Iyo Laba Qareen oo loo xilsaarey in ay Dacwadaas geeyaan Maxkamada Aduunka Hague
…….
Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya oo Warfidiyeenka kula hadlayey Xafiiskiisa ayaa sheegay in Kulankii Golaha Wasiiradda ay ku yeessheen Muqdisho oo uu shir Guddoominayay Raisul ’wasaare Cumar Cabdirashiid warbixinno looga dhageystay Qareenno Soomaaliyeed oo loo xilsaaray Dacwad la xiriirta Xuduudda Badda Somaaliyaay la wadaagto Kenya
“Waxaa Warbixin laga dhageystay labo Qareen oo Soomaali ah oo noo qaabilsan Dacwada Xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo soo diyaariyey Warbxin ka kooban 130 Boga, waxaana hore u dhacay in Dhowr jeer la isku dayey in arinta Badda lagu xaliyo Wada hadal balse ay suurta geli weysey taasina waxay keentey Aakhirkii in Dowladda Soomaaliya ay Dacwad u gudbiso Qaramada Midoobey” Sidaa waxaa yiri Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye
Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye waxaa uu sheegey in Golaha Wasiirada ay isku raaceen in 13-ka Bishaan Soomaaliya ay u gudbiso Dacwada Xuduud Badeedka Soomaaliya iyo Kenya isagoo sheegey in Dowladda Kenya ay heysato Muddo Sideed Bilood ah oo ay uga soo jawaabto Dacwadaas , sidoo kale waxaa uu sheegey in Bisha Maarso 2016 ay si rasmi ah u bilaaban doonto Dacadaas ku aadan Xuduuda Badda Soomaaliya , waxaana Warbxintaan ay soo diyaariyeen Qareenada loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka
“Dadka Somaaliyeed meel kasta oo ay jooaan waxaan u soo jeedinayaa in ay ka qayb qaataan Dhaqaale ahaan Dacwadaas oo ku baxay Kharasha aad u badan , waxaana rajeyneynaa 99% in Soomaaliya ay ku guuleysato Dacawadaas” ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo sheegey in Dowladda Kenya ay ku soo Xadgudubtey Badda Soomaaliya
Waxaa la sheegey in Dowladda Kenya ay Shidaal ka baareyso 8 Ceeel oo 7 ka mid ah Ceelashaas ay ku yaalaan Gudaha Soomaaliya hase yeeshee Dhawaan waxay Dowladda Kenya ay sheegtey in Dowladda Soomaaliya ay ka laabatey Dacwadii u dhaxeysey Soomaaliya iyo Kenya ee Badda Soomaaliya , wxuuna Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye mar kale Bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan Dacwadaas
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
Dr Axmad Cali Daahir oo ah xeer ilalaiyaha guud ee qaranka soomaaliyeed oo ka ambabaxaaya dalka isagoo u socda Maxamadda Caddaaladda ee Hauge si uu u hor dhigo dacwaddii Soomaaliya ee ku saabsanna badda oo ay keenya doonayso inay si bareer ah u dhacdo.
Anigoo la dardaarmaaya xeerilaaliyaha ayaan ku sii sagootiyey maansadan:
Digtoor Daahir duushaye
Dalkaagood u dooddaa
Dirayskaa u qadaye
Daddalkaaga eebuhu
Daadihi inshallaah
Damalee gacmaa qabay
Keenya waxay damcaysana
Deken daakun weeyaan
Dulmi bay u rooraan
Daciif bay na moodeen
Iyo sida daleel maran
Dabka iyo baruudiyo
Dabaabad anagoon wadan
Innan diranno gulufyada
Mindi daab lahaystiyo
Waran lagu dagallamo
Dubaaqaba ma ay gelin
Mana ay dareensana
Diricyiyo halyeeyadi
Ingiriiska daqarada
Dusha kaga suntaayee
Koofil subax deldelayoo
Garasyaani dooxdee
Burtaqiiska dili jirey
In dirkoodu harayoo
Darwiishi duminoo
Biyamaalna dabar goin.
Dulucdiyo ujeedada
Haddii aan u soo dego
Digrii iyo aqoonbaa
Maanta lagu duryamayaa
Adiguna digtooroow
Shahaadoyin daran iyo
Derajaba ku siinnoo
Cilmi kuma dabraayoo
Dalkaaga ku barayee
Maanta inaad u doodana
Way dawiyo dabiibee
Dood wanaag inshallaah
Adoon cadho ku dirinoo
Deganaantu wehel tahay
Daliilkuna aqoonyahay
Dadnimona ay sahay tahay
Debecsani ay dagis tahay
Khariidadi dul taal miis
Tariikhina ay daba taal
Dooxada jubbiyo mudug
Durdurkii Buraaniyo
Daristiyo baraagha
Nugaal ay damiir tahay
Duca shacabna daafaha
Doc kastaba ay kaa tahay
Badda cadow ma dayree
Dadaalkaagu waa guul
Damaashaadku waa farax
Dibna waxad u soo noqon
Adigoo dadkaagii
Sharaf kugu diyaafeen
Dar ka midana xeebaha
Daahir loogu yeeroo
Magacaagu anu dumin
Dirka soo kacaayiyo
Duniduba xusuustaan
Maxamad Bashiir Jaamac Norway
kher allaha idinsiyo bahda somalitellka wad ku mahadsan tihiin sida uso gudbisan xogaha marka xiga waxan oranlaha dowlada somalia inen ka sexanin arinta bada iyo xududena dhulka ah hadi an nahey umada somaliyed waxan diyar unahey inan iska ururino dhaqalaha lagu difacayo iyo wax walbo xita naftena e kudadala arintas wadku mahadsan tihin inta ka kheb qatada wana ku GULESAN DONA INSHAA ALLAH
Masha allah marka hore adban idin salamaya bahda somalitalk.com runtii dadaal adwangsan ayad sameesen adban ugu riyaaqay sida ad dad ka wax ufahnsiineysaan wxa xaqiiq ah an laga ganbaneenin hantida umada somaliyeed ee maguuryada ah la iska indha tiro hadal dhamantiisa .
ano wa jibkee gudanayo fariintiina wxan lawadaagi dona dad ka qarankooda kadanqada love bahda somalitalk.com hakiina kasii wada dadaalkiina
Allaha idin ka ajar siiyo insha allah
Aac ,halkaan waxaaan ka salamaya shaqaalaha oyo howlwadeenada somalitalk .tan xigta malmahan aysoo bexeen waxaaan aad ula socday arrinkaan aniga ka daalacanaayy somalitalk wallhi waxaan dhihi karaa webkaan Allah barakeeyo waadna arki doontaa ajarkiina aduun iyk aakhiro ensha Allah .hadaaan usii guda galaa waxaan filayaa inaaan kuguulaysanaa ,umdowlada waxaan leeyhy inaysan arrinkaan yaraysan waa hanti maguurto,uamadaana ma aqbalayso waxkayar xaqooda ,