Halkii maalin oo kasta waxaa cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS uu ku dhacaa 7,000 qof oo ku nool dunida dacaladeeda, taas oo ka dhigeysa in halkii saac oo kasta uu qiyaastii cudurkaasi asiibo 300 qof. AKHRI
Sida ay sheegtay Hay’adda WHO iyo UNAIDS, 35.3 million ayaa qabay cududrka dilaaga ah ee AIDS/HIV sannadkii 2012, dadka sannadkaas u geeriyoodey cudurkaas waa 1.6 million oo qof.
“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…
Hayadda SCAC iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo si Wadajir ah u Xusey Maalinta AIDS-ka Adduunka 2014
Xaflad si Heer sare ah loo soo Agaasimey isla markaana lagu Xusayey Maalinta Aids-ka Adduunka kuna beegneyd 1-da December 2014 ayaa waxaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho waxaana ka qaybgaley Munaasbadaas Masuuliyiin ka Tirsan ee Dowladda Federaalka , Xildhibaano, Masuuliyiin ka socotey Hayadaha Caalamiga ah gaar haan ,kuwa la shaqeeye Guddiga South Central Aids Commission (SCAC),Culamaudiin,, Dhalinyaro , Haween , dadka la Nool Xanuunka HIV iyo Marti Sharaf kale .
Munaasabadaas oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeela Bulshada yaa Ugu Horeyn waxaa halkaa Warbixin ka soo Jeediyey Gudoomiyaha Guddigga South Central Aids Commission (SCAC) Axmed Maxamed Jimcaale oo si faahfaahsan ugu dheerdaadey Waxyaabihii u qabsoomey Sannadkii tagey iyo Caqabadihii ka Horyimid isagoo sheegey in Dadka la nool Xanuunka HIV ay u baahan yihiin Daryeel Dheeraad isagoo farta ku fiiqey Dowlada Federaalka oo uu sheegey in ay si aad ah uga gaabiyeen Wax u qabashada dadkaas oo isugu jira Haween, Caruur iyo Dad Da’ ah
Mudane Jimcaale Waxaa uu sheegey in Guddiga uu dejiyey Qorashaal la doonayo in wax loogu qabto dadka la nooL Xanuunkaasi waxaana Qorshaas uu yahay n la waayo Dad Cusub oo uu ku dhaco Xanuunka HIV-ga sidoo kale waxaa ka mid aha In la waayo Faquuqid iyo Takoor loo geysto dadka Xanuunka Xamabaarsan iyo In la waayo dad u Dhinta Xanuunka HIV , Sidoo kale waxaa uu sheegey in loo baahan yahay in lagu dhaqmo Oraahda Oroneysa ( DAWEE BUKAANKA INTA UU NOOL YAHAY, KA HORTAG U SAMEE BUKAANKA NTA U NOOL YAHAY ) waxaa uu Dowladda Federaalka u soo jeediyey in ay Gacan ka geysato sidii Daryeel u heli lahaayeen Dadka la nool Xanuunka HIV/AIDS
Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Maxamed Saciid Shire oo ka mid ah Dadka la nool Xanuunka HIV waxana sheegey in Dowlada Federaalka Soomaaliyeed aysan meel marin balan qaadyo ay hore u sameeyeen oo ah in la Caawiyo Dadka la nool Xanuunka , waxay si gaar baaq ugui jeedisey Ganacstada Shirkadaha , Hayadaha Samafalka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka in ay garab istaagaan Dadkaas
Sacdiya Cabdisamad oo ah Madaxa Agaasinka Caafimaadka Wasaarada Adeega Guuud ee Bulshada Qaybteeda Xanuunka HIV oo ka hadashey Munaasabadaas ayaa waxay balan qaadey in Cabashada ka soo yeertey dadka la nool Xanuunkaas wax laga qaban doono gaar ahaan sidii loo Daryeeli lahaa iyadoo u soo jeedisey qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay u gargaaraan dadka la nool Xanuunka HIV/AIDS
Prof Cismaan Maxamud Dufle oo ah Gudoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee arrimaha Bulshada oo halkaas ka Hadley ayaa waaa uu yiri “ Weli, Horumarku waa mid gaabis ah, waxaa loo baahana yahay in Bulshada ay ka qayb qaadato sidii Gaabiskaas loo dhameystiri lahaa si dadka la nool Xanuunka HIV/AIDS ay u helaan Darryeel Guud maadaama ay yihiin kuwa ugu nugul Bulshada sidoo kale waxaan balan qaadeynaa in hadii aan nahay Xildhibaanada Baarlamaanka in aan il gaar aha ku eegi doono dadka qaba Xanuunka HIV”
Waxaa kala Munaasbadaas ka Hadley Dr Tahliil Cabdi oo ku hadlayey Magaca hayadaha WHO iyo UNICEF waxaa uu sheegey in Sannadka mar uu gaaro 2020 loo baahan yahay in ay wax waliba ay Dhameystirmaan sida ka hortagid, Daaweyn, Isbaarid , Takoorid, Waxbarasho iyo Cilmi Baaris taasoo uu sheegey in ay ku imaan karo in Dhamaan la iskaasho gacan weyna la siiyo dadka la nool Xanuunka HIV/AIDS
Waxaa Gabagabadii Munaasbadaas ka Hadley Wasiirka Caaafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xareed ugu Horeyn u Mahadceliyey intii isku soo Dubaridey Munaasabadaan Gaar ahaan waxaa uu u mahadceliyey Guddiga South Central Aids Commission (SCAC) oo uu sheegey in ay qabteen Howl Muhiim ah sidoo kale waxaa uu sheegey in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay wax u qabashada dadka la nool Xanuunka HIV, iyadoo ka qayb galayaasha ay halkaa ku Daawadeen Ruwaayada ka hadleysa Xanuunka HIV waxaana soo bandhigey Kooxda Iftin
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.