Home » Warar »

Goormaa Dugsi Qur’aan Toban Doolar Noqdey!!

“Canuga ma ingiiriis baa la ii Barayaa Markaan Toban Doolar Dugsi Qur’aan ku Dhiibayo ”

Waxaan ku soo baxay Macalin Dugsi Qur’aan iyo Nin Odey ah  oo Muran Xoogan uu u dhaxeeyo , waxayna Dhagaheyga Maqlayeen Macalinka oo leh” Lacagtii Dugsiga Qur’aanka Waxaan ku darey Sadex Doolar marka sidaa baan kuugu yeerey ee la soco “ Odeygii oo Carro ka muuqato ayaa waxaa uu yiri “ Macalin kaa yeeli maayo waayo Ilamaha iima bareysid Ingiriis waa in aad dib isugu laabataa” Markiiba waxaan kala dhex galey Macalinkii iyo Odeygii waxaana ku iri aniga markaas la hadlaya Macalinka “ Macalin Dugsga Maxaa ardeygiiba Bishii Qur’aanka Ku bareysey “ markaa buu i yiri “ markii hore ardeygiiba waxaan ka qaadeyey 7- Doolar waxaana bishaan ku darey 3 Doolar waxaana sidaa u yeeley Daruufo jira aawadood “

Odeygi baa ku iri “ Adeer Dugsiga Imisa ardey baa kuu dhigata ? waxaana uu ku jawaabey “ Hal ardey baa ii dhigata waxaana markii hore la iga qaadayey 7 Doolar marka Bishaan buu Sadex Doolar ku darey marka ku daristaas baan ka caroodey ee wax  kale ma jiraan “ waxaana ku iri adeer misa ardey baa kuu dhigata Jaamacada “ markaas buu yiri “ Sadex Caruur ah  “  waxaana u sii daba dhigey “ Midkiiba imisa ayaa Bishii ka bixisaa waxaa uu yiri “ Midkiiba waxaan bishii ka bixiyaa 120 Doolar sadexdoodana isku darkooda waa 360 Doolar “ waxaan ku iri “ Jaamacad in intaas ku bixiso Qu’aankii Ilaahayna Barashadiisa aad u quuri weyso  10 Doolar bishii waa wax lala  yaabo ” waxaana uu yiri “ Adeer waa runtaa in sidaas loo I Haaneysto Barashada Qu’aanka waxaa Sabab u ah  Dadkeena  Bal fiiri Dugsiga meesha uu ku yaalo oo ah Dariiqii dadka ay marayeen weliba  waa Jiingad aad u kulul oo intaa Caruur ah la isugu keeney oo Neeftooda isku baxayso  marka  adeerow  intii aan arkayey sidaa baa loola dhaqmayey in la liido Goobaha Waxbarashada Qur’aanka “

amiinkhasaro

Odeygaas kaliya ma aha inta badan Dadka Soomaaliyeed ayaa ah dad aan ixtiraamin ama aan  Karaameyn Goobaha lagu barto Qur’aanka kariima ee Malcamadaha hadii aan dib ugu laabano waayadii hore inta badan dadka Soomaaliyeed  waxay ahaayeen Reer Guuraa, marka ay Ilmahooda Barayaan Qur’aanka Kariimka  Xitaa uma oodneyn Dugsiga oo ardeyga Meel banaan ah oo naxan  badan ayaa caruurta wax lagu barayey , Habeenkii markii la gaaro  maadaama aysan  jirin wax wax lagu iftiinsado Dab baa la shidi jirey , Macalinka Caruurta Usha kama qaadi jirin oo qaarkood Dhaawacyo ayaaba ka soo gaari jirey marka Dugsiyada  waxay ahaayeen kuwa uusan ardeyga u Xiisi jirin gaar ahaan Barashada Qur’aanka,

Markii Magaalooyinkii la yimid Dhaqankii baadiyaha ayaa sidii sii loo soo guuriyey oo Xaafadaha Dhexdooda ayaa Dugsiyadii lagu oodey isagoo dhis ka sameysan , waxaana dhici jirtey in ardeygii Seeg seeg noqda ama ka soo bixi waaya Qur’aanka in inta qaarka sare laga qaawiyo  ayaa  ardey fara badan oo uu ku jiro Macalnkii lagu qaadaa ( WASHAMSI ) markii Diirka laga dhigo ayaa la siidaayaa , waa yaabee ardeygaas sidaa loo galey sidee  baa looga dhaadhicin karaa in Goobaha  lagu barto Qur’aanka  ay yihiin meel Wanaagsan, waxaana Xaqiiqo  ah in Caruurta Soomaaliyeed aysanba u Xiiseyn Goobaha lagu barto Qur’aanka, waana mida keentey in Canugu uu noqdo Dugsi diid. Oo uu ka doorbido Iskuulka oo ah meel uu ka helayo Soo dhaweyn “

Dhaqankaas ilaa iyo hada waa uu jiraa oo dadka Soomaaliyeed kama suulin markaa Xaafadaha Muqdisho dhex marto waxaa arkeysaa Goobaha lagu barto Qur’aanka ay ku yaalaan Dariiqyada ay dadka maraan isaga oo ka sameysan Jiigada , waxaan Dhawaan  la kulmey Macalin Dugsi Qur;aan waxaa ii sheegey in Ganacsato Soomaaliyee ay u hibeeyaan Guri Villa oo aad u qurux badan waxana aan i iri “ iyaga miyaa idiin siiyey Dhulka “ waxaa uu ku jawaabey “ Haa iyaga na siiyey welia noo dhisey  marka Ilaah Khayr ha siiyo waxaan leeyahay Ganacsatada Soomaaliyeed  ee Ilaah wax siiyey in ay kor u qaadaan Goobaha Waxbarashada Qur’aanka  kana  sareysiiyaan Iskuulaadka maadaama ay  ajar iyo Xasanaad ka helaysaan “

Macalin ayaa waxaa uu iri “ Waxaan dhibaato ku qabnaa in marka uu ardeyga Dhameeyo Qur;aanka  waagii Hore Qaalin Geel ah ayaa la bixin jirey maanta ardeyga Dhameeyo Qur’aanka waxaana waalidiinta ka weyney in ay bIxiyaan Qaalintii oo marka la qiimeeyo noqoneysa Sagaal Boqol oo Doolar, Xaqiiqdii waxaan u sheegney Waalidiinta bal in ay ku dhawaadaan  Qaalintaas  hase yeeshee  waxay Waalidiinta noo keenaan lacag aan ka badneyn Boqol Doolar qaarkoodna ma keenaan oo maalinka uu Qur’aanka dhameeyo ayaa kuugu dambeysa  , aad baan ula yaabaan marka aan arko Ardey ka  qalin jabineysa Jaamacad ama Iskuul sida loogu sameeyo Xaflado walibana waxaa laga qaadaa Lacago fara badan Qalin jabintooda ah, marka  waxaana soo jeedinayaa in  Bulshada Soomaaliyeed  ay qiimeeyaan oo sharfaan  Barashada Qur’aanka  Kariimka  iyo goobaha lagu barto ”

Guntii iyo Gabagabadii  Waxaa inta badan Dadka Soomaaliyeed ka wada dharegsan yihiin in Goobaha lagu barto Xifdinta Qur’aanka ay yihiin Goobo aad u liita oo Munaasab ku  ahayn Barashada Qur’aanka sidoo kale waxaa isna  mudnaantiisa la siinin Macalinka har iyo Habeen u taagan Wax barida Caruurta oo waliba uu barayo Wax Aduun iyo aakhiro anfacaya, laga doorbidey Macalin kale ee  Dhigayo Maadiga,marka  waxaana Qormadaan aan u qorey in aan Bulshada Soomaaliyeed u iftiimiyo  sidoo loo baabi’an lahaa Dhaqankaas hoos u dhigey Barashada Qur’aanka iyo  Ixtiraamkii Macalinka  oo meesha ka saarno Erayadii Odeyga ka soo yeerey ee ahaa “ CANUGA MA INGIIRIIS BAA LA II BARAYAA “

W/D Amiin Yuusuf Khasaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel 00252615532494 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Goormaa Dugsi Qur’aan Toban Doolar Noqdey!! "

  1. Ali says:

    waa arin loo baahanyahay in dhamaan umada Soomaliyeed ay wada fahmaan in goobaha Qur’aanka kariimka ah lagu barto latayeeyo oo laqurux badanaysiiyo. Waa ku mahadsanyahay walaalka maqaalkan qiimaha leh qoray.