo school-ada laga yahay, waana maalintii ugu horeysey ee New Year-ka cusub ee 2016, happy New Year to all of you friends and families,” ayuu yiri Cali.

Markaasaa halmar waxaa wada qosley Cali iyo saaxiibadiis.

“I am chilling with my friends Salmaan, Liibaan and Suhayb. We are hanging out here today, you know,” We are waiting for cunto special-ah in aan ka cunno maqaayaddan, this is the first day of the New Year 2016” ayuu haddana Cali ku sii darey.

Waxa uuna Video-gii uu duubey cinwaan uga dhigey Hanging Out Together. Cali waxa uu is-duubayey qaddar toban ilbiriqsi ah. Waxa uuna galiyey Video-gii mareegaha Snapchat-ka.

Liibaan oo fadhiyey Cali hortiisa ayaa isna waxa uu la soo baxey taleefonkiisa oo ah I PhoneS. Waxa uu isna bilaabey in uu Video iska duubo. “Hi guys, how are you doing? Waa saaxiibadiin oo idin leh, Happy New Year.”

Liibaan waxa uu ku dhuftey qosol. Waxaana qosolkii u sii jiibiyey saaxibadiis Salmaan, Cali iyo Suhayb.

Intaas markii uu yiri Liibaan waxa ka go’ay qaddarkii loogu talagaley Video-ga in uu duubmo oo ahaa toban ilbiriqsi. Liibaan Video-giisii waxa uu cinwaan uga dhigey Hommies Eating Together in the First Day of 2016. Waxa uuna galiyey sidoo kale mareegaha Snapchat-ka.

“Saaxiibow kaaley,” ayuu Liibaan waxa uu ku yiri wiil miis kale fadhiyey. “Saaxiibow, please, dhawr picture oo khatar ah naga qaad annaga oo dhan. Maanta waxay noo tahay wallaahi maalin happy ah, maadaama all of us aan isla joogno.”

Wiilkii waxa uu ka qaadey Liibaan iyo saaxiibadiis sawiro dhawr ah. Waxa uu ka qaadey mar iyaga oo fadhiya. Mar kale, waxa uu ka qaadey iyaga oo istaagsan.

“Wallaahi innaba picture-radan caadi ma aha,” ayuu yiri Liibaan. “This is cool, man!” ayuuna ku sii darey. Waxa uuna galiyey sawiradii mareegaha Snapchat-ka.

Salmaan oo fadhiyey Cali dhinaciisa midig ayaa si dhaqso leh waxa uu yiri, “Fiiri, fiiri, So far, waxaa fiirsadey Video-gii aan galiyey fifty people. Damn! People are liking my videos.”

“Bal sug kii aan galiyey anigana aan fiiriyee,” ayuu yiri Cali-na. “Caadi iska dhig saaxiib, I swear a God anigaa kaa dad badan. Keyga One Hundred people ayaa fiirsadey in Three minutes.”

Suhayb oo fadhiyey Salmaan bidixdiisa ayaa isna waxa uu la soo baxey I Phone 6S-kiisii cusbaa.

“I Phone 6 S-kan shalay baan soo qaatey, wallaahi innaba caadi ma aha. Bal Let me try Video-geygii ugu horeeyey,” ayuu yiri Suhayb isaga oo dhinaca hoose ka haya taleefonkiisa, kuna faraxsan I Phone 6S-kiisa cusub.

“Saaxiibayaal aniga I don’t use Snapchat iyo Facebook. Facebook old people iyo odayaasha ayuu ku harey. Snapchat-na hadda waa lagii sii baxaayaa,” ayuu yiri Suhayb.

Saa halmar waxaa wada qosley Suhayb iyo saaxiibadiis.

“Saaxiib, hold your horses, ha iska waalin,” ayaa waxa yiri Liibaan. “Have you ever used Kik before horta?” ayuuna jawaab ahaan u sii weydiiyey.

“War Kik saddex sano ka hor baa laga baxey, maxaad ka hadlaysaa, this is 2016,” ayuu yiri Suhayb inta gacanta kor u taagey, afkana mujuujiyey. “Let me tell you what I use man! Aniga waxaan isticmaalaa Instagram iyo Vine weliba I like Instagram-more. Video-ga Instagram-ka waa fifteen seconds. Wuu ka badanyahay video-ga Snapchat-ka,” ayuu ku sii darey.

Suhayb intaa markii uu yiri ayuu qosley, Saa halmar waxaa qosolkii u jiibiyey Liibaan, Cali iyo Salmaan.

Suhayb isna waxa uu bilaabey markiisii in uu duubo Video-gii uu gelin lahaa Instagram-ka.

“Hi guys, I am so happy to be here today with my friends,” ayuu yiri Suhayb inta uu isku soo jeediyey kaamiraddii taleefonkiisa. “Maanta saaxiibayaal waxaan u fadhinnaa in aan cunno cunto delicious ah, it is the first day of 2016, happy new year to all of you,” ayuuna ku sii darey.

Intaas markii uu yiri ayuu ka go’ay Video-gii. Waxa uuna cinwaan uga dhigey Video-gii Best Friends Hanging Out-Together In the First of 2016.

Cali baa inta madaxa ruxey waxa uu yiri, “You know guys, We are in 2016 now, laakiin I remember wallaahi wakhti la isticmaali jirey Skype-ka iyo Facebook-ga. Maantana waxaa la isticmaalaayaa Snapchat, Vibe, Kik iyo Instagram. Technology is going crazy wallaahi. Laakiin, I heard dadka Africa iyo Carabaha jooga in ay isticmaalaan App la yiraahdo Whatsup.”

Sheekadoodii iyaga oo halkaas ay marayso ayaa waxa la soo hordhigey qadadii ay dalbadeen.

Isla markiiba Salmaan ayaa waxa uu la soo boodey taleefonkiisii, waxa uuna bilaabey in uu kaamiraddii taleefonka uu sawiro iyo video uga qaado cuntadii ay cunayeen.

Sawirada waxa uu galiyey mareegaha dhalinyaradu ay ku wada hadlaan ee Snapchat-ka.

Dhammaad,

Waxa qorey Cabdiraxman Maxammed (Xiddig),

Xiddig@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Luuqadda Casriga Ah ee Dhalinta "

  1. naciima says:

    aslamu alaykum waraxmatulahi wabarakatuhu waxa dhab ah qoralkan aad soo qortay

    oo afkii somaliga waa laga tagy haba ubadnatee umada qurbahee

    lkn waxan leeyahay halagu bararugsanado luqadeena calamigaa ha isku dayin inay kula qurux badnato luqad aan ahyn taada wabilaahi tawfiiq

  2. cumar says:

    Xagaagi unbay casri ka tahe, dhalinta ha khaldin!