Home » Faallo »

Doorkii dhalinta Soomaaliyeed meeday’ yaanse sugaynaa!!?

Waxaa qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email- guuleed72@hotmail.com

abdinuurMaalin dhawayd waxaan dhagaystay Siyaasi Soomaaliyeed wuxuu waraysi sinayaa Idaacad wuxuu yiri dagaal ayaa nalku soo qaaday laakiin difaac ayaan ku jiray waxaana ka dilay kuwii na soo weeraray 75, ogow wa dhalin yaro kuwaase..

isla markiiba waxaan Website) ka akhriyey Siyaasi kale oo yiri Ninka sheeganaya inuu 75 naga dilay waa beentii laakiin Anagu Waxaan ayaga ka dilay 65 bal u fiirso labada siyaasi ha kala feker duwanadeene waxay ku faanayaan oo laynayaan waa Dhalintii Soomaaliyeed waa dhalinta da,doodu u dhaxayso ilaa 35 ilaa 18 .

Waxaan is waydiiyey bal dhalintaas maxaay ku dhimanayaan talowse labada nine ee mid-ba midka kale u faanaayo caruurtootii ma ku dhinteen dagalkaas umalayn mayo in hal wiil ama hal gabar uga dhimatay una malayn maayo inuu difaaco sharafta iyo mustaqbalka dhalinta Soomaaliyeed ee siyaasigaas dano u gaara ayuu ku gaaraya ma fekereyaal dhalinta maanta jogta.

Qarnigan 21naad dhalinta muslimka waxaa la soo gudboonatay xalad adag kadib Markii loo adeeg saday arrimo khaladan sida dagalo an kala go, lahayn markii loo adeeg saday siyaasaad khaladan oo ka turjumaysa danaha shaqsi gara ama koox gara waxayna noqdeen kuwo ku dhinta dagaalo aan sabab lahayn iyo kuwo ku jira xabsiyada aduunka loona yaqaan Argagixiso Burcad badeed iyo Maleeshiyo ama mooryaan maxay tahay sababtu?..

Sidookale waxay ku baa,ba,aan baddaha aduunka isku xira ayaga oo raadinaya nolol ka fiican midi ay ku jogeen dalkooda dhibkaas dhalinta Muslimiinta haysta ayaan ka mid nahay hadii aan dhalinta Soomaaliyeed waxaase noosii dheer haddii aan nahay dhalinta Soomaaliyeed Qabyaalad Qabiil iyo Caqiido habawsan ama lunsan oo gaartay in Wiilka dhalinyarada loo Adeegsado inuu dilo Culumadda diinta Aqoonyahanka Ganacsadaha iyo dhammaan hal doorka bulshada soo asaga kahar mahan? dhalinyarow aan dib u fekero.

Yaa horsed ka aha Xornimadii Soomaaliya?
Xornimadii Soomaaliya waxaa hormuud ka ahaa dhalin yaro wiilal iyo Hablo —
isku jiray Waxay arkeen inaysan ku jiri karayn xalka uu ku sugan yahay wadankooda dadkooda iyo diintooda,baa ayaga oo, anan Aqoon buuran lahayn ayay ka guul gaareen ujeedkii ay lahayeen inkastoo an lagu warin oo ,uu ka dambeyay burbur iyo qalalaaso baahsan, Ilahayse an karajaynano inuu xasilonidii noogu soo celiyo gayiga an dagno dhammantiis dhalintaas waxay lahaayen hadaf buuxa kuna qotoma inay xornimo garsiiyaan ummadoda manta dhalinta Soomaaliyeed waa inay iswaydiiyaan cida ay sugayaan Yey qaranimo ka sugayaan miyeysan dalka lahayn?..

Awooda dhalinta
Dhalintu malahan awood dhaqaale oo ay wax ku badalan dhalintu malahan amar xoogan oo laga maqlo laakiin taas badalkeed Dhalintu waxay kenaan talooyin muhiima waxayna si geesnimo ku jirto u wajahan sidii ay wadankooda ugu samayn lahayeen Hormar waa u dhintan waxay u galaan xabsi hayeeshee waxay mustqabalka garaan guusha kama dambaysta laakiin dhalintii Soomaaliyeed intoota badan waxay fekerkoodii isku geeyeen inay ku faanan Qabiil iyo kala qoqobka Qarankii Soomaaliyeed soo nasiib daro mahan ku habsatay dhalinta manta jogta?..
Abaabulka dhalinta iyo guusha ay garaan
Dhalintu waxay qaymayn ku sameyan halka sartu ka quruntay iyo qaabka looga bixi karo dhibka ama dib dhaca haysta bulshadooda Waxay soo jaan goyan bahida iyo dib dhaca daashaday bulshada waxay sameyaan ababul qodo dheer oo leh ahmiyad ama Muhiimiyad buuxda oo ku salaysan mid an laga caajisin laga daalin ilaa laga gun garo waana midda dhalinta Soomaaliyeed manta laga sugayo haddii kale waxaan ka amar qaadan doonta Wiil inaga yar oo inta dalkiisii hormariyey adiga ku talin doona oo aan Soomaali ahayn aan fekerno dhalinyaro xagee ku soconaa?..

Dhalinta caynkaasa waxaa la soo gudbonata dhibatooyin badan oo isgu jira xarig dil Xoriyad ka qaadis iwm waxayse ku guulaystan aakhir) ama ugu dambayntii Ahmiyadii ay isku yimadeen iyo ujeedkii ay ka lahayeen ababulkii ay sameyeen dhalinta Caynkaasa waxay garan guusha ay sugayeen mudo ama há dheerato ama há gabnatee waxaa shaki la ‘ana inay ugu dambentii Guulaystan laakiin manta dhalintii Soomaaliyeed maba oga inay yihiin Mustaqbalkii Geeska Africa maba oga inay yihiin kuwii Dalkoda Dadkooda iyo diintoota Kobcin lahaa Allow dhalinta noo hagaaji qaadir baa tahaye waxaan ku mashquulsanahay wixii Asaageen inaga reebay oo ah Qabiil & Qabyaalad war hooy dhalinta Soomaaliyeedeey ma tashana intaan la inoo talin?..

Dhalinta guusha gaarta
Dhalinta guusha gaarta waa dhalinyaro ilaahay tallo sarta2, waa dhalin yaro is maqasha xushmaysana ‘ahmiyadda ay isku yimadeen ,3, waa dhalin yaro isku tanaasusha haddii la is qabto. waa dhalin yaro ay ka go ,an tahay ujeedka ay isku yimadeen 4.waa kuwo xushmeya madaxda ay doortan, waa kuwo ka soo baxa masuuliyada loo dhiibo maantana dhalinta Soomaaliyeed Qabiil Qaad iyo Qaxooti ayuu marti u yahay xatta umalayn mayo inay inagu jirto inaan ka fekero aayaha Dalkeena.burburay sidii aan burburka uga saari lahayn…
Dhalinta mafekera yaasha
Dhalintaa aan kor uga soo sheekeeyey waa kuwa guusha gaara laakiin kuwaas Badalkooda waa kuwa an guulaysan (Akhiro) iyo aduunbaa kuwa noocaasa Soomaaliya waa ku baddan yihiin waxana kalifay Dawladd la ‘antii Soomaaliya soo Wajahday waxayna u bareereen qalalaso boob Burcad badeed iyo inay Ciidan u noqdaan Siyaasi dantiisa ku gaara.waxaa loo adeeg sadda Dhammaan wixiii xun oo dhan sida inay qabiil ku fekeran inay qaataan Caaqiido xun iyo inay dalkooda ka cararaan ayna noqdaan dibad jog iyo waxaan mustaqbal lahayn kuwaas malahan mustaqbal Akhiro iyo aduun midna yey nan noqon kuwaas ee aan is dabo qabano dhalinta Soomaaliyeedeey..

Gabogabo iyo dardaaran ku socota dhammaan dhalinta Soomaaliyeed
Wiilka Soomaaliyeed ama Gabadha Soomaaliyeed waxay aduunka ka tahay Qaxooti aan lahayn Dal yaa halkaas nadhigay? Su ‘aasha hadii aan iska jawaabo waxaa halkas na dhigay Siyaasi Soomaaliyeed oo dantiisa nagu gaara iyo garaad la ‘aanta dhalinta Soomaaliyeed oo intooda badaan ku faana qabiil iyo tuulada uu ka soo jeedo asaga oo an ogayn qaymaha ay leedahay qaranimo waxaa halkaas ina dhigay kal sooni xumada inaga haysata inaan wax qabsan karan waayo qofku hadii uu amino inuusan wax qabsan karayn waligiis guul gaarimayo Walaaleyaal dhalinta Soomaaliyeedeey cidna inuuma maqna ceela inooma qodna) Nin hanyari ma hana qaado) yeynan ku mashquulin Qabiil ama kala qoqobka Qarankeenii Soomaaliyeed..

Waxaan ku soo af meeraya qoramadan ku sabsan doorka dhallintu ay kagaga jiran bulshada inaan isku xirnano inan ka soo baxno kaalinta qof walba kagaga aadan wax Qabadka Ummaddena Soomaaliyeed iyo dalkeena burburay waa inaan la xisaabtana siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maalin kasta dabka inagu shidaaya waa inaan yeelano feker midaysan kana turjumaya aayaha ummadeena iyo jiilalka inaga dabeeya

Dhalin yarrow xumaan ma diidnaa
Dhulkeenii lumay ma doonaa
Duliga ma diidnaa
Dhulkii hooyo
Daryeel ma u raadinaa

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Doorkii dhalinta Soomaaliyeed meeday’ yaanse sugaynaa!!? "

  1. jazaakallahu khayr waa maqaal aad u qiimo badan ,dhalinyarooy dantiina garta oo danayste yuu intuu hore idiin rogey dib idiin dhibaatayn