Home » Warar »

Dowlada Soomaaliya oo Daboolka ka qaadey in 13-ka Bishaan ay Gudbinayaan Dacwadii Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Iyo Laba Qareen oo loo xilsaarey in ay Dacwadaas geeyaan Maxkamada Aduunka Hague

…….

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya oo Warfidiyeenka kula hadlayey Xafiiskiisa ayaa sheegay in Kulankii Golaha Wasiiradda ay ku yeessheen Muqdisho oo uu shir Guddoominayay Raisul ’wasaare Cumar Cabdirashiid warbixinno looga dhageystay Qareenno Soomaaliyeed oo loo xilsaaray Dacwad la xiriirta Xuduudda Badda Somaaliyaay la wadaagto Kenya
image
“Waxaa Warbixin laga dhageystay labo Qareen oo Soomaali ah oo noo qaabilsan Dacwada Xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo soo diyaariyey Warbxin ka kooban 130 Boga, waxaana hore u dhacay in Dhowr jeer la isku dayey in arinta Badda lagu xaliyo Wada hadal balse ay suurta geli weysey taasina waxay keentey Aakhirkii in Dowladda Soomaaliya ay Dacwad u gudbiso Qaramada Midoobey” Sidaa waxaa yiri Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye waxaa uu sheegey in Golaha Wasiirada ay isku raaceen in 13-ka Bishaan Soomaaliya ay u gudbiso Dacwada Xuduud Badeedka Soomaaliya iyo Kenya isagoo sheegey in Dowladda Kenya ay heysato Muddo Sideed Bilood ah oo ay uga soo jawaabto Dacwadaas , sidoo kale waxaa uu sheegey in Bisha Maarso 2016 ay si rasmi ah u bilaaban doonto Dacadaas ku aadan Xuduuda Badda Soomaaliya , waxaana Warbxintaan ay soo diyaariyeen Qareenada loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka

“Dadka Somaaliyeed meel kasta oo ay jooaan waxaan u soo jeedinayaa in ay ka qayb qaataan Dhaqaale ahaan Dacwadaas oo ku baxay Kharasha aad u badan , waxaana rajeyneynaa 99% in Soomaaliya ay ku guuleysato Dacawadaas” ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo sheegey in Dowladda Kenya ay ku soo Xadgudubtey Badda Soomaaliya

Waxaa la sheegey in Dowladda Kenya ay Shidaal ka baareyso 8 Ceeel oo 7 ka mid ah Ceelashaas ay ku yaalaan Gudaha Soomaaliya hase yeeshee Dhawaan waxay Dowladda Kenya ay sheegtey in Dowladda Soomaaliya ay ka laabatey Dacwadii u dhaxeysey Soomaaliya iyo Kenya ee Badda Soomaaliya , wxuuna Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye mar kale Bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan Dacwadaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Dowlada Soomaaliya oo Daboolka ka qaadey in 13-ka Bishaan ay Gudbinayaan Dacwadii Badda Soomaaliya iyo Kenya. "

  1. Dr Axmad Cali Daahir oo ah xeer ilalaiyaha guud ee qaranka soomaaliyeed oo ka ambabaxaaya dalka isagoo u socda Maxamadda Caddaaladda ee Hauge si uu u hor dhigo dacwaddii Soomaaliya ee ku saabsanna badda oo ay keenya doonayso inay si bareer ah u dhacdo.
    Anigoo la dardaarmaaya xeerilaaliyaha ayaan ku sii sagootiyey maansadan:

    Digtoor Daahir duushaye
    Dalkaagood u dooddaa
    Dirayskaa u qadaye
    Daddalkaaga eebuhu
    Daadihi inshallaah
    Damalee gacmaa qabay
    Keenya waxay damcaysana
    Deken daakun weeyaan
    Dulmi bay u rooraan
    Daciif bay na moodeen
    Iyo sida daleel maran
    Dabka iyo baruudiyo
    Dabaabad anagoon wadan
    Innan diranno gulufyada
    Mindi daab lahaystiyo
    Waran lagu dagallamo
    Dubaaqaba ma ay gelin
    Mana ay dareensana
    Diricyiyo halyeeyadi
    Ingiriiska daqarada
    Dusha kaga suntaayee
    Koofil subax deldelayoo
    Garasyaani dooxdee
    Burtaqiiska dili jirey
    In dirkoodu harayoo
    Darwiishi duminoo
    Biyamaalna dabar goin.
    Dulucdiyo ujeedada
    Haddii aan u soo dego
    Digrii iyo aqoonbaa
    Maanta lagu duryamayaa
    Adiguna digtooroow
    Shahaadoyin daran iyo
    Derajaba ku siinnoo
    Cilmi kuma dabraayoo
    Dalkaaga ku barayee
    Maanta inaad u doodana
    Way dawiyo dabiibee
    Dood wanaag inshallaah
    Adoon cadho ku dirinoo
    Deganaantu wehel tahay
    Daliilkuna aqoonyahay
    Dadnimona ay sahay tahay
    Debecsani ay dagis tahay
    Khariidadi dul taal miis
    Tariikhina ay daba taal
    Dooxada jubbiyo mudug
    Durdurkii Buraaniyo
    Daristiyo baraagha
    Nugaal ay damiir tahay
    Duca shacabna daafaha
    Doc kastaba ay kaa tahay
    Badda cadow ma dayree
    Dadaalkaagu waa guul
    Damaashaadku waa farax
    Dibna waxad u soo noqon
    Adigoo dadkaagii
    Sharaf kugu diyaafeen
    Dar ka midana xeebaha
    Daahir loogu yeeroo
    Magacaagu anu dumin
    Dirka soo kacaayiyo
    Duniduba xusuustaan

    Maxamad Bashiir Jaamac Norway

  2. kher allaha idinsiyo bahda somalitellka wad ku mahadsan tihiin sida uso gudbisan xogaha marka xiga waxan oranlaha dowlada somalia inen ka sexanin arinta bada iyo xududena dhulka ah hadi an nahey umada somaliyed waxan diyar unahey inan iska ururino dhaqalaha lagu difacayo iyo wax walbo xita naftena e kudadala arintas wadku mahadsan tihin inta ka kheb qatada wana ku GULESAN DONA INSHAA ALLAH

  3. Masha allah marka hore adban idin salamaya bahda somalitalk.com runtii dadaal adwangsan ayad sameesen adban ugu riyaaqay sida ad dad ka wax ufahnsiineysaan wxa xaqiiq ah an laga ganbaneenin hantida umada somaliyeed ee maguuryada ah la iska indha tiro hadal dhamantiisa .
    ano wa jibkee gudanayo fariintiina wxan lawadaagi dona dad ka qarankooda kadanqada love bahda somalitalk.com hakiina kasii wada dadaalkiina
    Allaha idin ka ajar siiyo insha allah

  4. Abdullahi Mohamed says:

    Aac ,halkaan waxaaan ka salamaya shaqaalaha oyo howlwadeenada somalitalk .tan xigta malmahan aysoo bexeen waxaaan aad ula socday arrinkaan aniga ka daalacanaayy somalitalk wallhi waxaan dhihi karaa webkaan Allah barakeeyo waadna arki doontaa ajarkiina aduun iyk aakhiro ensha Allah .hadaaan usii guda galaa waxaan filayaa inaaan kuguulaysanaa ,umdowlada waxaan leeyhy inaysan arrinkaan yaraysan waa hanti maguurto,uamadaana ma aqbalayso waxkayar xaqooda ,