Home » Faallo »

Dhalashadii la eeday ee calmaaniyada

Aragtida lagu magacaabo (Theocracy) oo ah in nidaamka dawladeed ilaahnimo sheegto, ama ku andacoodo inuu ilaahay toos ula xidhiidho, waxay ahayd aragti kahana qaaday wadamada reer galbeedka, wakhtigii kiniisaduhu talada maroorsadeen. Kaniisaduhu intaa kumay ekaan ee waxay isku darsadeen faragalin ay kusameeyeen diintii ay haysteen oo waxna ay ku dareen waxna ka dareen, isla markaana waxay gaashaanka u daruureen cilmigii (sayniskii) iyo horumarkii aqoonta aadamaha.Taas oo horseeday herdan colaadeed oo lamagac baxay (conflict of church and state) oo ahaa dagaal af iyo adinba leh oo ka dhex aloosmay baadariyadii iyo hormoodkii cilmiga maadiga. dagaalkaasna waxa kadhashay waxa looyaqaano (secularism) oo ah diinta in laga irdhoobo dadkeedana laga qaloodo.

Sidaan carrabka kusoo dhufanay kiniisaduhu waxay ku tagri faleen waxyigii iyo diintii lagu aaminay, markii hadaba cilmigu madaxa lakacay waxa la kawsaday doodo iyo muran xoogan oo ka dhex qarxay labada kooxood, ee kala ah saynis-yahanda iyo baadariya. doodu may ahayn xaq raadis ee waxay ahayd libin raadis, qolo kastaana waxay ku mitidaysay inay guusha lahoyato, libintana la holato.
Saynis-yahanadii waxay ku dhiiradeen bandhiga waxsoo saarkooda aqooneed, tusaali ahaan 1543kii, ninka looyaqaano Nicolaus Copernicus (February 19, 1473- May 24, 1543) wuxuu ku dhawaaqay aragtidiisii ahayd (earth’s rotation) ama wareega dhulka, kiniiisadu waxay ku dadaashay inay dhicisayso aragtidaas sida ugu dhakhsa badan, hayeeshee talaabadii kiniisadu qaadi lahayd waxa kasoo horumaray geeridii copernicus.Waxase xasuusin mudan inaanay fikradii ahayd wareega dhulka halkaa ku dhiman ee uu sii ambaqaaday ninka lagu magacaabo Giordano Bruno ( 1548 – February 17, 1600), waxaanu ka mid noqday dadkii fikradaa u dhintay ee kiniisadu khaarijisay.

Mudo gaaban kadib waxa madaxa lakacay ninka lagu magacaabo Galileo Galilei (15 February 1564[3] – 8 January 1642) oo kasoo jeeda Italy, wuxuu soo biiriyay waxa loo yaqaano ( telescope -ka) isla markaana wuxuu daafacay Copernicus iyo figradiisii wareega dhulka, waxase lagu dirqiyay inuu ka laabto fikradan intaanu naftiisa ku waayin waanu kalaabtay.
Aqoontii iyo horu markii cilmigu halkaa kumuu hakan ee waxa isasoo taray oqoontii sayniska waxaana soo ifbaxay cilmi horleh iyo culimo dardar qaba diyaarna u ah inay u dhintaan aqoontooda oo ay naftooda u huraan. dhinaca kale waxa quus laga joogsaday aragtidii guracnayd ee baadariya.Taasina waxay gogol xaadh u noqotay dhimashadii kaalinta baadariyada iyo dhalashadii la eeday ee calmaaniyada.

Reer galbeedku may garanin inay kala saaraan diinta iyo dadka ku danaysanaya ee qori iyo qiiqiisa waa laysla tuuraa ayay talo ku ururtay . hadaba inkasta oo maryo dheegle lakala furtay, hadana dowladaha reer galbeeku sibuuxda ugamay xuubsiiban diintooda,dawladaha reer galbeedka ee maanta jirana waxa loo qaybinkaraa afar nooc sida ay tilmaameen qoraayo mulimiini, waana sidan:
1: Dawlado ka xiriir furmay diinta oo aan dab iyo deegaan toona la wadaagin, sida dawlada faransiiska oo ah ruktii calmaaniyada iyo hoygay ku barbaartay.

2: Dawlad lagu dhaqo masiixiyada sida faatikaanka oo ah dawlad diineed aduunku garawsanyahay oo lasiiyay aqoonsi buuxa sanadkii 1929kii.

3: Dawlad la jaanqaaday diinta oo la odhankaro waxa ka dhexeeya is afgarad (gentleman agreement) sida boqortooyada ingriiska. Madaladda kaniisadaha  ingiriiska waxa madax ka ah oo ay hoosyimaadaan boqoradda oo l00 yaqaan Elizabeth.

4: Nooca afraadna waa dawladu ku daadaalay in distoorku noqdo calmaani hayeeshee qofka madaxda ka noqonayaa qasabmaaha inuu ahaado calmaani. Tusaale ahaan distuurka maraykanku waa calmaani, sidaas oo ay tahay waxa madax ka noqday wadanka ninka lagu magacaabo Jimmy Carter mudadii u dhaxaysay 1977 – 1981. habada Carter wuxuu ahaa baadari, markaad fiiriso taariikh nolololeedkiisa waxa loo qeexay sidan (Jimmy Carter is the most evangelical president in U.S. history. He is an active Sunday school teacher and has written inspirational Christian books. Carter attended First Baptist Church in Washington D.C. while he was President.) waxa lagu qeexay ihuu ahaa madax waynihii ugu wadaadsanaa, waxuu qoray buugaag xaga rooxaaniyada, waxuu maxacalin ka ahaa iskuulada axada (waxa lagu bartaa baybalka) markuu madax waynaha ahaana wuxuu tagi jiray kaniisada loo yaqaa ( First Baptist Church). Sidoo kale markii uu tarkanka ku juray madaxwaynaha hada talada haya oo lagu magacaabo Barak Hussien, waxay bilaabeen Evangelical-ku (الإنجيليون) inay yidhaahdaan waa muslim, hayeeshee jawaabtay dad badi bixiyeen waxay ahayd ( so what) maxaa ku jaban haduu yahay muslim.

Gun iyo gunaanad, Calmaaniyadu, maaha fikrad uu muslimku gayo ee waa dabin loo qoolay muslimiinta sida hadaba uu kubaaqo Bernard Lewis oo ah ninka qoray buuga loo yaqaano Islam and the West. shirqoolkan loo maleegay wadamada muslimka waxa qayb ka noqday ardaydii muslimiinta ahayd, Soomaali iyo asaagoodba ee waxbarashada u aaday wadamada reer galbeedka, waxa lagu ababiyay in lakala saaro diinta iyo dawlada, fikradaasna waxay ku liqeen duuduub sidii midhihii darayga waana hubanti in ardaygu yeesho talaabada maclinkiisa, sida uu tilmaamay Abwaan Dhoodaan markii uu lahaa:

Marmaroor tusyaa iyo jidkii toosan mariyaaba
Siduu ula mucaalijiriyo maamulkuu barayay
Ardaygo meelo waa uga ekaan macalinkiisii

markay soo guryo noqdeen ardaydan waalid inkaarka ahaa, waxay galaafteen dadkii wax tarka kasugaayey, oo ay u horkeceen diin la’aan, waxayna qayb ka noqdeen ushii gumaysataha ee uu sheegay barkhadcas:

Isagoo Iglan joogabuu i diloo
ushuu soo fidshaa i iimaysoo
waataa aramidii i oofa tirtaye
itaal dari aan la eedaadee
aan ooyee albaabka ii xidha

Waxa hadaba jira hankoobnimo xaga fikirka ah iyo hagaas aqooneed oo sal iyo sees u ah aragtida odhaynsa muslimiinta halagu hago calmaaniyad sababo dhowr ah:

1: Waxa laysku qalday aragtida aan sootilmamay ee ahayd (theocracy) iyo nidaam dawladeedka Islamku qabo, waana laba habdhaqan oo u baahan in lakala sunto.

2: Diinta masiixiyadu maxambaarsana habdhaqan dawladeed, bible-ka maanta lahayaana waa ka markhaadi kacayaa arinkaa. Dhicana kale markaan eegno diinta islamka, waxaad ka dhexhelaysaa sida ay tilmaameen ruugcadaayadii Quraanka fasiray 600 aayadood oo ka hadlaya xukunka iyo ismaamulka, haday tahay qof, qoys, qabiil, iyo heer qaranba.

Waxa tusaale kuugu filan aayada qur’aanka ugu dheer oo ah aayada 282 oo ka tirsan suuratul baqarah waxay ka waramaysaa arin dhaqaale. In hadaba laysku dhereriyo islamka iyo masiixiyada, waxay meelkadhac ku tahay Islamka.

3- Christianity-ka (المسيحية) iyo cilmiga saynisku way kala qaloodeen waxaana ka dhex aloosmay ismaandhaaf. Tusaale ahaan, waxay kaniisadu ku andacootay in ilmuhu isaga oo abuuran islamarkaana dhamaystiran uu lasoo dhaco manida aabaha, waxay sidoo kale ka hadashay kiniisadu, abuurka kawnka iyo taariikhdii la abuuray, cimriga dunida iyo intay jirayso, cudurada iyo sida loo dabiibo, oo dhamaantood khuraafaad salka ku haya.

Arintaasi waxay qaadan waa ku noqotay saynis-yahanadii waqtigaa noolaa. Fikradahaa guracan laguma hayo diinta Islamka. Raga reer galbeed ee keenay fikrada calmaaniyada waxay cadaysteen kalsooni, waayo way kaxuub siibteen diin oo dhan ee may laba wajiilayn sida kuweena. Waxa hadaba su’aal mudan, sida loogu dhaqmaayo calmaaniyada? Masida reer galbeedka ayaa laga xuubsiibanayaa dhamaan diinta, haday tahay guur, ganacsi iyo dhamaan nolosha oo dhan? Kuwii soo ergistay fikradan ee ulasoo ruqaansaday xaga wadamada muslimiinta waxay kudhici waayeen inay u badheedhaan sidii macalimiintooda, waxay taa uga wareegeen in diinta lafindhicilo lana yidhaahdo ilaahayaw waanu ku dhaqmaynaa diintaada wixiise maamul iyo xukun kusaabsan anagaa u fara dhuudhuuban.

Ninkii dambaska dahab mooday ee soo xawilay fikradan iyo intii u sacabo tuntayba wuxuu aayohoodu noqday “nin dundumo hooy ka dhigtay inay ku dunto la arkaa” sidii uu tilmaamay Cabdi iidaan:
Nin dundumo xardhadayoow
Markuu roobku sooda’o
Yaanay adiga kugu dumin

somalitalk.com/tag/dr-khadar/

 
W/Q Dr. Khadar Omar Jama
shareeco30@yahoo.com

Dr. khadar

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dhalashadii la eeday ee calmaaniyada "

  1. ahmed says:

    masha allah waa qoraal dhaxalgal ah.