Home » Warar »

Mid ka mid aha Beelaha Dega Gobolada Dhexe oo Dooratey Hogaan Cusub oo Siyaasada u Metela.

 

Dr Nuur Shiikh Maxamed “Waxaa Baaq Nabadeed u jeedinayaa Dhinacyada ku Dagaalamaya Gobolada Dhexe”

 

Munaasabad si heer sare ah  loo soo agaasmey ilsmarkaana ku saabsaneyd soo bandhigida  Gudoomiyaha Siyaasada Beesha  Cayr iyo Xubnhiisa ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho , waxaana Munaasabadaan ka soo qayb galey, Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahano, Xisbiyada Siyaasada , Culimaudiin, Ganacsato, Oodyaasha Dhaqanka, Haween, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale ,

Ug horeyntii waxaa halkaa ka Hadley Jen  Xaashi Cali Baraale oo ka mid ahaa Guddigii Hore ee Siyaasadda Beesha , waxaa uu sheegey in Guddigii hore ee beesha ay qabteen Howlo baaxad leh islamrkaana waxaa uu sheegey in Gudigaas ay mar waliba ku dadaali jireen Midnimada Beesha isago xusey in Guddiga Cusub ee uu Gudoomiyaha u yahay Nuur Shiikh Maxamed ay la shaqeyn doonaan islamarkaa ay Geed fadhi u noqon doonaan.

Waxaa kale oo halkaa ka hadey  Avv Xasan Dhimbil  Warsame oo ka mid ah Siayaasiyiinta Soomaaliyeed  horena u soo noqdey Wasiir iyo Xildhibaan waxaa uu sheegey in ay soo dhaweynayaan Guddiga Cusub  ee uu hogaamiyo Nuur Shiikh Maxamed  ayna Gacan siin doonaan, mar uu soo hadal qaadey arrimaha Federaalka waxaa uu sheegey  in Soomaaliya Xiligaan aysan ku habooneyn Nidaamkaas oo uu ku tilmaamey mid  aan la aqbali Karin , wuxuuna u soo jeediyey Beelaha kale in ay sameystaan Gudiyo Noocaan si Howsha Soomaaliya u fududaato

Xubnihii kale ee ka Hadley Munaasabadaas waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye ( Cirfo)  oo soo qaadey Maamulka loo sameynayao Gobolada Dhexe oo uu sheegey in Muddo Bilooyin ah uu soo jiitamayey,waxaana u dadka ka qayb galey Munaasbadaas ka codsadey in loo Guntado  sidii loo sameyn lahaa Maamulkaas  oo uu Tibaaxey in Dadka ku nool Goboladaas ay aad ugu baahan yihiin, waxaa uu dhinaca kale uu ka Hadley Dagaalada ka jira Gobolada Dhexe  isagoo Bulshada ku nool Gobolada Dhexe ugu baaqeyn in ay u guntadaan Joojinta Colaadaas.

somali176

Munaasabadaas ayaa waxaa ka Hadley dad fara badan waxaa ka mid ahaa Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Nabadoon Cabduqaadir Xuseen Geedi, Imaam Cumar Abshir, Muxyadiin  Xasan Afrax, Cabdulaahi Cabdulle Wehliye, Xaashi Maxamed Kulanne , Nuur Xaashi, Col Cabaas Caddow iyo Khaalid Cabdi waxay Dhamaatood soo dhaweeyeen Hogaanka Siyaasada ee Beesha Cayr oo la soo bandhigtey, waxayna Codsadeen in la joojiyo Dagaalada ka soo Cusboonaadey Gobolada Dhexe .

Gabagabadii waxaa Munaasabadaas ka Hadley Gudoomiyaha Cusub ee Siyaasadda  Beesha Cayr Dr Nuur Shiikh Maxamed  oo ugu horeyntiii u Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Munaasbadaas, waxaa uu sheegey in Gudigiisu ay ku shaqeyn doonaan Siyaasad Casri ah ayna Gacan uga Baahan yihiin dhamaan qaybaha kala duwan ee Beesha Cayr, isagoo Hoosta ka Xariiqey in uu Beesha ku Hogaamin doono in ay Beelaha kale Nabad kula noolaato, Wuxuuna Gunaanadkii Baaq u direy beelaha Walaalaha ee ku dagaalamaya Gobolada Mudug iyo  Galgaduud

Gudoomiyha Cusub Dr Nuur Shiikh Maxamed ayaa Xilkaan kala wareegey Gudoomiyihii hore  Dr Maxamuud Maxamed Culusow oo muddo dheer Hogaaminayey Siyaasada Beeshaas waxaana Magaca Giuddigi hore oo Xilka Wareejiyey u Hadley Gen Cali Xaashi Baraale

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Mid ka mid aha Beelaha Dega Gobolada Dhexe oo Dooratey Hogaan Cusub oo Siyaasada u Metela. "

  1. Runtii waa aqoonyahan aad u feker dheer aadna u fahmika siyaasadaha gudaha iyo waliba kuwa debeda marka waxaa haboon in lalawada shaqeeyaa waa far kaliya fool ma dhaqdo