Home » Faallo »

Madaxweyne Xassan ma noqon doonaa Mursi-gii Soomaaliya?

Markaad eegto cinwaanta qormadan waxaa laga yaabaa inaad istiraahdo:  maxaa Mursiga Masar iyo Madaxweyne Hassan iska galay? mase yihiin laba masuul oo la isku masaali karo?

Jawaabtoo kooban waa haa, maxaa yeelay labada masuul sifooyin ay wadaagaan oo badan ayaa jira sida inay labaduba labo dal oo Africaan/Muslim ah madax ka noqdeen, inay labaduba salka ku hayaan ama ka duulayaan ahdaafta Xarakada Ikhwaanul Muslimiin, inay labaduba ku yimaadeen doorasho, nasiib darose aysan labaduba lahayn khibrad ama xirfad siyaasadeed oo sidaa u sii buuran, taas oo soo dedejisay burburkii xukunkii Mursi, halka Dowlada Xassana ay qarka u saaran tahay burbur caynkaas oo kale ah.

Hadaba, waxaa qormadaan ku daraasadayn doonaa, waxa Mursi dowladiisii fashiliyay iyo sida talo uga hoos baxday. Halka, dhinaca kale aan eegi doono,  siyaasad-xumada Madaxweyne Xassan iyo Kooxdiisa, iyo sida aysan u dareensanayn ama u ihmaalinayaan awoodaha ka soo horjeeda, iyo masiirka ama nahaayada siyaasada qar-iskaxoornimo ee ay ku socdaan.

Madaxweyne Mursi:

Kacdoonkii shacabka Masaaridu isaga tuureen heeryadii maamulkii keligii-taliska ahaa ee uu hogaaminayay Xusni Mubaarak wuxuu horseeday in dalka Masar markii ugu horaysay taariikhdooda ay ka dhacdo doorashooyin xor ah taas oo uu muwaadin kasta codkiisa si xor ah ku dhiibtay.   Nasiib-daro,  shacabka Masaaridu umay diyaargaroobin mana filayn in isbedelka caynkaan oo kale ah uu dhici karo, may lahayn xisbiyo siyaasadeed oo abaabulan oo tayo leh, mana aysan helin wakhti ku filan oo lagu hirgelin karo dimoqraadiyay laguna samayn karo Axsaab Siyaasadeed.

Mohammad_Mursi

Waxaa habacsanaantaas siyaasadeed iyo dayacnaantaas abaabul daro ee jirtay ka faa’iidaysta sadex awoodood oo kala ahaa:

v  (National Democratic Party)  – Xisbigii Keligiis-taliska ahaa ee xukunka dalka xooga ku haystay

v  (Al-Nour Party)  – oo ay hogaanka u hayeen Salafiyiinta Masaaridu iyo

v  (Freedom and Justice Party) – oo ay Akhaawaanka Masaaridu lahaayeen.

Hadaba maadaama (Freedom and Justice Party) Akhwaanul Muslimiintuna aheeyeen kooxda ama awooda keliya ee siyaasadeed ee abaabulan uguna facaweyn dhamaan kooxaha siyaasadeed ee Masar ka jiray, ahaayeen kooxda keliya ee lehayd qaacido ay ka duulo, mabaadi ay hiigsanayaan , xubno aad u tiro badan, dhaqaale iyo xafiisyo, dhamaan gobolada dalkana ku lahaayeen faracyo, ayaa Xisbiga (Feedom and Justice) ee  Akhwaanul Muslimiinku noqday xisbiga ku guulaystay codka ugu badan ee Baarlamaanka , Mursi oo xisbigaan Xubin ka ahaana noqday loona doortay Madaxwenihii ugu horeeyay taariikhda Masar ee si xor ah iyo rabitaanka shacabka ku yimid.

Nasiib-daro,waxaa markiiba ka hoos kacay mucaarad badan oo wajiyo iyo ulajeedo badan ah haba ugu darnadeen qolooyinka (secular)ka ama cilmaaniyiintuye kuwaas oo isku dhaarsaday una bahoobay inay xukunkaan cusub tuuraan.  Sidoo kale Ciidamadii oo awoodii xukun iyo dhaqaale ee ay haysteen u baqay, reer Galbeedkii oo khatar cusub u arkay kacdoonkii Carabta oo isku bedelay awood qabsashadii Islaamiyiinta, iyo cigaalayaashii khaliifka oo dabayshii kacdoonka kulaylkeedii soo gaaray, baqdin iyo welwel awgeedna hurdadii gam’i waayay.

Hadaba, maadaama uusan Mursi lahayn khibrad siyaasadeed ee sidaa u sii qoto dheer muu fahmin khatarta ku soo food leh iyo awooda iyo baaxada cadowga isbiirsaday ee isaga ka soo horjeeday.

Mursi iyo Kooxdiisu waxay iska dhaadhacsheen ama aan oran karnaa waxaa u been sheegtay isku halayntoodii ahayd, Shacabka Masar ayaa idin doortay, sidaa awgeed  waxaan tihiin dowlad xaq ah oo ku timid rabitaanta shacabka, taas ayaana ka indho tirtay inay arkaan daruurta colaadeed ee dul taagan, fahmaan awooda xulafada ka soo horjeeda iyo sida xulafadaasi ay ugu go’nayd inay fashiliyaan maamulkaan isaga ah.

Mursi iyo Kooxdiisu way garan waayeen , garowsana waayeen inaysan u babac dhigi karin Awooda ciidanka Masar, Dacaayadaha iyo mudahraadyada Muucaradka , Lacagta Khaliijka iyo taageerada hoose iyo aamusnaanta reer Galbeedka.

Talaabooyin iyo talooyin badan oo loo soo jeediyay Mursi oo haduu samayn lahaa, waxaa dhici lahayd in burburkiisu uusan soo degdegin loona heleen marmarsiinyihii dowladiisa lagu majaro xaabiyo , sida labadii codsi ee ay mucaaradku wateen ee kala ahaa:

1- In dowlad isku dhafan oo loo dhanyahay uu sameeyo

2- in Dastuurka dalka dib u habayn lagu sameeyo

Nasiib daro, macangagnimadii , madax-adaygii iyo khibyar yaridiisii siyaasadeed ayayna ahayd tii soo dedejisay in xukunka lagu tuuro Madaxweyne Mursi, maantana uu xabsi ku jiro, halka xisbigiisii xanibaad lagu soo rogay, xubnihii iyo masuuliyiintii Akhwaankana mid la dilay iyo mid la xiray ka yeelay iyo mid cararay laga yeelay.

Waxyaalaha ugu yaabka badnaa oo muujinaya khibrad-yarida iyo madax adayga Madaxweyne Mursina waxaa ka mid ahayd, ninkii uu isagu gacantiisa ku keenay waa Jeneraal Sisi ayaa khadka taleefoonka kula soo hadlay kana codsaday inuu yeelo labada codsi ee Mucaaradka si kolkaa  xukunkiisu kusii badbaadiyo loona soo afjaro mudahraadyada isku socodkii iyo dhaqaalihii Qaahira naafeeyay.  Jjawaabtii Madaxweyne Mursi  waxay noqotay qosol iyo inuu dhayal saday awooda mucaaradka oo uu ku tilmaamay koox yar oo aan hadafkooda ku guulaysan doonin.

Sidaas ayaana Xukunkii Mursi ku dhacay, rajadii Xisbiga Ikhaawanul Muslimiin ay u soo dagaalamayeen 100 sano naf, maal aqoon iyo dulqaad badana ku burburtay , dabayshii kacdoonka ka dhanka ahayd Ikhaankuna gaartay dalal badan oo caalamka ka mid ah, haba ugu darnaadeen wadamada Khaliijka sida Sucuudiga, Kuwayt, Imaaraadka.

Hadaad dhinaca kale eegto waxaa jira Xisbiyo Islaamiyiin ah oo muujiyay bisayl siyaasadeed, kana badbaadan dhamaan dabinadii loo dhigay, kuwaas oo xirfad iyo xeelado la falgeli karta waaqica siyaasiga ah ee caalamka maanta ka jirana la soo baxay.  Hadaba waa kuma xisbigaasi, maxaase u saamaxay inuu ka samato baxo hadimooyinkii iyo haragdaamooyinkii lala rabay?

Xisbigaani wuxuu ku wax qaybsaday waaqica , wuxuu daraasadeeyay oo fahmay dareenka shacabka, wuxuu ogolaaday codsiyada mucaaradka wixii ka suurtagal ah sida in dowlad isku dhafa ah sameeyaan dib u habayna lagu sameeyo Dastuurka dalka, taas oo u saamaxday inay xukunkii ay doorashada ku qabteena wakhtigiisii dhamaystaan, markii doorashadii looga guulaystayna si nabad ku jirto u dhiibaan, welina maanta dhisan kaas oo ixtiraam dheer loo hayo, muujiyayna in Islaamka iyo Dimoqraadiyadu aysan lidi isku ahayn balse wada noolaan karaan.   Dalka aan ka hadlayaa waa Tuuniis , hooyadii kacdoonka Carbeed, Xisbiga aan sheegayaana waa  Alnaxda oo uu hogaanka u hayay Rashiid Qaanuuji oo ahaa hogaamiya xabsi u soo galay dibadjoogna u noqday waxa uu aaminsanaa, taas oo uu misayl iyo xigmad badan ka dhaxlay maantana uu noqday tusaale ku dayo mudan.

 

Madaxweyne Xassan:

imageMadaxweyne Xassan waa nin ka tirsan Damu-Jadiid oo ah farac ka wiiqmay Xarakada Islaax ee Soomaaliya, Xarakadaan oo ku abtirsata, hoostimaada kana amar qaadata Ikhwaanul Muslimiinka Masar iyo Mursidkooda .   Sidii Masar ka dhacday , maadaama Xassan uu ka tirsanaa kooxdan leh yare e ahdaafta siyaasadeed, rag isku xiran oo is dhaarsadayna ay taageero la garab taagnaayeen, hadafkooduna ahaa siday hogaanka dalka ay u qabsan lahaayeen waxaad moodaa inay gaareen hadafkoodii.

Masaxweyne Xassan iyo kooxdiisa waxaan oran karnaa waxaa u saamaxay inay xukunka dalka hantaan dhor arimood oo kala ah,

þ  sidii Masar iyadoo aysan jirin iyo saaxadda Siyaasada Soomaaliyeed ka maqan yihiin axsaab siyaasadeed oo tayo leh

þ  Iyaadoo shacabka Soomaliyeed isbedel u hamuumanaa khilaafkii Shariifyada iyo fadhiidnimadii dowladana la nacay

þ  Iyo tan ugu weyn oo ahayd dhaqaalihii kooxdani kazoo heshay Dowlada Qatar , kaas oo u saamaxay iibsashada cod ku filan

 

Madaxweyne Xassan in yar ka dib kolkuu xilka la wareegay wuxuu soo saaray wax uu ugu yeeray barnaamijka 6-da qodob oo ku tilmaamay hadafyada iyo wax qabadka dhabta ah ee ay dowladiisuu hiigsanayso.  Bal hadaba inta aynaan eegin khilaafka hareereeyay maamulka Madaxweyne Xassan aan yare jaleecno lixdaas qodob wixii ka qabsoomay iyo wixii kale.

1- Full Stability – Supremacy of the law and good governance, that incorporates rule of law and security;

Qodobkaan koowaad oo leh si loo helo xasilooni kaamil ah waa in Sharcigu noqdaa waxa ugu sareeya dalka, dowlad wanaag la helaa taas oo lagu dhafay sharci iyo kala danbayn iyo sugista amniga.

Nasiib daro , ficilka iyo siyaasadaha guracan ee Madaxweyna Xassan iyo kooxdiisu la soo ban baxeen ayaa ka hor ka imaanaysa dhamaan ahdaafta qodobkaan isaga ah, sida in Hay’adihii Garsoonka ay kooxdani isku dayday inay afduubto oo Wasaarada Cadaalada hooskeento, sida In hantidii qaranka ama loogu deeqay ama dibadaha ka oolayd la lunsaday, in xukunkii dalka koox dhowr qof ahi afduubatay oo aan xukunkii la baahin, in khayraadkii bad iyo bari loo saxiisay shariikado aan wax taariikh iyo track record muujinaya khibradooda ganacsi lahayn loo saxiixay iyadoon Dowlad goboleedyada dalka aan lagala tashan, lana horgayn baarlamaanka, in lakala saari waayay awoodaha shaqo ee madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha taasina ay dhalisay isku dhac siyaasadeed keentay, in dilka lala beegsanayo xubnaha baarlamaanka ee run sheega ah batay iyo saraakiisha kale soo bateen, in isku dayga dilka iyo weerarad ka dhanka ah Ra’iisal wasaaraha ee ka dhex dhacay madaxtooyadu bateen ilaa la gaaray in Ciidamada AMISOM ciidan kala dhex dhigaan Madaxtooyada iyo Aqalka iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, iyo iska daa in Al-Shabaab dalka laga xoreeyee oo la xasiliyee, hubkii ciidanka dowladu u gacan galo Al-Shabaab, Agab ciidana uga soo dego dekeda Muqdisho, rag ka tirsan Kooxda Madaxeynahana lagu eedeeyo inay xiriir hoose ka dhexeeyo Al-Shabaab.

 

  1. Economic Recovery – Livelihoods and economic infrastructure;

Iska daa ilo dhaqaale oo la abuuree, waxaa badatay dhunsashada hantidii loogu talo galay shaqo abuurka, kobcinta ilaha dhaqaalaha, iyo dib u dhiska kakaabayaasha dhaqaale ee dalka.

  1. Peace building -Social reconciliation through building bridges of trust;

Iska daa in dowladaani Nabadgalyo ay dhisto iyo dib u heshiisiin ay bulshada kala dhex dhigtee , waxaaba lagu eedeeyay in dad qaba dareeska ciidanka dowlada oo horay uga tirsanaan jiray Jamhadihii qabiilka ee tacadiyada iyo xadgudubyada xuquuqul insaanka ka gaystay Gobollada Koonfureen , ayagii oo shaadka soo bedeshay darees ciidan, dalacaad iyo darajooyin ciidana wata xasuuq badan iyo barakac iyo baaba’a hor leh u gaysteen qabaalida asalka deegaamada Shabeelada Hoose sida Biyomaalka iyo Shabeelada Dhexe sida Shiidlaha si deegamadooda xoog loogula wareego.  Waxaa kaloo lagu eedeeyay abaabul ciidan iyo taageerada mucaarad oo ka dhan ah ama looga hortagayay maamulkii curdinka ahaa ee ka curtay Jubooyinka.   Waxaa intaa sii dheer dagaal Beeleedka ka socda Gobolka Hiiraan iyo sida ay dowladu ay ugu fashilmatay joojintiisa.

Ugu danbaystiina dagaalada, xasuuqa iyo barakicinta ay wadaan xoogaga gooni isu taaga Hargaisa ayna ku hayaan shacabka midnimo doonka Soomaaliyeed ee Sool iyo Sanaag iyo sida aysan dowladu wax uga qaban ugana hadalin dagaaladaas iyo tacadiyadaas kala duwan ee kor ku xusan,  taasi oo nuqdad madow ku noqotay dowladaan iyada ah.  Sidaa awgeed, waxaan oran karnaa dowladaani way ku fashiltay nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha, iyo unkis kalsooni shacab.

  1. Service Delivery – Health, education and environment;

Wax adeeg bulsho oo caafimaad, tacliimeed iyo gargaar oo ay dowladaani ku talaabsatay oo la taaban karo ma jiro, balse waxaa nasiib daro ah baan oran karnaa in wasiiradii wax qaban lahaa ama lahaa aqoonta iyo istraatiijiyo ay hiigsanayeen sida Wasiiradii Waxbarashada Dr. Maryan Qaasim iyadoo howsheedii dhexda uga jirta daacadna u ah dalkeeda iyo dadkeeda lagu bedelay kuwo aan xirfad iyo xeelad midna u lahayn darajooyinka loo dhiibay saas ayaana barnaamijkii 1 million oo caruurta ah jahliga looga saari lahaa ku burburay.

  1. International Relations – Building collaborative relations and polishing the national image;

Xiriirka Caalamigu waa mid ku salaysan is faham, dan kala oofsasho, iyo in dhinac kastaa maslaxadiisa ka dhex arki karo xiriirkaas isaga ah.   Beesha Caalamku Billions lacag ah ayaa uga baxday Soomaaliya, nasiib daro, fuusto hoosta ka duleesha oo wax lagu shubo maahee aan waxba ka soo noqon  ayay arinta Soomaaliya ku noqotay beesha caalamka.

Waxaad muuqatay rajo weyn oo ay beesha caalamku ka qabeen Soomaliya iyo inaad moodid in uu jiray go’aan ah in la soo afjaro dhibaatada Soomaliya.   Taageerada caalamka maaha wax abid socon karta, ciidanka AMISOM dhaqaale badan ayaa beesha caalamka uga baxa, way iska xadadnaan doontaa inta ay ku sii sugnaan doonaan Soomaaliya, sidaa awgeed, waxaa dowladaan la filayay inay talaabooyin badan  wax ku ool ah ku talaabsato inta ay fursadaan iyada ah haysato sida;  hirgelin  dowlad wanaag,  unkis ciidan lagu wada midaysan lagana wada dhex muuqdo , sugis amni la taaban la isku halayn karo, bulsho heshiisiin taabo gal ah oo waari karta, hanti isku celin kalsoonidii dadka iyo isdhexgalka bulsho soo dedejisa iwm… in dowladaani diirada saarto.

Nasiib daro, markaad eegto mawaaqifta dowladaani iyo masuuliyiinteedu qaadanayaan, khilaafaadka aan dhamaadka lahayn , xiriir xumada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada, musuqmaasuqa iyo eedaymaha lacag dhunsasho, baarlamaanka laaluushka iyo mooshinka ku caan baxay,  agabkii iyo hurkii ciidanka oo Al-Shabaab u gacan gala iwm…  iska daa inay xiriirka beesha caalamka xoojiyaani ,  in Beeshii caalamku qaadato mawaaqif adag ee ka dhan ah dowladaan taas oo khatar ku yeelan karta dadaalkii beesha caalamku wadeen iyo taageeradii macnawiga iyo maadiga ahayd ee ay la garab taagnaayeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed.  Qaadacaadii wadamada ugu xooga iyo xoolaha badan caalamku qaadaceen shirkii Copenhagen, iyo shirkii laga filayay in dhaqaale lagu uruuriyo oo isku bedelay canaan ayaa kaaga tusaale ah meesha xiriirka dowladaan iyo Beesha Caalamku maanta taagan yahay.

  1. The Unity and Integrity of the country – Striving together for a better future;

Waxaa muuqata in siyaasadaha guracan ee dowladaani sababtay in dareenkii iyo kala shakigii dagaalada sokeeye ee 1991-kii dib u soo noolaado, in dalkii wax sii kala taga maahee wax midooba la waayay,  is xulafaysi beeleed ama daneed soo batay.   Dhinaca kale wada-hadalka dowladaani la waday Maamulka Somaliland oo noqday mid ay miiska ka maqan yihiin beelo badan oo arintu  ay khusayso sida; reer Awdal, Sool iyo Sanaag, iyo (Puntland oo darisnimo, xiriir dhaqan dhaqaale iyo deegaanba la wadaagta Somaliland) .

Waxaa intaa sii dheer in dadka dowladu ay u irkatay hogaaminta wada-hadaladaani ay yihiin afraad aan khibrad buuran u lahayn xalinta xilaafaadka, aqoona u lahayn taariikhda Waqooyi, deegaamada iyo sida loo kala degan yahay, baaxada dhibka  dhexyaal dadka walaalaha ah ee wada degan deegaamadaan, dagaaladii sokeeye ee ka dhacay waqooyi iyo saamaystoodii, iyo marxalada iyo dareenka colaadeed ee maanta taagan.

Khibrad yarida dowladaani waxay keentay inay ku degdegeen qadiyadan masiiriga ah taas oo saamaynta ay ku yeelan karto mustaqbalka jiritaanka dal Soomaaliyeed ay aad u weyn tahay.   Waxaana kaaga tusaale ah durba khaladaadka iyo dabinada ay ku dhacday dowladaani iyo sida aysan uga fiirsan cawaaqib xumada waxa ay qalinka ku duugayaan sida;  in ay eed aysan lahayn dusha uga tuureen dhamaan ummada Soomaliyeed, inay hawadii dalka wax ay ugu yeertay isla maamul geliyeen, inay qalinka ku duugtay in Somaliland deeq bixiyashaashu sidii dal gooni u taagan gaar ula macaamiloodo iwm..  Sidaa awgeed, wax ay midayso iska daaye waxaad moodaa in dowladaani rajadii midnimo ceel dheer ku sii tuurtay ,fariimo lagu wareerayna ay caalamka u dirtay , taas oo ay Somaliland u isticmaali karto dadaalkooda gooni isku taag.

Maamul iyo Madax aan awood u lahayn kaxamaynta iyo sugista Madaxtooyadii Villa Somalia iyo Golihii shacabku, kuna guulaysan waayay midnimada magaalada Muqdisho, waa ayaan daro in ay lugta la galaan, ku andacoodaan, una hanqal taagto midnimo Soomaaliyeed oo aysan xoog, xeelad iyo xirfad intaba u lahayn.

Isku doo duuboo dhamaan 6-da qodob ee ay dowladu balan qaaday inay fuliso way ku wada fashilantay, sidaa awgeed, barnaajimkii Madaxweyne Xassan balan qaaday fulintooda maadaama uu ku fashilmay waxaa halkaa ka cad in xukunkiisuna faashil inuu yahay.

Maxaa ka khaldan ama ka siya Madaxweyn Xassan;

Madaxweyne Xassan waxaad moodaa inuu istusay hadii aad kursigii heshay, taageeradii caalamka haysatid , ciidamo Africaan ah oo nafta kuu huraya amnigaaga sugi karana joogaan, waji farxad xambaarsana Kenya iyo Itoobiya kula dhaqantid , dhoolacaday (muuso) afka baarkiisa ahna shacabka tustid wax walba waa dhag waxna kaama xumaanayaan.

Nasiib daro wuxuusan Madaxweyne Xassan fahmin in tan iyo intuu xukunka qabtay caalamka Islaamka wax badan iska bedeleleen, sida in iyadoo la adeegsanayo, dhaqaalaha Khaliijka, awood ciidan, iyo siyaasad reer Galbeed lagu heshiiyay in laga hortago in xarakooyinka Islaamku aysan qabsan wadamada Muslimiinta, gaar ahaan weerarkaani wuxuu ku khaas ahaa Xarakada Ikhwaanul Muslimiin oo Masaxweyne Xassan iyo Xertiisu ayka tirsan yihiin.

Wuxuusan kaloo Madaxweyne Xassan fahmin khatarta ay maamulkiisa u leedahay lacagaha boorsooyinka looga soo qaado Doxa,  iyo sida ay talaabadaan iyo calaaqadaan u arki karaan wadamada dariska aan nahay iyo weliba reer Galbeedka oo dhaqaaqaalaha badan ku baxshay dalka Soomaaliya kuwaas oo maantana bixiya mushahaarka Ciidamada Soomaaliyeed iyo Amisom, Gunada Xubnaha Baalamaanka, iyo dhaqaalaha badan oo kale oo ku baxa laamaha kale ee dowlada.

Wuxuusan Madaxweyne Xassan garowsan inuu hogaanka u qabtay dal dadkiisii dagaalameen, kala guureen, maalaayiin ka mid ahina xeryaha qaxootiga ku sugan yihiin , dadkaas oo aan weli heshiin, balse baqdin iyo dareen feejignaan ku jirto ku wada socda, waxa keliya oo lagu heshiiyayna ay tahay oo qudha in dowlad 4.5 wax loogu yeeran lagu qaybsaday la yagleelo  bal si wax maamul u eg loo helo.

Madaxweyne Xassan xiriirka isaga iyo Kenya waa mid dagaal hoose iyo mid muuqdaba ku salaysan, Xiriirka Itoobiya waa mid dushana la iskaga qoslo hoostana la iska jilaafaynayo, Xiriirka isaga iyo Gobolada Dalku meel liidata ayuu marayaa, isaga iyo Garsoorka Xorta ah khilaaf ayaa dhexyaal , meesha isaga iyo Ra’iisal wasaarihiisuna dagaal soo ban baxay uu ka dhex socodo.

Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli muxuu salka ku hayaa goorma ayuuna soo bilowday?

Khilaafkaani wuxuu bilowday kolkii labada masuul isku qabteen xulista Gollaha Wasiirada, waana qab qab dhaafay iyo qaabka shaqo ee labada masuul oo ah mid kala duwan oo aanan (compatible) mid is qaadan kara ahayn.

Ra’iisal Wasaare Cabdiweli oo ah nin ilaa maalintuu Jaamacad ummada ka soo baxay horaadkii sideetamadkii ilaa maanta ama dowlad ama hay’ado caalami ah u shaqaynayay wuxuu is tusay kadib markuu akhristay doorkiisa shaqo inuu madaxwenaha la tashado laakiin go’aanka magacowga isagu leeyahay, meesha Madaxweyne Xassan is tusay ninkaad adaa keenay booska, hadaba sidii madaxweynayaashii hore samayn jireen waa inaad ragaaga boosaska ugu muhiimsan ku amartaa inuu u magacaabo.

Kala boodkii maalintaas bilowday waa midka khilaafkiisu maanta dalkii geliyay khatarta uu ku jiro.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli in mudo ahba wuxuu damacsanayaa inuu isku shaandhayn sameeyo, si wasiirada fadhiidka ah uu ugu bedelo kuwo dalka iyo dadka wax u qaban kara.  Madaxweyne Xassan ayuuna la wadaagay warkan isaga ah, madaxweyne Xassan wuxuu ka codsaday in uu la sugo inta shirka Copenhagen uu soo dhamaanayo.

Ra’iisal Wasaare Cabdiweli wuxuu ogaa war ah in Madaxweyne Xassan ula jeedkiisu yahay in Shirkaan uu guul ka soo gaaro, markuu soo noqdana shaqo erin ku samayn doono isaga.   Maxaa yeelay Madaxweyne Xassan wuxuu ogaa PM Abdiweli inuu horay rag taageerayaashiisa ahaa shaqo fariisin uu PM ku sameeyay sida Wasiir Cabdikariim iyo Taliyihii Nabadsugida Sanbalooshe iyo in isku shaandhaynaa cusubina ay sajaran doonto rag tiir iyo halbowle u ah maamulkiisa sidaa awgeed hadii cidi tagayso uu PM Cabdiweli shaqada ka eryo, taasina mid wax sir ah may ahayn balse waadix cidwalba ogayd ayay ahayd.

PM Cabdiweli waxaa nacasnimo ku noqotay inuu sugu inta midnida loo soo qaadanayo, sidaa awgeed ayuu  (Tyson) go’aansaday inaan feerka lagala hormarin.  Hadaba,  si xanuunka feerka iyo dagaalka uu Madaxweyne Xassan la damacsan yahay u noqdo mid kaga qaylisiiya Madaxweynaha wuxuu PM Cabdiweli feerkii la beersaday boga iyo beerka (Faarax Cabdulqaadir).   Meesha feerka lagala helay iyo xanuunkeedii oo uu adkaysan waayay ayaana sababtay in Madaxweyne Xassan isku dhex yaaco, aad u xanaaqay (dhirfay),  hadalo calaacal iyo cabosho ah, goodin , iyo dagaal dadkii la wada yaabayna uu qaado, (nin carooday laga badiye) sidaasna ay eedii ku raacdo Madaxweyne Xassan  ilayn Xanaaqu wuu ku indho tiraaye.

Dad badan ayaa waxay aaminsan yihiin in Dastuurku uusan shaqada labada masuul kala qeexin, taasina keentay khilaafkaan soo noqnoqda ee had iyo goor dhex mara Madaxwaynayaasha iyo Ra’iisal Wasaarayaasha.

Waxaan oran karnaa dastuurku si waadix ah ayuu shaqada labada masuul u kala qeexay , laakiin meesha dhibku ka jiro waxaa weeyeen , Madaxweynaha oo aan fahmin inuu yahay Masuulka Dalka, Meesha Ra’iisal Wasaaruhu yahay Masuulka Dowlada.   Sidaa awgeed, markasta oo shaqo dowlada iyo barnaamijyadeeda iyo hanaan socodka dowlada maamulkeeda uu madaxweynuhu gacanta la soo galo waxaa muuqanaysa inuu ka talaabsanayo awoodiisii, markasta oo Ra’iisal Wasaaruhu qaato go’aamo ay ahayd inuu talo geliyo Madaxweynaha ama Baarlamaanka  iyaduna waxay muujinaysaa in Ra’iisal wasaaruhu ka talaabsaday awoodiisii, tixgelina waayay laamaha kale ee dowlada.

Waxaa kale oo muuqata in hay’adii ay ahayd inay kala saarto khilaafka labada masuul iyadii laftigeedii ay qayb ka tahay mushlilada waa balamaankiiye, meesha Golihii Garsoorku isagii laftiisu gacmo ku gabasho ku jiro, xornimadiisiina ayba khatar ku jiro.

Hadaba, sidii Mursi ayaad moodaa in daruur madoobi maanta hareeraysay Xukunka Madaxweyne Xassan uu hogaaminayo sida:

  • Talooyinka loo soo jeediyay ee ah ogolaanshaha xal siyaasad uusan garowsan
  • in mawaaqifta adag ee beesha caalamka iyo ciribta ay yeelan karaan uusan fahmin
  • in dawladu tahay goob ay wadaagaan qabiilo weli kala shakisan, sidaa awgeed uusan fahmin  tuursidta Ra’iisal wasaaruhu inay ka wayn tahay qof shaqo laga eryay
  • inuusan fahmin dabaysha islaamiyiinta gaar ahaan ka dhanka ah Ikhwaanka ee socoto iyo saamaynteeda ay ku yeelan karto xukunkiisa
  • inuusan dareemin inuu waayay durba kolsoonidii deeq bixiyayasha, dib u hanashadooduna ay aad u adkaan doonto
  • iyo iska daa inuu fursad dib u doorasho 2016 helee, in shaki weyn ku jiro inuu dhamaysan doono labada sano ee u dhiman hadii uu ku sii adkaysto mowqifkiisa

Hadaba Maxaa Xal ah:

ü  Madaxweyne Xassan iyo Kooxdiisu waa inay dareemaan inaysan u babac dhigi karin dabaysha ka dhanka ah iyo culayska jahooyinka badan uga imanaya

ü  Inay ogaadaan in la ogyahay inay Akhwaan jaakado soo gashtay yihiin

ü  Inay muujiyaan dibicsanaan iyo tanaasul si xukunkoodu u badbaado, dalka iyo dadkana aysan wakhti iyo fursado qaali ah uga dhumin una horseedin burbur aan laga soo kaban karin

ü  Inay heshiis qoraal ah oo wada shaqayneed la galaan Ra’iisal wasaaraha si loo soo afjaro khilaafka jira loogana hortago mid danbe oo dhaca inta xukunkoodu dhamaanayo 2016

ü  In Ra’iisal wasaare Cabdiweli dibicsanaan muujiyo, doorka madaxweynaha qiro, amuuraha wixii khuseeyay ama aan khusayna kala tashado madaxweynaha isagoo eegaya masiirka ummada iyo maslaxo guud

ü  In madaxweynuhu ku ekaado xilkiisa masuul dal, masuuliyada dowlada iyo shu’uunteeda hanaan iyo howl fulineedna ku ixtiraamo Ra’iisal Wasaaraha

ü  In baarlamaanku ku ekaadaan doorkooda sharci dejin, kana waantoobaan khilaafaadka sumcadooda dilay

ü  In Gollaha Garsoorka Dalku shaqadooda si xor ah u gutaan, wixii khilaafaadkaan kaga aadan oo talo bixin iyo go’aan qaadashana aysan cidna uga haybaysan

ü  In Gudoomiyaha Baarlamaanku karto go’aan qaadasho la yimaado, dibicsanaanta iyo fadhiidnimadana ku bedelo in Baarlamaanku noqdo Golle dal-dhis iyo dowlad la xisaabtan ee uusan noqon gole Dal iyo Dowlad dumis ku caan baxa, cidii Musuqmaasuq, laaluush qaadasho iyo xeer hoosadka Baarlamaanka Jabisana uu talaabo cad ka qaado.

Raggii madaxdu ka xumaato waa, marin habaabaaye

Kuwii maqaddimada looga dhigay, waa manfaca-raace

Mar maxaad cuntaan keliya yuu yahay, maqsuudkoode

Nin mushaharo eexeynayaa waa, miskiin dhabahe

Muddiic waxa ka dhigay wa inuu, maarmi-waa yahaye

Muddaafacana seeg iyo inuu, maya yiraahdaaye             (Guubaabo Qaran, 1952– by: Cismaan Y. Keenadiid)

Farah Aw-Osman

awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweyne Xassan ma noqon doonaa Mursi-gii Soomaaliya? "

  1. ABDIHAKIM says:

    ASC. Walaalka qoray qormadan sida runta ah waxba kama tagin
    waana wax loo baahan yahay qoraalada noocan oo kale ah ee waxaan dhihi lahaa oo kali ah walaalayaal qoraalada sida kan ookale muhiimka u ah homepegeyada soomalida oo dhan haloo diro si umadu uga wada faa iidaysato anigoo og in soomaalidu aysan ka eegin sheyga wanaagiisa ee ay kaeegaan dhanka qabyaalada oo waxaaba laga yaabaa inay dhahaan ninka maqaalka qoray madaxwaynaha wuxuu uhaystaa waa qabiil kale waxaad karaacdaan hadalkii ahaa runta sheeg haba qaraarnaadee.Aad baan idiinku mahadinyaa somalitalk waxaa lagu bartay qoraalo umada anfaca.