Daawo: Maareeyaha Guud ee Shirkada Isgaarsiinta ee Golis, Siciid Aadan Axmed oo ay weheliyaan madaxda kale ee Shirkada Golis ayaa ku dhawaaqay inay hirgalinayaan canshuurta wacitaanka telafoonka oo ah daqiiqadaha ay isticmaalayaan dadku marka ay lahadlayaan gudaha iyo dibadba, kadib markii dowladu soo rogtay in canshuur laga qaado isticmaalka telafoonka. Hadalkii maareeyaha waxaa ka mid ahaa.
” … Dowladu waxay markale isugu yeertay shirkadihii oo dhan, waxay ka saxiixday shirkadaha dhamaantoonda inay laga bilaabo kowada bisha tobdnaan ay fuliyaaniin, ee awaamiirta dowlada iyo wareegtada madaxwaynuhu soo saaray, shirkaduhuna dhamaan waa aqbaleen wayna saxiixeen, waxay ahayd in arintaan la bilaabo kowda bisha tobnaad, laakiin markale shirkaduhu waxay ka codsadeen dowlada maadaama lagu guda jiray munaasabadii ciidul Adxa, in dib loogu dhigo dadwaynaha waqtigaas oo ay munaasab ahayd in dadwaynaha lasiiyo promotion-no iyo qiimaha loo jabiyo sidaa daraadeed dowladu way ka aqbashay, hadii ciidii laga gudbay, Shirkada Golis waxay markaa rabtaa macaamiisheeda inay u gudbiso, in lagaaray waqtigii lafulin lahaa wareegtadii dowlada oo ay ka dhalanayso, in daqiiqadihii jiray lasaaro cashuurtii dowlada, …………..maantana waxaan u taaganahay inaan dadwaynaha u gudbino in talaabadaasi ay hirgalayso bari oo jimce ah”
Xigasho:RBCradio
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.