Home » Warar »

Wasaarada Waxbarashada iyo Daladaha Dalka oo isku raacay in la qaado Imtixaan Qaran (National Exam)

Wasiirada Wasaarada Waxbarashada Drs Khadar Bashiir oo ay wahelinayaan
Wasiiru dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha
Waaxda Daladaha ayaa waxey kulan la qaadatay Daladaha Waxbarasha
ahliga ee dalka ka jira.

Kulanka ayaa waxa uu muhiimadiisa ahaa sidii Wasaaaradda iyo Daladha
ay sanadkaan u qaadi lahaayeen Imtixaan Qaran oo ka dhaca Dalka taas
oo ay soo dhaweeyeen Daladaha Waxbarashada Dalka.

Wasiirada oo hadashay ayaa waxey ka codsatay Daladaha Waxbarashada
iney u hogaansamaan lana shaqeeyaan Wasaarada Waxbarashada si dalka
loo gaarsiiyo hormar dhanka tacliinta ah.
image
Sidoo kale Wasiirada ayaa sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada aysan
cidna u lug xirnaan doonin islamarkaan sidii lagu heshiiyay ay qaadi
doonto Wasaarada imtixaan qaran oo dalka oo dhan loogana baahanyahay
bahda waxbarashada iney taageeraan oo si qalbi furan oo la shaqeeyaan
Wasaarada.

Drs Khadar Bashiir Cali ayaa waxey balan qaaday in Wasaarada Qiima
dhimisi ku sameyneyso sanadkaan lacagta Shahaadada ardada ugua qaadan
jireen Wasaarada sidaas si lamid ahna ay ka codsatay Dalaha iney qiima
dhimis ku sameeyaan maadaama Caruurta Soomaalida ah aysan awoodin iney
iska bixiyaan lacagaas, waana talaaba hormar leh oo Wasiirada ay
qaaday.

Dood dheer kadib waxaa la isku afgartay in Gudi labada dhinac ah la
sameeyo kuwaas oo ka kala socda Wasaarada iyo Dalada islamarkaana ay
ka shaqeeyaan sidii loo hirgalin lahaa imtixaan Qaran oo laga qaado
dalka intiisa badan.

Daladaha ayaa arrintaan si weyn u soo dhaweeyay waxeyna balan qaadeen
iney la shaqeyn doonaan Wasaarada oo ay ku qanacsan yihiin in dalka
laga qaado imtixaan loo wada dhanyahay

Communication Officer
Ministry of Education
Mogadishu – Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wasaarada Waxbarashada iyo Daladaha Dalka oo isku raacay in la qaado Imtixaan Qaran (National Exam) "

  1. Ibrahim says:

    waa talaabo horey loo qaaday hase yeeshe halaga fakaro waxyaabo bada oo ay kamid yihiin:
    a- Amaanka ardayda soomaaliyeed
    b- Sirta imtixanka
    c- musuqmaasuqa had iyo jeer loo soo jeediyo dowladda in si weyn looga taxadaro
    c- in uu ka madax banaanaado dejinta imtixanka Milkiilayaasha schoolada
    d- in imtixaanka dejintiisa ay qeyb ka ahaadaan Macallimiinta dhigtay Manhajka