Home » Faallo, Warar »

Baarlamaanka Kenya oo Dowladiisa ka dalbadey in Xiriirka u jarto Dowlada Soomaaliya Sababo la xiriira Muranka Badda.

Kulan ay isugu yimaadeen Baarlaamanka dalka Kenya 11-11-2014 islamarkaana uu shir Guddoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Wadanka Kenya ayaa waxaa looga dooday in dowlada Kenya ay xirirka kala dhexeya wadanka Soomaaliya ay jarto ,sababo la xiriira muranka Badda iyadoo lagu wado in dhawaan labada dowladood ay tagaan Maxkamada Hague ee Caalamiga si loo kala saaro.

Xubnaha Baarlamaanka dalkaasi Qaar ka mid ah ,iyo Wasaarada arimmaha dibada Kenya ayaa waxaa yiraahdeen Kenya laguma qasbi karo in ay xiriir la sii yeelato Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay go’aan cadowtinimo ah in Kenya iyo Soomaaliya ay isla tagaan Maxkamada Hague gaar ahaan muranka Badda darteed

Xubnaha Baarlamaanka Wadanka Kenya ayaa ku taliyay in la dedejiyo go’aan ay Dowladda Kenya ay gaartay Bishii aynu soo dhaafnay ee ahaa in guud ahaan Albaabada loo laabo xeryaha Qaxootiga ee ku yaala Wadanka Kenya isla markaana Soomalida Qoxootiga ku ah Dalka Kenya dalkooda lagu celiyo.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa si carro leh u sheegay islamarkaana soo jeediyey in sida ugu dhaqsiyaha badan Soomaaliya looga soo daadgureeyo ciidanka difaaca Kenya oo Soomaliya ku soo duuley Sannadkii 2011 Bishii Oktoobar kuwaa oo soo galey Gobolo ka tirsan Dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Maxkamadda Hague ayaa hore u shaaciyay in 13 July 2015 ay tahay waqtiga kama dambeysta ah ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya laga doonayo inay soo gudbiyaan doodahooda ku saabsan lahaanshaha dhul Badeedka la isku haysto , hase yeeshee Xarunta Qaramada Midoobey waxaa yaal Qoraal Cadeynaya in Badd Soomaaliya ay tahay cabirkeed 200nm.

Madaxweynaha Maxkamada Caalamiga wuxuu sheegay in labada dowladood laga doonayo in ay buuxiyaan dhammaan Dukumetntiyada muhiimka u ah dacwadda inta u dhaxeysa 13-ka July 2015 ilaa 27-ka May 2016, iyadoo waqtigaas wixii ka dambeeya la billaabi doono dhageysiga dacwadda ee Muranka Bada Soomaaliya

Gabagabadii Warka ka soo yeerey Baarlamaanka Kenya ayaa dad badan ku tilaameen mid ay ku dooneyso in Caalamka ku Cadaadiso in loo ogolaado Badda Soomaaliya oo si sharci ah uga diwaan gashan Qaramada midoobey sidoo kale dad qaar ayaa ka cabsi qaba in Dacwada haatan taal Maxkamada Addunka in loo Xukmiyo dalka Kenya maadaama Soomaaliya aysan ka jirin Dowlad Xoog badan oo haysta Dhaqaale ay isku difaacdo.

image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Baarlamaanka Kenya oo Dowladiisa ka dalbadey in Xiriirka u jarto Dowlada Soomaaliya Sababo la xiriira Muranka Badda. "

  1. mohamed says:

    Waa run dan baa inoogu jirta kenya oo la baxda ciidankeeda uraaya ee dhibaatada ku haya shacabka jubbooyinka iyo gedo

  2. Mursal says:

    Dan aya inoogu jirta in Kenya ay xidhiidhka inoo gooyaan. Waanu soo toosi lahayn.