Home » Faallo »

Aabbe Jaamacad i gee !!

AminHal mar ayaan Hurada ka soo boodey, markaasaan qalbiga ka iri “Tolow wuxu ma riyaa mise waa Dhab” Markiiba inta aan Indhaha mar marey ayaa Cod hoose ku iri “ Maandhaay maxaa tiri” aniga oo goconaya warkii Hurdada I soo toosiyey ee ahaa Aabbe Jaamacad I gee ” Aniga oo la yaaban Hadalkaas gabadha ka soo yeerey ee ah in uu yahay run iyo in kale, ayaa waxa aan mar kale ku celiyey “ Maandhaay maxaa tiri? markaas bay tiri iyadoo wadata Buug iyo Qalin si aad ahna u labisan Faraxadina ka muuqato ” Aabbe Jaamacad I gee “

Gabadha hadalkaas ka soo yeerey waa Afar jir markaas baan ku iri “Aabbe in aan Jaamacad ku geeyo ma xuma ee waxaa ka horeey in marka hore Dugsi Qur’aan lagu geeyo , ka dib Iskuul ka dibna Jaamacad, intay soo boodey bay tiri “ Aabbe waxaa oo dhan ma rabo ee Jaamacad ma i geyneysaa “ waxaan ku iri “ Aabbe aad baa u fiican tahay haddii adiga oo afar jir ah uu qalbigaada ku weyn yahay in Jaamaacd lagu geeyo waxaadna tahay qof Hami weyn leh marka Aabbe waxaas oo dhan waxaa ka horeeya Waxbarashadii Qur’aanka iyo tii Iskuulka.

Intaan yara Muusoodeey ayaa waxaan weydiiyey Su’aal ahayd “Aabbe Xagee ka soo maqshey Warkaan aad I leedahay ee ah Aabbe Jaamacad I gee “ inta ay I soo Dhugatey ayey tiri “ Aabe Gabdhaha Deriskeenna ah ayaa Jaamacad dhigta “ waxaa u sii raaciyey “ Aabbe waa kuwee kuwa Jaamadada Dhigta ee aad sheegeysid “ Aabe waa Canab iyo Caasho ee Deriskeenna ah “ markaas baan ku yiri “ kuwaas aad sheegeysid waa kuwa kaa waaweyn oo hore u soo marey Dugsi Qur’aan iyo Iskuul Caadi ah “ iyadoo iga diidan warkaas baan sasabey oo aan ku iri “ Aabbe waad gaari doontaa “

Waagaan yaraa waxaan Aabahey ku oran jirney markaan Dhiganeyney Dugsiga Qir’aanka “ Aabbe Goormaa Iskuul la geyneyaa Xiligaas Waxabarashada waxay ahayd mid isku xiran oo ardey waliba Tiigsanyey Qofka ka horeeya sidaa Marka lagu geeyo Dugsiga hoose , waxaa kuugu xigi jirey Dugsiga Dhexe ka dib Dugsi Sare markaas buu jiri jirey Hami Jaamacadeed hase yeeshee hamigaas isku Xig xigey waxaad moodaa inuu maanta meesha ka sii baxayo oo Waxbrashadii oo dhan ay noqotey Jaamacad iyo wax la mid ah .

Maalin dhaweyd ayaan Gaari Bas ah soo raacay oo weliba Subaxa hore ah waxaan ogaa marka baska la raaco in lagu arki jirey Ardey isugu iirta Dugsi hoose , Dhexe iyo Sare oo wata dhar kala nooc hadda waxaas ma jiraan oo markii aan Baska Gadaal iyo horeba Jeleecay waxaan arkey ardey Wadata Buugaag waaweyn oo dhamaantood u wada socda jaamacad waxaan waayey hal qof oo u socda Wabarashada kale sida taan aqaaney ee hoose, Dhexe iyo Sare, Xitaa fiiri marka Duhurkii la soo rawaxo waxaa Goobaha Boosteejooyinka Buuxiya ardey Jaamacado kala duwan ka soo baxay halka markii hore ay ahayd in Boosteejoooyinkaas ay buuxin jireen ardey wadata dhar Midabo kala duwan

Anigoo la yaaban dhacdooyinkaas ayaa nin odey ah oo isna la yaaban Habka Waxabarashada Soomaaliya ay ku socoto ayaa yiri “ war nin yahow Waxabashadii waa Xumaatey “ markaas baan ku iri “ Walaal sidee u Xumaatey waataa loo wada dareerey Jaamacado “ markaas buu yiri” waxaan ka Cabsi qabaa in la waayo Waxbarashadii hoose, Dhexe iyo Sare waayo Dhamaan Iskuulaadkii Xamar ku yaaley waxaa la wareegey Dad Ganacsato ah oo ka wada dhigey Jamaacado waa yaabee Jaamacadahaasi halkey ka heli doonaan ardey soo gasha, waxaa ka sii yaab badan Dowladii oo aaney u habeysneyn Heerarkii Waxbarasho ee Dalka”

Waxaa uu sii raaciyey “ Dhowr Caruur ah ayaa ii joogto waxaan ka fekerayaa waxaan ka yeelayo Waxbarashadooda waayo hadii ay sidaan Waxbarashadii dalka ay noqotey waxaa mararka qaar I qabata in aanan geyni Wabarashada hoose, Dhexe iyo Sareba oo aan ogahay in Kharash Badan uu iiga baxayo, waxaana hadda aan goostey oo ii Qorsheysan inta aan Luqada baro aan jaamacad geeyo taasoo oo aan ogahay in la iga Aqbalayo. Ha ku daayo Wareerku”

Guntii iyo Gabagabadii Markaan Sheekada soo Xooriyo waxaan u garaabayaa Gabadheyda Afar Jirka ah sababto ah waxay Indhaha ku kala qaadey Saqiir Iyo Kabiir oo Jaamacado u dareerey marka loo eego Waxbarashadii Aasaasiga ahayd .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Aabbe Jaamacad i gee !! "

  1. sulayman says:

    waa arin ku soo korodhey somaliya sanooyinkaan dabme oo sida aad warbixinta ku sheegtey meesha waxaaba ka baxey waxbarashadii aasaasiga ahayd oo loogu gudbi lahaa jaamacada. runtii indhaheyga ayaan ku arkey rag aan dugsi dhexe iyo mid sare toona dhian oo degree ka wata jaamacadaha muqdisho ka dhisan waa cajiib! koley waxaan fili gobolada kale ee sida somali land,puntland ineysan ka jirin arimahaan oo kale . south africa 2013 waxaa imtixaanka dugsiga sare u fariistey ardey gaareysa 500,000 .

  2. Liibaan says:

    Waxaad ma dhawaajisay arrin malaha halisteeda leh. Sababtoo ah, sida aad sheegtay, jaamacad waxaa ka horeeya soo marista dugsiyada hoose, dhexe iyo sare oo a arkaanta lagu soo dhiso tiirarka aasaasiga ah ee waxbarashada ardayga. Dunida ma jiraan dal jaamacad layska bilaabo ayadoo aan la soo marin saddexdaas dugsi.

  3. Cali mahdi says:

    Acww mr Amin Yusuf
    Realy I miss u qoraladada waayo waxaad ka warantas Malaha arin mar walba tasgan xalna loo la’yahay
    Thaaks walal