Home » Faallo »

KENYA OO DERBI KORONTO AH KA DHISAYSA XAD-BEENAADKA SOMALIYA AY LA WADAAGTO !!

Waxaa soo shaac baxayeyey wejigii dhabta ahaa ee Kenya ka lahayd Somaliya oo ay muddo dheer ku taameysey qorsheheedii ku aaddanaa dhul- iyo Bad fidsiga iyadoo si wanaagsan ugala tashatay saaxiibadeed oy ka caawinayaan dhaqaalaha xoogga leh ee ku baxaya dhismaha derbigaas, qorshahaan oo hadda sida muuqata ka baxay tijaabadii dhowr-jeerna caalamka la maqashiiyey waxay damacsan tahay si aan su’aalo badan looga weydiin mustaqbalka ayaa hawl-galkiisii bilowday iyadoo sababo badan u sameysey oo dhinaca amniga ku saabsan.

Sida badanaa lala wada socdo hawlgalkii dhismaha derbigaaas wuxuu ka bilowdey cirifka galbeed ee xadka u dhexeeya Somaliya iyo Kenya oo dhererkiisa lagu qiyaaso 682 KM gaar ahaan degmada BELED-XAAWO oo ka tirsan Gobolka GEDO Somaliya.

Durba waxaa bilowday sida warbaahinta gudaha ay soo tebineyso dhismo derbi dheer oo Xoog lagu dhisayo iyadoo loo adeegsanayo fulinta dhismaha mashruuca derbigaas Kaareyaal iyo baabuurta gaashaaman oo lagu ilaalinayo hirgelinta dhismihiisa inta uu socdo, qorshaha Kenya wuxuuu daarran yahay sidii ay Somaliya dhul cusub uga goosan lahayd isla markaana xuduud cusub ujeexdo oo weliba markaan calaamadda xuduudo noqoto sidii DERBIGII BEERLIIN la dhex mariyey oo aan cidina ka hadli Karin.

Kenya waxaa intaas u dheer, waxay qayb aad u weyn ka qoondeysatay dhinaca Badda koonfurta Somaliya oo imminka miiska u saaran ayna ku hawlan tahay sidii ay dhowaan ula soo wareegi lahayd Badda looma ooyaanka ee baylahda ah oo hadda taal miiska hore ee maxkamadda Caaalamiga ah ee Hague iyadoo aanay jirin cid ka difaacaynaysa ama kala doodeysa qorsheheedaas foosha xun.

Kenya waxaa taas kasii daran iyadoo qayb ka ah hawlgalka AMISON oo saxiixday in ay nabadda Somaliya soo celinteeda qayb ka qaadanayso iyadoo ku qaadata dhaqaale aad u ballaaran, balse la oran karo weyba eedday middaas iyada ah oo dhaawac xun ka soo gaaray dhinaca amniga waana midda ay hadda sababta ka dhiganayso laakiin ay ku qarinayso dhul aysan laheyn in ay ku xad-gudubto, dhinaca kale maanta Kenya waxay isku heshay : sheekadii Waraabaha ee aheyd HAR, BIYO, iyo HAL QALAN, hadal iyo muran xaafadeed tabar uma heyso ayey ila tahay!!

Somalidu waxay Cabsi weyn ka qabtey Itoobiya, oo la og yahay taxadi dheer ee dhexyaallay, laakiin iska qaboobey markii labadii xukuumadood ee MINGISTE iyo SIYAAD BARRE taqdada laadeen, isla markaana ay talada Itoobiya ay gacanta ku dhigeen koox laga soo tashkiilin jirey somaliya laakiin u xuubsiibtey in ay hawsha ka wadeen halkii MENELIK II.

Itoobiya, malaha ma dooneyso in ay hadda xuduud beenaadka Somaliya ay la leedahay ay Derbi ka dhisto madaama dadka iyo dalka oo dhan ay iyadu ku amar ku taagleyso, laakiin hadal laga bartay Mooryaantii Xamar ayaa ahaa: QOF NOOL WAXIISA KA IIKEENIN!! malaha markii ay godka nagu hubsadaan ayey waxaba qaadan doonaan!!

Kenya, markii ay meelaysatey dhulkii iyo dadkii NFD ayey wejigii labaad ee qorsheheeda bannaanka soo dhigtay qorsheheedii foosha xumaa ee dhul iyo Bad ballaarsiga ku salaysan iyadoo aan weli Somaliya iilka la dhigin.

Kenya waxaa qorshahaan ka caawinayo dawlado horey ugu guuleystey in ay derbi ka dhisaan xuduud ay ummadda kale la wadaagaan, sida kan laga dhex dhisay dhulka falastiin, qorshaha derbigaan ayaa ah qabsasho dhul cusub iyo in marka derbigaan la dhammeeyo SILIG koronto oo khatar ah lagu xiro oon cidina haweysan Karin sidii midkii Faransiiska Jabuuti ku xirtay wixiii ka horreeyey 1977.
Kenya waa u dhacatay, meel dhul cusub ayey Somaliya ka heleysaa, meel Baddii ayey bar goosanaysaa, meel ammaanka Somaliya ayey dhaqaale xoog leh ku heleysaa oo ciidankeeda ku qaadataa, meel qaxootigii Somaliya ayey dhaqaale buuran ku heleysaa, meel kale, barnaamijkii argagiso la dirirka ayey dhaqaale kale ku dalbanaeysaa,.

Wadamada jaarka ah iyo oo ay Kenya ugu horreyso waxay aad u mahadineyaan Ilaahii Somaliya deris kala dhigay, waayo ma jirto ummadda adduunka ku nool oo sidaas loo sarrifan karo, waxaan xasuustay, hadalkii wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliya Prof. Bayle ” ee uu yiri ” Somaliya waa mashruuc ” waa run biyo kama dhibcaan ah, maantayna joogtaa!!

Haddaba, waxaa dad badani isweydiin karaan Kenya hawshaan ma ku guulaysanaysaa, dabcan jawaabtu waxay u badan tahay haa, waayo ma jirto dawlad Kenya ka joojin karta dhismaha derbigaan foosha xun ee ay ku soo xad-gudbeyso Somaliya, isla markaana ay tahay danta kale mid ay rabto markii ay ku guuleysato dhismaha derbigaan in ay XASUUUQDO SOMALIDA GUDAHA KENYA KU JIRTA KALA SOOC LA’AAN SIDII HOREY U DHACDAY!!!

Ugu danbeyntii Dadweynihii Somaliyeed maanta xujo adag ayaa hortaal, waayo waxaa fool xumo iyo taariikh madow kuugu filan dhulkaagii iyo dadkaagii oo adigoo nool xoog lagaaga qaadanayo in aad markhaati nool ka noqotid aysanna jirin cid looga dacwoodo oo wax ka qabanayso hadaba talo ayaa i noo taal , mana jirto dawlad dhexe iyo mid gobol oo arrintaan ka damqanaysa kana hadli karto waayo ma aha dad la soo doortay ee waa dad wakiil ka ah beesha caalamka laakiin sidii hawshaan loo furdaamin lahaa dadweynahaa somaliyeed ayey u taal!!!

Qalinkii: Cumar Maxamed Barre

omarbdo@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " KENYA OO DERBI KORONTO AH KA DHISAYSA XAD-BEENAADKA SOMALIYA AY LA WADAAGTO !! "

  1. Hussein says:

    Waa arin xanuun badan, laakiin shacabkuna ku sheekaystaan, waxaan maqli jiray Somalidu waa ORAL SOCIETY, howsheenu waxay noqotay hala cambaareeyo, hogaankeenu wuxuu noqday Danaystayaal laakiin aysan garanayn ayaaha awlaadooda, Xasbunnallaahi wanicmal wakiil, Wiilashaa duurka ku jira inta nadiifka inta lala heshiiyo laguna taageero waxay ku dhanto malaha.

  2. Mahat says:

    Musiibo qaran waaye hadeyso dhacdo waatii horseedi laheyd inert gabadheena guur beesho

  3. Keyse Xasan says:

    Way Ku Hungoobi Insha Allah