Home » Warar »

Tahriibka oo Weli loo sii Hanqal Taagayo.

“Waxaan wada hadlaynaa markaad Magaalada ku soo wada haraan adiga iyo Geel jire”

“Waxaan la yaabanahay cidda uu Xasan Shiikh Xukumi doono 2016-ka”.

Tahriib markaad maqasho waxaa markiiba hortaada imanaya dad dhalinyaro u badan oo Gabdho iyo wiilalba leh oo ay xitaa ku jiran Hooyooyin iyo Caruur oo dhamaantood ku dhibaataysan Saxaraha ama Ninka Magefe la yiraahdo uu haysto oo uu Lacag madax fursho ka doonayo ama liibiya Gudaheeda dad siyaabo kala duwan ugu haystaan amaba Badda dhexdeeda ku maashaysan, wax badan ayaa laga hadalay dhibaatada uu leeyahay, iyadoo sidaasi jirto ayaa maalin dhowayd waxaan soo maray Gabdho Soomaaliyeed oo iila muuqdey iney wax xoogaa mehrado Ganacsi ku haystaan Magaalada laakiin markaas la joogey Gabar Ganacsi ku haysatay Wadada Maka Al-Mukarama, waxaa laga hadlayey Tahriib, markaasaan la soo boodey dad waxaa ugu liita Qofka hada tahriibaya, Gabadhii I soo xigtay ayaa intay qososhay tiri.

“Aniga iyo labadayda Gabdhood oo Qaangaar ah waxaan diyaar u nahay inaan Tahriibno oo aan weliba marno Suudaan, liibiya kadibna Badda inagoo Ilaahay talo saaranayna” waxaan weydiiyey sababta ku Xanbaaraysa Xiligaan iney wada Tahriibaan iyada iyo Caruurteeda, waxaa ayna tiri. “Aniga ha ila yaabin ee orod soo fiiri Xarunta Denbi baarista ee CID-da iyo Waaxda Socdaalka sida ay dadku u dhooban yihiin iyaga weydii sababta ay Baasaboorada u doonayaan, waxay u dulqaadan waayeen Nolosha Magaalada iyo Guud ahaan Soomaaliya”. Waxaan u sheegay Gabadhaaas in aan Xiligaan Yurub waxba lagu hayn, intay I soo qooraansatay ayey tiri. “Aaway ina Hebel iyo ina Hebel halkaan ayey ka baxeen midna waxa uu joogaa Biljam midna Finland mid walba waxa uu Bishii soo diraa 200 oo doolar waxayna maqan yihiin wax ka yar Lix bilood, marka xageed igu celinaysaa oo an joogaa? ma halkan! tan waa ka calool goostay” Gabadhaasi oo Qiyaastii 40 jir ah waxaan u sheegay in dadka Tahriibaya hadiii ay Badda ku Qaraqmaan in aan qiil sidaa u wayn loo hayn oo yacni aanay Aakhiro waxba u jirin, waxay tiri. “Taas waan ogahay oo waan maqlay laakiin Ilaahay ayaan Talo saaranaynaa”.

Intii ay sheekadaasi na dhex maraysey aniga iyo Gabadha goosatay iney iyada iyo Caruurteedu ka tahriibaan Magaalada Muqdisho waxaa na maqlaysey Gabadha kale oo aan u haystay in ay meel kale mashquul ku ahayd, Aniga oo taageero ka raadinaya ayaan waydiiyey bal iney ka hadasho Fikirka Saaxiibteed, iyadoon is dhibin ayey tiri “Gabadhani waxay ka hadlaysaa iney Tahriibayso laakiin aniga waa iga soo dhamaatay mar horaan diyaar garioobey, miiska waxa ii saran waa wada Xaraash, waxaan diyaar u ahay in aan dhaqaajiyo, waxaan duhurkii tagaa Meelalaha lagu Jimicsado si uu jirkaygu u adkaado, Guriga aan deganahay mar-marka qaar waxaan ka soo boodaa Derbiga si hadhoow markaan Itaaliya tago aan faro la iiga qaadin oo aan Derbiga uga boodo, waxaan sheeko ku hayaa hadaad Cararto ama derbiga ka boodo in aan dan lagaa lahayn oo aan lagugu mashquulayn. Waxaan waydiiyey Dhibbaatada haysata anigoo dhinac kale ka tusay Qoysas badan oo hada Yurub ka soo labanaya una soo hiloobey Dalkoodii Hooyo, waxay tiri “kuwaasi waxay haystaan meel ay ku laabtan markay sheekada u bogi waayaan laakiin aniga yaa ii maqan oo aan Ilaahay ahayn, Gabadhaasi oo sii hadlaysa yaa aniga laftigayga igu Qalqaalisay inaan tahriibo, waxaan u sheegay in aan derbiga cadaynayo yaci aanan tahriibayn hadaanan waalayn, waxaana ay igu tiri intey farta igu soo fiiqday “Waxaan wada hadlaynaa Iidlow markaaad Magaalada ku soo wada hatraan adiga iyo Geeljire”.

Gabar kale oo u muuqatay iney ka da’waynayd labadii hore ayaa Sheekada ku soo biirtay, waxaanay tiri markaan waydiiyey fikirkeeda “Labadaan Gabdhood wxaan uga duwanahy in aanan anigu Tahriibayn laakiin waxaan doonayaa inaan diro Gabadhayda, waxay dhamaysay Jaamacad wax Camal ahna ma hayso, hadaan siday rabto u yeeli waayana waxaan ka baqayaa iney waalato, marka intay waalan lahayd debedda ayaan u dirayaa, waxaan waydiiyey Wadada u qorshaysan iney qaado Gabadheedu? Waxay tiri “Anigu ma doonayo inaan Gabadhayda Badda, Magefe iyo Saxaraha ku halaajiyo, waxaan doonayaa inaan marka hore geeyo Turkiga, marka xigtana Giriiga ugu danbayna Wadan kale oo Yurub ah. Waxaan u sheegay marka Giriiga la aadayo in doon la raacayo la mid ah tan laga raaco Liibiya, intay faraha laalaabtay ayey tiri oo taas mala hubaa, waxaan niri haa waa hubaal, waxay tiri “Go’aanka ah inaan Gabadhayda diro waan gaarey kamana laaban karo haday Turkiga tagto meeshay doonto ha marto, ilaahay ha nabad yeelo, waxay qabtaa ducadayda”. Waxaan Islaantaasi ku iri “Gabadhaadu wax bay baratay la mid ma ahan Gabdhaha kale ee asaageed ah 2016-ka Doorasho ayaa la filayaa waxaa suurta gal ah in wax badani is bedelaan ee maad Gabadha u yare kaadisid?

Waxay tiri “Doorasho aa! Ha I mqashiin taas, markaad aragto sida dalkaan looga baxayo oo ay dhalinyardu u qulqulayaan Waxaan la yaabanahay cidda uu Xasan Shiikh Xukumi doono 2016-ka”.

image

W/Q. Cabdinaasir Xirsi Iidle
EMail:- naasirx1@gmail.com
Tel:- 00252615503978

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Tahriibka oo Weli loo sii Hanqal Taagayo. "

  1. bardacad says:

    HADA WAXAAN JOOGAA ADISS ABABA …. WAR DHALINYARDII MASIIBAA HAYSATA WAR TAHRIIBAA BADALAY SHEEKADII BUUFISKA DHOOFKA IYO RESPONSERADII SIDII ARIGII BAA LOO RASAYNAYA OO LOO GARAACAYA WIILALL IYO GABDHO WILIBA RAALI KU YIHIIN WAX KALENA U SII DHEERYIHIIN AYAGA OO MIDKIIBA 5500 DOLAR LAGA QAATAY ALE HA NOO GAR GAARO

  2. Mahat says:

    Subxaanallaah walaahi waa kanaxay foolxumadaas dumarkeena qaaliga ah ku fekerayaan waa umad quus la gaarsiiyey oo wadankoodii bahal dadka cuna looga dhigey illaahayoow beesha caalamka Dalkeena u tashatay naga qabo aamiin