Home » Warar »

Tawakal Express oo Bangi cusub ka furaysa Soomaaliya

War Murtiyeed

Tawakal Money Express oo Billowday Mashaariic Dhismeyaal Bangi (Tawakal Global Bank) looga hirgalinayo Soomaaliya
Tawakal Money Express (Tawakal) Waxay macaamiisheeda sharafta leh iyo dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ku wargalinaysaa in aannu ku gudo jirno yagleelka Bangiga (Tawakal Global Bank) ee Soomaaliya, Mashaariicdaas oo laga hirgalinayo goobo kala duwan oo Soomaaliya ah.

download

Dhismayaashaas waxaa loo isticmaali doonaa Bangiga iyo ganacsiyo noocyo kala duwan ah. Waxaa ka mid ah mashaariicda haatan socota, Tawakal Plaza Mogadishu, Tawakal Plaza Garowe, iyo Tawakal Plaza Galdogob iyadoo shirkaddu ay damacsantahay hirgalinta mashaariic la mid ah kuwan magaalooyin kale oo badan inshallah mustaqbalka dhow.

Tawakal Plaza Mogadishu waa Todobo dabaq oo ka kooban:
• Tawakal Global Bank – Xarunta macaamiisha ee Mugdishu.
• Suuq (Super Market) baaxaddiisu tahay 338 Mitir labo Jibbaaran, kaasoo
noqon doona mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn caasimadda Mogadishu.
• Hotel jiif heer sare ah, si hufanna loogu qalabeeyey dhammaan
adeegyada ugu casirayeysan – Afartan iyo Lix qol oo u kala baxa qolal
hal qof ilaa qolal VIP.
• Hoolka Shirarka iyo Xafladaha.
• Hudheel cunto oo heer sare ah iyo makhaayad lagu cabbo kafeega iyo
shaaha iyo cuntooyinka fudud oo casri ah.

Haddii aad rabtid faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan war murityeedkan, ama wareysi aad la yeelato
maamulka shirkedda, Fadlan nagala soo xiriir: info@tawakal.ae

Tawakal Plaza, Garowe. Tawakal Plaza, Garowe.
Tawakal Plaza, Mogadishu.
Tawakal Plaza, Mogadishu.Tawakal Plaza Garowe waa afar dabaq oo ka kooban:
• Tawakal Global Bank – Xarunta macaamiisha ee Garowe.
• Xafiisyo iyo qolol kala isticmaal duwan.
• Xarun suuq ’Shopping mall’ kaasoo loo dhaafay hal dabaq oo idil.

Tawakal Plaza Galdogob waa afar dabaq oo ka kooban:
• Tawakal Global Bank – Xarunta macaamiisha ee Galdogob.
• Hotel jiif heer sare ah, si hufanna loogu qalabaynayo dhammaan
adeegyada ugu casirayeysan – u kala baxa qolal hal qof ilaa qolal VIP.
• Hoolka Shirarka iyo Xafladaha.
• Hudheel cunto oo heer sare ah iyo maqaayad kafeega iyo shaaha lagu
cabbo oo casri ah.

Haddii aad rabtid faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan war murityeedkan, ama wareysi aad la yeelato
maamulka shirkedda, Fadlan nagala soo xiriir: info@tawakal.ae

Tawakal Plaza, Garowe.
Tawakal Plaza, Garowe.
Mareeyaha Guud ee Somalia, Mud.
Abdullahi Abdi
Tawakal Plaza, Galdogob.Tawakal waxay xarumo iyo wakiillo ku leedahay in ka badan 50 dal oo adduunka ah.
Tawakal waxay mar waliba maal-gashi ku samaysaa ‘Teknologiyadda’ ugu casrisan si ay
macaamiisheeda dunida daafaheeda ku nool u gaarsiiso adeegyo tayo sare leh, oo ay ka maqsuudaan.
Shirkaddu mar-waliba waxay si hagar-li’i ah u gudataa xilka ka saaran kaalinta ay u buuxiso horumarka bulshada ay u adeegto.

Mashaariicdan xiisaha leh, waxaanu u qiyaasnay inay ku gabo-gaboobaan ‘Insha-Allah’ 2015, arrintaasoo dhalin doonta faa’iidooyin badan oo u soo hoyota bulshada. Faa’iidooyinka waxaa ugu cad-cad: Fursado shaqo-abuur oo Somali badan shaqooyin ka faa’iidayaan xarumaha cusub, adeegyo kala duwan oo tayo leh, sida – Adeeg bangi, xawaalad, Hotello, Makhaayado, Dukaamo, Super Market, iwm.

Aad ayaanu ugu faraxsannahay horumarka aanu ku kordhinno had iyo goor gayyiga iyo bulshada Somaaliyeed laga soo billaabo 2003. Waxaana had iyo goor yool noo ah ku dhiirashada helidda habab cusub oo loo kobciyo tayada adeegyada aannu siino
macaamiishayada iyo bulshooyinka aanu u adeegno.

Haddii aad rabtid faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan war murityeedkan, ama wareysi aad la yeelato
maamulka shirkedda, Fadlan nagala soo xiriir: info@tawakal.ae
Tawakal Plaza, Mogadishu. Tawakal Plaza, Mogadishu.

Warmurtiyeedka  oo  Soomaali iyo english ah, pdf-na  ah hoos ka akhriso kana daabaco

Press release Tawakal Plaza Building.25.09.14 Somali (1)

Press release Tawakal Plaza Building.25.09.14 Final

La Xiriir: Mareeyaha Guud ee Somalia / Mas’uulka Mashaariicda, Mud. Abdullahi Abdi
Email: info@tawakal.ae

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.