Dagaaladii sokeeye ee soo maray Dalka iyo Dadkaba waxay bulshada Soomaliyeed Ilowsiyey wax walba oo Hormarkooda ku jirey iyo Kheyraadka Dalkooda hodanka ku yahay, Siday uga faaidaysan lahaayeen si ay uga baxaan Gaajada, Aqoondarida iyo Shaqa la`aanta ku Habsatey Ragg iyo Dumar waxayna wada haleeshay Miyi iyo Magaalo.
Dalka Somaaliya waxa uu hodan ku yahay Nicmat Rabbi ku manaystay, Wadankani kheyradkiisa si guud ah hadaan wax uga sheego waxa ka mid ah: Xeebta ugu dheer ee Afrika Ayuu leeyahay biyaha waxa laga dhalin karaa Dabka korantada waxa kalo leeyahay Kaluun kala duwan Iyo aargoosato. Waxa kaloo leeyahay Wabiyo qulqulayo iyo Beero lagu abuuran karo Dalagyo kala duwan sidoo kale waxaa u leeyahay . Xoolaha isugu jira Geel Lo’ iyo ari waxana u sii dheer Shidaalka, Saliida Macdanta, Dhagaxaanta qaali ah iyo waxyaabo kale muhiim ah.
Waa hubaal in loo baahan yahay in la helo Dawlad Maamulaysa kheyraadka ugana faaidaynaysa Ummada kuna dhiiri galinaysa in ay wax soo saarka ku dadaalan si ay Saboolnimada Soomaalida Magac u noqatey looga baxo. Marka la yiraahdo shaqo la`aan Ayaa haysa Dal hebel waxa durbadiiba Qalbigaga ku soo dhaceysa Dowlad ma leh miyaa? Mise Madaxdooda ayaa ahayn kuwa u heelan shacabkooda? Iyo su`aalo badan.
Runtii Dawlad kaliya malaha eeda ayada mana dabooli karto Umada oo dhan baahidooda Balse waxa Xaqiiq ah in Biyo Sacbadaada oo looga oon baxaa. hadii Muruqaaga maali waysid Maskaxdaadana ku fikiri waysay side wax ku qabsataa oo aad leedahay Shaqo ma leh, waa iga su`aale yaa kuu maqan? Ma gacantaadi sharafteeda ahayd in aad ku xamaalatid miyaad Tuugsi u taagaysa? Allow noo maciin.
Soomaalida waxay dhaqan ka dhigatey inay `isku Dul noolaansho` Waxaa ugu badan oo keenay Faqrigana ay ka mid tahay. gurigiiba haduu qof kaliya shaqeynaya ayna ku nool yihiin Toban qof shaqeysan karta oo qofkasi kuwada tiirsa nyihiin goorme ayaa Gaajo laga baxaa?, waxa kaloo oo aan aad ula yaabey Nin Xaas leh Caruurna u joogaan oona Shaqeynaynin Marwadiisa Subixii kala haysa asagiina Darbi fadhis yahay oo aan diyaar u ahayn inuu muriqiisa maalo! Allaahu Akbar! Taasina waa Damiir xumo, way jiraan Ragga fican oo waajibkooda gudanaya. Dadka waxaa u xun ` Matoshte Matashiishte iyo Matashte`.
Soomaaliya waa Dal aan Dad lahayn! Magacani siduu ku yimid? Dal walba oo Dunida ka jira hadii la yiraahdo Hormar ayuu gaarey Shacabkisa ayaa Muruqooda & Caqligooda u maalay kana faaidaystay dhulkooda waxaa uu hodan ku yahay dalkooda .Ganacsatadoodana waxay ku dadaaleen inay hormarsiiyaan wax soo saarka Wadankooda kadibna dibada u iib geeyaan ayagoo waxyaabo kale Dalkooda iyo Dadkooda uga faaidaynaayo.
Diinta Islaamka maxay ka qabtaa Shaqada & Tuuksiga?
Diinteenna Suuban aad ayey uga hadashay oona dhiira galisay Shaqada. Nabigeena `NNKH` waxa uu yiri: “Gacanta sareysa waxay ka kheyr badan tahay gacanta hoosaysa’’. Waxaa inoo cadeynaya Xadiiskani in uu Tuugsiga khayr r lahayn. Rabbow nooga Maciin. Rasuulkeena `NNKH’ Xadiis kale waxa uu ku leeyahay asagoo dadka ku boorinaya Shaqada (Waxa ugu wanaagsan qofka cuna waxa Gacantiisa ku shaqeeystay). Taarikhda Nabiyadeena waxa ay ku sheegtay inay ahayeen kuwa xoogooda maala Ari ayey raaci jireen kuwana farsama yaqaano ahayeen Nebi Da’aud waxa ku shaqeysanayey Bir Tumista, Soomaalida waxay u yaqanan Ninka Bir tumaha iyo kan Kabaha tola Midgaan, Tumaal iyo magacyo faquuqid ah. Balse Shaqada ayaaba sharaf uga filan. Teeda kale waxa ay Dad badan aamin san yihiin in Dadka Muslimiinta Aduunka Safar ka yihiin oo Nolol Hormar leh aysanba isku howlin .
Imaamu Shaafici Alle yarxamu, wuxu yiri: “Qofkii ka baqa in uu Buuraha fuulo Cimrigiisa oo dhan wuxu ku noolaada Godadka’’ Imaamka waxa uu Dadka ku boorinayaa Nolasha in Lala jihaado, shaqo adag oo la qabtana kuma dilaysa ee Miraheeda ayaad guranaysaa. Murtida Soomaalida iyo Maahmaahyadaba waxay ayagana dheeri galinayan Shaqada sida: Hadal yar Hoowl badan, Niman shaqeysan Shaah waa ka xaaraan iyo Baryo baahi kaama gooyso!!.
Waxaa Marag madoonta ah hadii Shaqo loo wada kaco, sida Dalka Shiinaha oo qof weyn iyo qof yarba wada shaqeynaya Tumaasha anaga isku cayno mise ka faana ayagana u tahay Farsamdeey Dunida hormarkeeda ku gaareen, Xoogaga iyo Xeeladada ku tasho ogaada waxa yaranaya Gaajada, Waxbarasha la` aanta, Tuugsiga, Qoysaska burburka ku dhaca, Cudurada fara batey, Tuugnimada, Zinada iyo Tahriibka. Dalka wax badan ayu ka soo kabanaya balse dadkiisa in ay la imaadaan waaye qaab hormarsan oo Nolosha lagu Hogaamiyo laguna badbaadiyo Nafta.
Soomaalaay bal eega Dunida hormartay oo Dusheena Dayaxa ku kala Bartamaysa, casriga Soomalida gaartey miyuu noqday Shaxaad, Tuugsi iyo Hay`adaha hana soo gaareen macluusha hanaga bixiyeen hanaloo soo gurmado! Gaajo waa cadow ee Gacmahaga uga iil bax.
Waxa Qormadeyda ku gabagabeynayaa anigoo Fariin u diraayo dhamaan qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed in la dhiiri galiyo Shaqada ee laga faaidaysto Deegaankan Barwaaqaysan. Bulshada Caalamka kuwa weli dhaha Soomaalidan u kaalmeynaynaa waxan leeyahay ( inta aad siin lahayd Kaluun Maalin kasta waxa ka fiican inaad barto sida loo jilaabto) .
Soomaaliyey Cidkale waxad ka baridaa Baahi kaama gooysee, Balanteena waa SHAQO.
W/D: Rahma Isaaq Aadan.
Eamail: rxmpen@hotmail.com,
facebook rhmpen@hotmail.com
Woow this is amazing issue marka shaqo iyo tuugsi wey kala wacan yihiin wax laisku masalana maahan thanks Qoraha maqaalkaan