Home » Faallo »

Somalia ma u baahan tahay Obama inuu soo booqdo?

Waxaa lays weydiinayaa maxay ku dhacday in Madaxweynaha Maraykanka uu yimaado Kenya iyo Ethiopia laakiin uu san soo booqan Airportiga Adan cadde ee Soomaalia.

Intaan lays weydiinin Obaama oo ah Madaxweynihii ugu horeeyey ee Madaw ah ee ka taliya USA: Muxuu Obama u qaban karaa Africa, aan isweydiino muxuu u qabtay madawga uu ka dhashay ee ku dhiban USA? Lauren Victoria Burke NNPA Columnist waxay qortay inuuObaama uu ku fashilmay inuu hormariya nolosha Madawga ku nool Maraykanka intuu madaxda ka ahaa USA. Lauren waxay tiray: Shaqo la’aanta dadka madawga wuxuu ahaa 10% Obaama ka hor, laakiin Obaama markuu xukunka qabtay Madawga shaqo la’aanta wuxuu gaaray 14%.

Faqriga madawaga Obama ka hor wuxuu ahaa ama markuu xukunka uu qabtay wuxuu ahaa 25% laakiin Obama waqtigiisa faqriga Madawga wuxuu gaaray 27%.

Dooro hal jawaab oo keliya, Muxuu Obama u soo boooqan waayey Somalia:

a) Waa heshiis ay qeyb ka yihiin Ethiopia iyo Kenya inaan Soomaalia la booqan

b) Somalia waa waddan Muslim ah waa in la go’doomiyaa

c) Cabsida Alshabaab ayaa sababtay inaan Soomaalia la soo booqan

d) USA waxay ka cabsatay in haddii ay hal madaxweyn booqato inay madaweynayaasha kale ee Soomaaliya ay caroodaan

e) USA uma aragto inay Dowladda Soomaaliya noqon karto saaxiib xagga la dagaalanka mashruuca siyaasadeed ee USA ee ay ku magacaabaan la dagaalanka argagixisada.

Imam Xasan Jaamici, USA
Minnesota Dawah Institute

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Somalia ma u baahan tahay Obama inuu soo booqdo? "

  1. Somalia waa dal islaam ah sidaas awgeed booqashada Obama ku ma soo dagdagi karto. tan kale, waligeedba dowladaha reer galbeedku waxay garab siinayeen Ethiopia iyo Kenya iyagoo Somalida burburinaya. waxaansa qabaa in taas laga hormariyo su’aasha ah: Somaliya ma u baahantahay xiligaan booqashada Obama, Jawaabtu waa Maya.

  2. Somalia waa dal islaam ah sidaas awgeed booqashada Obama ku ma soo dagdagi karto. tan kale, waligeedba dowladaha reer galbeedku waxay garab siinayeen Ethiopia iyo Kenya iyagoo Somalida burburinaya.

  3. husein says:

    Intuba waa suurta gal, waxaase ugu sii dhow in uusan utagi karin xaalada nabadgalyo ee hada kajirta.

  4. Abdullahi says:

    mida ugu horaysaa “a”.
    ayaa ugu macquul dhaw ,matalan tan labaad waxaan ku diiday wadamo Islam ah ayuu noqdaa ciraaq ,iyo afganjstan ay ka mid tahy.tan madaxwaynayaasha amay ka carodan waxaa lauskugu keeni karnaa halmagaallo taasna macquul maahan

  5. cabdi z z says:

    Asc .waxaan la yabaa dadkan obaama ku heyo waxbo nooma qabanaayan ee an isku tashano tusaale keniya dagal sokeeya ayaa ka dhacay xitaa way is gubeen waa loo yimid waa laxaliyey.maxaa loo xaliyey waa kiristan.maxaa xal u ah dadkan dibida ka imaanayo dowladahan shisheeye soo dirsanaayo kow ha loo diido in ay xil ka qabyan dalka

  6. Abu Dujaana says:

    Waxa laga yaabbaa innuu Obama si dhuumasho ah ku booqdo Soomaaliya.