Home » Faallo »

Beelaha Midig Maal -Faallo

OGAYSIIS WAXAAN KA CODSANAYNA WARBAAHAIINTA AF SOOMAALIGA KU HADASHA INAY KA JOOJIYAN MAGACYADA AY UGU YEEDHAN BEELAHA FARSAMO YAQAANKA SOOMAALIYEED SIDA BEELAHA LA HAYB-SOOCO AMA LA TAKOORO UGUNA YEEDHAN ‘’BEELAHA MIDIG MAAL EE FARSAMO YAQAANKA SOOMAALIYEED EE GABOOYAHA ‘’

ASC/Waxan marka hore salaam xushmad iyo qadariin ku salaamaya dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta warbaahiinta madaxa banan haday tahay iyo kuwa maxaliga ahba madaxda iyo masuuliyiintooda iyo hawlwadeenada wariyayashooda meelkasta oo ay kala joogaanba salaan qadariin iyo xushmad mudaan.

Sidaynu wada ogsoonahay Koomkan aynu ku noolnahay Bini aadamka siffooyin kala duwaanba lagu dulmaa ama lagu isir soocaa Sidaa Midabka ,Diinta Afka lagu hadlo ama luqaada ,Dhaqaanka ,IWM. Waxaaynu wada ognahay in umada soomaaliyeed ay tahay mid isku diin ah isku dhaqaan ah isku midaba ,isku af luqaad kaliya ah,iwm ,hadaanu nahay Beelaha farsamo yaqaanka soomaliyed ee loo yaqaaano Beelaha Gabooye ama Midgaaha inan midab ,diin iyo dhaqaan midna laygu haybsoociin ama laygu takooriin wax hayb-sooc iyo takoorna aanay walalahyga soomaaliyeed igu samayn ,waayo qofka la takooro ama la hayb soocaa waa qof laga karaan tiimeyay bulshada kale oo aan waxba meel kulaa wadaagiin sidaa in aanay bulshada kale meel wax kula cunin meel wax kulaa baran meel la wada dagiin xaata aan xaga diinta la oraan meelo gaara haku tukadaan sida diimaha kale ee madowga iyo cadaanku kala leeyihiin kiniisado ukala gooniya xaata xabaalaha aanay u kala duwanayn ee ay umada soomaaliyeed dhamanteed haday tahay kuwa farsamo yaqaanka iyo bulshada kale ee soomaaliyedba ay waxkasta wadaagan meel ku wada cibaadaystaan meel wax ku wada cunaan meel wax ku wada bartaan iwm ,

Hadaba waxaa jirta oo kaliya xaqiraad iyo duudsi ku salaysan xaga farsamada iyo aqoonta ilaahay ku manaystay umadaan farsamo yaqaaanka ee ah xadaarada ilbaxnimada soomaaliyeed taas oo ay walalaha soomaaliyeed kaliya u quudhii waayeen inay walaalhoda farsamo yaqaanka ku faanan aqoontooda iyo farsamadooda oo ay ku tixgaliyaan aqoonta farsamada ay beelahani yaqaanan taas oo aynu orankarno waa mid kus alaysan aqoondaro iyo jaahiilnimo haysatay walalahayag soomaaliyeed ,

Waxaa kale oo jirta xaga is dhexgalka bulshada ee Guurka oo aanay si toosa isku guursan beelaha farsamo yaqaanka soomaaliyeed iyo bulshada kale ee soomaliyeed taasna waxaa loo nisbeeyn kara oo sabab u noqon karta waa jaahliga iyo xaga dhaqaalaha loo kalaa badan yahay taasna waxaa keena waa dhaqaaan iyo caado ku salaysan aqoon dari iyo jaahiilnimo ,sababtayna in aqoonta iyo farsamada xadaarada ay beelahaan farsamo yaqaanka soomaaliyeed ilaahay ku galaday loogu gaystay meel ka dhacyo iyo gafaf iyo duulmi iyo duudsi xaqdaro ah oo dhankasta ka saameeyay haday tahay dadnimada bini aadamnimo ,sharaftooda, karaamadooda aqoontooda iyo mooraalka maskaxdooda oo dhaawacyo xuun xuun looga gaystay.

Hadaba Anigoo aaminsan ugana mahad naqaaya warbaahiinta af soomaliiga ku hadasha haday tahay Idaacadaha ,haday tahay TV –yada af soomaaliga ku hadla iyo warbaaahiinta websetyada laga dheehdo barta internetka iyo jaraaiidka joornaladda ee madaxa banan iyo kuwa maxaligaba ahba inay qayb wayn ka qaataan sidii loo cidhib tirilahaa loona suulin laha dhaqaanka caadada soo jireenka ee lagu hayoo mudo boqolal sanaood Beelaha walaalhooda soomalaiyeed ee farsamo yaqaanka uguna mahad celinaya hawshaa ay isku xilqaameen siday ula dagaalami laheeyen dhaqaanka foosha xuun ayaa hadana mudooyinka dambe ay warbaahiintu u adeegsataa halku dhigyo ay ugu yeedhaan warbaahiintu beelaha walaladood ee farsamo yaqaanka soomaaliyeed halku dhiqyaadaas oo ah kuwo sharaf dhac iyo karaamo dhac ku ah beelaha farsamo yaqaanka walalahood halku dhigyadaas oo ay ka mid yihiin Beelaha LA HAYB-SOOCO ,BEELAHA LA TAKOORO ,IYO BEELAHA LAGA TIROO BADANYAHAY ,Halku dhiigyadaasi waa kuwo bahdiil iyo sharaf dhac ku ah beelaha farsamo yaqaanka soomaaliyeed haday tahay beeelaha gabooye iyo beelaha kale ee la midka ee farsamo yaqaanka soomaaliyed meelkasta oo ay kaga noolyihiin dhulkaa afsoomaaliga lagaga hadlo ,

Hadaba waxaan ogaysiinayaa oo si xushmad mudaan uga codsanayna warbaahiintaa afsoomaliga ku hadashaa inay ka joojiyaan halkudhigyadaa magacyada ay had iyo jeer ugu yeedhaan beelaha farsamo yaqaanka soomaaliyeed ee aan kor ku soo xusay maanta laga bilaabana ugu yeedhaan ‘’BEELAHA MIDIG MAAL EE FARSAMO YAQAANKA SOOMAALIYEED EE GABOOYE‘’

Sidoo kale waxaan ugu baaqaya walalaahyga beelaha midig maal ee gabooye ee isticmalaya halkudhigyadan magacyadaa oo ay yihiin beelo la hayb-sooco ama la takooro ee sharaftooda iyo karaamadooda wax u dhimayoo inay ka waantooban oo ay ilaashadaan sharaftooda karaamadooda oonay cidna ka ogolaan in loo adeegsado ama loogu yeedho magacyadaas …

Alaa mahad leh ,Wabilaahi towfiiq..

Gudoomiyaha Qurba Joogta Beelaha Midig Maal Ee Gabooye Ee Waqooyiga America..

Mudane Barkhad Xaaji Cabdi ‘’MrGaboye’’

tell-001-519 4962109

image
Email: abokoriye1@hotmail.com

Ontario Canada

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Beelaha Midig Maal -Faallo "

  1. BTJ says:

    walaal waxaad runtii ka hadashay waaqici taagnaa, anigu ma garan karo sabab qof ila midab ah ila af ah ila diin iyo dhaqan ah ila deegaan ah aan u yaso una yareysto… waxay ahyd qalad cawanimadii la sameeyey.