Home » Warar »

Xildhibaanada Mooshinka kasoo horjeeda oo baaq soo saaray “Sawirro”

Kulan ay Axadii (Nov 16, 2014) isugu yimaadeen xubnaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda F. Soomaaliya ee kasoo horjeeda Mooshinkii dhawaan ay guddoonka u gudbiyeen qaar kamid ah Xuldhibaanada Baarlamanka ayaa soo saaray bayaan ka kooban afar qodob oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay guud ahaan Hay’addaha dowladda, dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Mooshinku.

Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibrahim ayaa Saxaafadda u akhriyay bayaanka wuxuuna tilmaamay baaqan in ay soo saareen kaddib markii ay isugu yimaadeen kulan ballaaran oo uga arrin sanayeen xaaladda uu dalku marayo iyo sida loo badbaadin karo qaranka.

1. In xaaladda dalka ee Siyaasddu tahay mid cakiran, taasina waxaa sabab u ah Mooshinka sharci darrada ah ee Xukuumadda laga keenay.

2. In Xukuumadda howshii ay haysay ee loo idmaday ay dar-dar galiso, lagana dhaafo faro-gelinta.

3. Baarlamaanka waxaa horyaala kalfadhigga 5aad shaqo culus oo ah in la meel mariyo hindise sharciyeedyo, lana dhiso guddigii madaxa banaanaa ee lagu xaqiijin lahaa hiigsiga 2016, taas oo lagu gaaro karo wada shaqayn iyo isfaham dhex mara Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

4. Ugu danbeyn, halku dhiggeenu waa bad-baadinta Qaranka, ilaalinta Dastuurka KMG ah iyo himillada ummada xaqiijintooda.

Sawirada kulanka ka daalaco halkan

Waxaa soo tebiyey
Ahmed Mohamed
axmednuur59 AT gmail.com

IMG_2684

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.