Home » Warar »

Somalia: Ra’iisal wasaaraha oo cambaareeyey weerarkii lagu qaaday AMISOM

Ra’iisl wasaaraha oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM

Muqdisho, September 1,2015—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday saaka aroortii xero ay deganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM, kuna taala degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarka kooxaha nabad diidku ay ku qaadeen ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM, waxaana tacsi u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen ciidamada naftood hurayaasha ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale tacsi u diray dowladda Uganda ee ay ka socdeen ciidankaasi naftooda ku waayay difaaca iyo xasilinta dalkeena Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale yiri.

“Qorshaheenu waa in dalka laga sifeeyo haraadiga kooxahaasi caadeystay daadinta dhiiga ummada, waana muhiimada koowaad ee Xukuumadeyda sidii looga ciribtiri lahaa goobaha yar ee ay weli ku harsan yihiin”.

—-DHAMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Somalia: Ra’iisal wasaaraha oo cambaareeyey weerarkii lagu qaaday AMISOM "

  1. Cumar Cabdirashid meel ha saaro baddii uu u saxiixay Kenya.
    Isaga oo aan fasiraad buuxda ka bixin “M o U” (heshiiski is-afgarad)
    oo uu baaddii uugu saxiixay Kenya, hadal uma furna.

    Wixiisu waa kiis-iska-waal aan socon doonin.