Home » Warar »

Safaarada Ingiriiska Muqdisho: 2015 – Waa Sanad Muhiim u ah Soomaaliya

Halkani waxaan idinkugu soo gudbinaynaa warqad uu Safiirka Ingiriiska Soomaaliya HMA Neil Wigan uu soo qoray oo uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo sanadka 2015 oo uu la wadaagay saxaafada Soomaaliya ka howlgasha oo uu soo saaray 11 Febraayo 2015

Bilawga Sanadka waa waqti ah in dib loo eego wixii horumar ah oo la gaaray. Horumar badan ayaa la gaaray sanadkii aanu soo dhaafney ee 2014 iyo Soomaaliya oo haysa wadadii xasiloonida. Wadadan ma’ahayn mid sahlan xaga dib’u dhiska dal soo maray marxalada kala duwan balse tani ayaa u baahneyd hor u waditaanka dadaalada ay sameeynaayaan Soomaalida oo wadajir ah. Balse horumar aad u weyn ayaa la gaaray. Arag wadooyinka Muqisho oo mashquulka ah, horumarka ganacsiga ka socdo Dekedaha iyo horumarka dhanka amaanka ee laga gaaray gobolada ayaa ku tusineysa sida Soomaaliya oo xasiloon ay noqon karto.

Eegida dal ka soo kabanaya dhibaatooyinkii dagaalada ayaa ah farxad aad u weyn. UK mar walba wey idin garab taagan tahay waxayna idiin fidineeysaa taageerada aad u baahan tihiin in horey uu dalka u socdo.

Anagoo wada shaqeyneyna sanadkan 2015, waxaa weli jira carqalado u baahan in laga talaabsado si loo xaqiijiyo horumarada daciifka ah in la adkeeyo si looga dhigo kuwa aan dib looga noqon karin. Waxaa weli jira caruur badan oo la il daran nafaqa daro. Kuwo loo isticmaala qalalaasaha oo weli awooda in ay qalqalgeliyaan horumarkii la gaaray. Tixgelinta xuquuqda aadanaha oo weli u baahan in laga gaaro horumar, dhanka hay’adaha dowlada.

Waxaan xaqiiqdii aaminsanahay in dhammaan carqaladahan laga tilaabsan karo. Waqtigeyga oo aan hogaaminayo taageerida Boqortooyada Ingiriiska (UK) ay u fidineyso dalka Soomaaliya, waxaa mar walba aan arkayey xirfadaha iyo go’aanada ay qaateen dadka Soomaalida. Iyadoo ugu dhawaan sedex meel laba oo Soomaalidu ay yihiin dad ka yar 25 sano jir, dad u furfuran ganacsiga iyo hibo ay u leeyihiin wadahadalka, casriga cusub ee dunida xiriiriya ayaa u ah Soomaalida fursad ay horey ugu dhaqaaqaan. Tani ayaa sidoo kale waxaa xaqiijiyey Soomalida qurba joogta ah. Dagaal la’aan wadankani wuu barwaaqoobayaa.

Xulitaanka wasiirada cusub ee dowlada ayaa imaaneeysa xili muhiim ah anagoo waajaheyno carqaladaha jira. Waxaanu sii wadeynaa la shaqeeynta iyo taageerida dowlada Soomaaliya iyo dadaalada loogu jiro in horumar laga gaaro amaanka, xasiloonida iyo waxqabadka asaasiga ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed iyo si ay u helaan fursado shaqooyin, bilaabitaanka ganacsiyada cusub si ay u taageeraan qoysaskooda.

Waxaan ku faraxsanahay in dowlada UK ay ka cayaareyso door ah taageerida dadka iyo dowladaba taasoo kuaadan mustaqbalka Soomaaliya. Xiriirka labadeenna dal ee UK iyo Soomaaliya ayaa ah mid adag oon qoto dheer iyo Soomaali badan oo firfircoon oo qurba joog ah oo ku nool UK gaar ahaan ayaa sameeyey horumar badan ay ka sameeyeen meela badan oo kala duwan. Waxay ahayd fursad farxad badan ka dib markii Boqorada UK ay Abaal marisey Maxamed Faarax oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya mar uu ku guuleeystey laba Biladood oo dahab ah ee Tartankii Olimbikada ee ka dhacayey dalka UK. Sidoo kale Soomaalida waxay ku horumartey ganacsiga, Saxaafadaha iyo Siyaasadaba. Sanadihii la soo dhaafey ayaa la’arkayey Soomaali badan oo xirfadeysan oo dalka dib ugu soo laabanaya si ay dib ugu dhisaan dalkooda tani oo muujineysa aaminsanaanta ah in Soomaalia ay hayso wadadii xasillonida.

Dalka UK wuxuu sii wadi doonaa in uu hogaamiyo taageerida caalamiga oo lagu taageerayo Soomaaliya si loo xaqiijyo horumarada la gaaray in aan dib loo soo celin Karin qaar ahaan sanidkaani oo ah mid aad iyo aad muhiim ah.

Sida Raisul Wasaaraheena David Cameron oo horey u yiri “ Hada ayaa la joogaa xiligii la taageeri lahaa rajada dadka Soomaalida. Taasi ayaa ah tii ay mudo dheer sugaayeen ayna rajeynaayeen, waan inaanan meel cidla ah uga tagin dadka Soomaalida.”

Wadada lagu helo amaan iyo xasilooni ma’aha mid fudud, balse Soomaaliya waxay saaran tahay wadada toosan oo lagu heli lahaa taasi, waana waqtigii lagu bedeli lahaa rajadaas in ay noqoto run

HMA Neil Wigan
image

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Safaarada Ingiriiska Muqdisho: 2015 – Waa Sanad Muhiim u ah Soomaaliya "

  1. Abdirahman says:

    Waxaa wax lala yaabo ah in wadamada kale iyo dadka kale aay ka warhaayaan barwaaqada uu wadankeena leeyahay ee aan Soomaalida wax kala socon. Hadii aay wax kala socdaana aay ka jecel yihiin inaay sii xun wax ku raadiyaan oo wax ku cuna.