Home » Warar »

Maxaad kala socotaa xaalada Badda Soomaaliya Oo xiligan ay ku wajahan yihin khatara Muuqda iyo kuwa Qarsoonba. Q-2aad

Waraysigan ayaa ka hadlaya dhowr arimood oo muhiim ah, Madaxwayne Xasan Sheekh oo soo cusboonaysiiyey murankii badda una sheegaya wadammada dirksa la ah Soomaaliya dhanka xeebta, inuu wada xaajood kala galayo arigtidooda ku aadan, xadaynta badda. Sidaad lasocotaan waa arintii MOU Is-fahamkii horay loo diiday, hadaladii ku xusnaa.

Warqad uu madaxweynaha DFS u diray UN-ka June 30, 2014 waxaa ku cad sidan: “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka xeebta aragtidooda xadeeynta EEZ-ka badda”.

Iyo isagoo caalamka ogaysiinaya in Soomaaliya ka tanaasushay sharcigii baddaha iyo dakaddaha ee Soomaaliyea, Sharciga 37-aad ee soo baxay 1972 aduunkuna Soomaaliya u yaqaano kulana dhaqmo sharcigaas. Sharciga baddaha ee 37 wuxuu Soomaaliya siinayaa lahaansho dhulbaddeed gaaraya 200 oo mile (200nm Territorial Sea-TS)

Madaxwaynuhu hada xogta uu gud biyey wuxuu lahaanshahaas kusoo koobayaa 12 mayl-baddeed. (12-nm Territorial Sea-TS) Taasoo hadii ay hirgasho tirtiraysa law no.37. Su’aasha is waydiinta leh waxay tahay, maxaa ka sababaya in xuquuq intaas leeg si sahlan looga tanaasulo? Qaybaha soo socda ayaan wax badan ku cadayn doonaa iyo cida ka faa’iidaysa dhinaca wax us socdaan.

Qoraalkaan loo diray QM wuxuu badda Soomaaliya qaybta TERRITORIAL WATER ku soo koobayaa 12 mayl-badeed, sidaasna meesha laga saarayaa Law no. 37 oo dhigaya in badda Soomaaliya Territorial Sea/Water uu yahay 200 mayl-badeed. (Halkan ka eeg faraqa u dhaxeeya 200nm oo EEZ iyo 200nm oo Territorial Water)

Waraysiga labaad oo faah faahsan hoos ka dhagayso, lana soco Qaybta 3-aad
Halkaan ka dhagayso waraysiga Radiodanan la yeelatay Xasan Dhooye

Hassan Dhhoye

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.