Home » Warar »

Aabihii Farta Soomaaliga Xuseen Shiikh Axmed Kadare oo Geeriyoodey

1-2-2015 Allaha u Naxariistee Xuseen Shiikh Axmed (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahannadii Soomaaliyeed oo sida weyn waxa uga qorey af-Soomaaliga ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ka dib markii mudooyinkaan uu Xanuunsnaa .Rabbi ha u naxariistee, Xuseen Sheekh Axmed Kadare ayaa wuxuu ahaa aqoonyahan wax kasoo bartay jaamacaddo badan oo caalamka ah ku yaalla, wuxuuna ku takhasusay cilmiga afafka isagoo Door Muhiim ah ka Cayaarey Qoristii aka Soomaaliga .

Intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya wuxuu ahaa madaxii Akadeemiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed ee . Wuxuuna xilliyadii dambe si aad ah ugu howlanaa horumarinta afka Soomaaliga isagoo ka qyb galey Kulamo fara badan oo looga arinsanayey kor u qaadida Afka Sooomaaliga

image
waxaana Durbadiiba Tacsi ku aadan Geerida Xuseen Shiikh Axmed Kadare direy Madaxda Qaranka Naadiga hal Abuurka iyo Qali Maalka Soomaaliyeed ( Somali Pen ) Bahda Saxaafadda, Bahda Waxbarashada Bahda sportiga Dalladda SOSCENSA , Dhamaan Qorayaasha Soomaaliyeed iyo Abwaanada Soomaaliyeed waxayna Ilaah uga baryayaan in uu Janadii Fardowso ka waraabiyo Ehelkiisa iyo Asxaabiita Samir iyo Iimaan ka siiyo Aaamiin…… Aamiin ….Aaamiin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Dr.Xuseen Sheekh Axmed Kadare.

Muqdisho, February 1, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay gaaridii naxdinta lahayd ee ku timid allah ha u naxariistee marxuum Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuna eebe uga rajeeyay in uu ka waraabiyo naxariistiisa janno.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ahaa shaqsi door muuqda kasoo qaatay qoraalka afka Soomaaliya.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya,waxan alle uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo Marxuum Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo wax badan ay ku xasuustaan dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in Dr. Kadare lagu xasuusan doono qoristii afka Somaaliga, suugaanta iyo halgankii xornimo doonka.

—-DHAMMAAD—-

Waaxda Isgaarsiinta iyo Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM, @axmednuur

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Aabihii Farta Soomaaliga Xuseen Shiikh Axmed Kadare oo Geeriyoodey "

  1. Cali says:

    Fadlan aanku sexee aabbihii farta soomaaliga maahayne Kadare wuxuu ahaa mid ka mid ah aabbayaashii afka soomaaliga
    ALLE HA U NAXARIISTO
    AAAMIIN