Home » Warar »

Xaalada Siyaasada Soomaaliya oo Meel Xun Mareysa ka dib markii mar Labaad oo Fashil ku dhamaadey Kulankii Baarlamaanka.

Kunakii Baarlamaanka oo markale Buuq ku dhammaaday….

iyo Shabakada ABC NEWS oo qortay in maraykanku jarayo gebi ahaan mucaawinada uu siiyo Soomaaliya haddii aan…

Iyadoo Maanta loo madalsanaa Kulankii Baarlamaanka si looga doodo Mooshin ay soo Gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kaasoo ku aadan Raiisul Wasaarahada Soomaaliya, hase yeeshee markii Gudoonka Baarlamaanka uu damcay in uu qaybiyo Mooshinkii ayaa waxaa bilowdey Buuq iyo Sawaxan iyadoo Xildhibaanada Taageersan Raisul wasaarha ay qaadayeen Heeestii Soomaaliyey Toosa iyagoo ka dhagafureystey ama maqlaan Gudoonka Baarlamaanka,
image
Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaar oo dhowr jeer isku dayey in uu joojiyo Fowdada iyo Buuqa ayaa ku Guuldareystey , waxaana dhacdey in Gudoomiyaha Baarlaaanka isagoo kalfadhiga Xirin uu Albaabka ka baxo taasoo la shaagey in ay aad ugu farxeen Xubnhii Baarlamaanka ee Taageersanaa Raiiusul Wasaaraha Cabdiweli Shiikh Axmed

Xildhibaanada Taageersan Raiisul Wasaaraha ayaa waxaa la arkayey iyagoo wata Boorar ay ku qoran yhiin “ Qof ama Qaran” “ Badbaadi Qaranka “ iyo hal ku dhigyo kale oo ay ku diidanaayeen Moosinka laga soo Gudbiyey Raiisul Wasaaraha, dhank kale Xildhiaanada taageersan Madaxweynaha ayaa iyagu wax qaylo ah Samenin waxayna kalfadhiga ku dhameysteen Degnaan iyo Aamusnaan.
image
Waa markii Labaad oo Fowdo iyo Buuq uu ku dhamaado kalfadhigii Baarlamaanka iyadoo dadka u kuurgala Siyaasada Soomaaliya ay sheegeen in wixii maanta ka dambeeya uusan jiirin wax la yiraahdo Baarlamaanka Soomaaliyeed waxayna ay dalbadeen in la soo xulo Xildhibaano kale ka dib marii ay Gudan waayeen Xildhibaanada waajibaadki saarnaa, iyadoo dhacdadaan ay dadka qaar ku tilmaameen kuwa hoseedi kara in Gabi ahaanba ay Dowlada Burburto.
image
“ Marki horeba waxaa lagu soo xuley nin jecleysi iyo Lacago ma hayn Xildhibaanada kuwa ay soo doorteen Shacabka Soomaalieed “ ayuu yiri aqoonyahan Saciid Cali oo u soo jeediey Beesha Caalamka in ay Talaabo ka qaadaan kuwa doonaya in ay Burburiyaan Qaranka Soomaaliyeed oo uu sheegey in dhisidiisa laga soo mar dhibaatooyin fara badan

Xaalada Siyaasada ee Xiligaan ee Soomaaliya ayaa lagu tilmaamey midii ugu Xumeyd 23 Sanno ee la soo dhaafey waxaana gabi ahaanba istaagey Dhaqdhaqaaqyadii Siyaasadeed ee Dalka iyadoo Dowlada Mareykankaa ay ku dhawaaqdey in ay joojineyso dhamaan taageeradii Dhaqaale ee ay siin jireen Dowlada Federalka iyo Amisom haddii aan deg deg Xal looga gaarin muranka Siyaasadeed ee ka dhex jira Madaxda Sare ee Dowladda sida uu qoray websiteka telefishanka ABC ee Maraykanka oo soo xiganaysay hay’adda Wararka ee AP (Officials Say US Threatens Aid Cuts to Somalia)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Daawo Buuqa Baarlamaanka

https://www.youtube.com/watch?v=OB2evUIq_zI

Xukuumada waxaan u rideynaa waxay qaban weydey shir-jaraa’id: Xildhibaan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xaalada Siyaasada Soomaaliya oo Meel Xun Mareysa ka dib markii mar Labaad oo Fashil ku dhamaadey Kulankii Baarlamaanka. "

  1. ali says:

    Nabadeey somaliya! sidaas waxaa raba dadka soomaaliya, waa qaran madaxbanaan sidaa waxaa yiri madaxweyne Xasan.