Home » Warar »

Ridwaan Xirsi” Dooda Kenya ee Badda Soomaaliya waa Dhul Balaarsi marnaba ka yeeli meyno”

Wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa si kulul uga hadlay muranka u dhaxeeya labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya gaarahaana dhinaca Biyaha.

Ridwaan Xirsi Maxamed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Soomaaliya dhica Xadka Biyaheeda uu yahay mid iska cad cid hadda muran galin kartana aysan jirin isagoona sheegay in Caalamku aqoonsan yahay Xuduud biyoodka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dooda dalka Kenya ku tilmaamay mid dhul ballaarsi ah sidaa darteedna aysan Soomaaliya marnaba gorgortan ka galayn Taako ka mid ah Dhulkeeda isagoona ku nuux nuuxsaday in jiritaanka Dhulka Qaranka Soomaaliya uu yahay mid lama taabtaan ah. Ciddii arrintaas damac ka soo galena ay iyadu ku hungoobayso.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku cel celiyay in Kenya ay joojiso arrimaha Muranka dhaliyay ee Biyaha Soomaaliya isagoona xasuusiyay in Xadka Biyaha Kenya iyo Soomaaliya ay kala calaamadsan yihiin. Sabab hadda muran galin kartana aysan jirin.

Wasiir Ridwaan ayaa ku celccliyay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda Soomaaliya inaysan marnaba yeeleyn in taako ka mid ah dhulkeeda la qaato isagoona ugu yeeray shacabka Soomaaliyeed in taas ay kaga kalsoonaadaan Dawladdooda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
unnamed (1)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ridwaan Xirsi” Dooda Kenya ee Badda Soomaaliya waa Dhul Balaarsi marnaba ka yeeli meyno” "

  1. hoogsade says:

    Haddii sidaasi u ogtihiin ama hubantihiin dacwada aad gudbiseen maxay tahay jawaabta aad ka hesheen dacwadiina oo loo fikiraayo jawaab bixinteeda lana shaka geliyay ,huri meyso in labada waddan in gacan hadal ku dambayn doono