Home » Warar »

Wasiirka arrimaha Dibada Qadar oo Kulankii uu la qaatey Madaxda Dowlada ay isla soo qaadeen arrinta Shiikh Xasan Daahir Aweys

Warar aan ka helney Siyaasiyiin ku dhow dhow Dowlada Federaalka Diideyna in magacooda la sheego waxay noo sheegeen in Wafdigii uu hogaaminayey Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar oo dhawaan soo gaarey Magaalada Muqdisho ay Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda ay isla soo qaadeen arrimo la xiriiro Shiikh Xasan Daahir Aweys oo muddo ku dhow laba sano uu Xabsi guri ugu jira Dowladda Federaalka .

Wasiirka arrimaha Dibada ee Dalka Qadar ayaa Dowlada Federaalka ka codsadey in Shiikh Daahir Aweys uu gaaro Magaalada Dooxa oo Caasimad u ah Dalka Qadar oo lagu tiriyo Dhex dhexaadiyaha Xarakooyinka Islaamka iyo Dowladaha waxana dalkaas uu dheer jeer uu marti geliyey Kulamo noocaas ah.
image
Dowlada Qadar ayaa wada Qorshe ah in Shiikh Xasan Daahir uu ku noolaado Wadanka Qadar , warar kale ayaa sheegayaa in Dowlada Qadar ay dooneyso in la soo nooleeyo Xisbigii uu Madaxda ka ahaa Shiikh Xasan Daahir ee Xisbul Islaam taasoo Dowlada Qadar ay dooneyso in uu noqdo Xisbi Siyaasadeed oo aan Hubeysneyn si uu uga qayb qaato Doorashooyinka soo socda ee 2016-ka

Wararka waxay intaa ku darayaan ilaa iyo hadda lama oga in Dowlada Federaalka ay ogolaatey in Shiikh Xasan Daahir loo qaado Wadanka Qadar sidoo kale lama garanayo Shiikh Xasan uu ogolaadey Qorsha ay Dowlada Qadar ay wadato oo ah in Dib loo soo nooleeyo Xisbul Islaam oo kala burburey markii ay Xarakada Alshabaab ku biireen

Dowlada Qadar waxay ka mid ahayd Dowladihii ugu horeeyey ee soo jeediyey in Shiikh Xasan Daahir Aweys marka uu soo galo Gacanta Dowladda Federaalka ay iyadu la Wareegto Xiligaa uu ku sugnaa Magaalada Cadaado ayna socdeen Wada hadaladii lagu soo xero gelin lahaa Shiikh Xasan Daahir Aweys oo markii dambe Dowladd ka faramaroojisey Odoyaashii Waan Waanta waday

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wasiirka arrimaha Dibada Qadar oo Kulankii uu la qaatey Madaxda Dowlada ay isla soo qaadeen arrinta Shiikh Xasan Daahir Aweys "

  1. QADAR Way ina fahantay lkn inagu ma aynaan fahmin,,,,,,,,danta qadar ugu jirta xasan daahir waa maxay/??ma iyadaa caawin jirtay waatan ay ka hari weyseye…HSHANI MAANKAYGA GADAYE MA MAASAAR BEY LIUQDAY ?/