Home » Faallo »

BADBAADADA DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED HALOO HURO 6 saacadood oo…

DIFAACA DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED

Waxaannu la wada soconnaa in Maxkamadda Caalamigu aay mar dhow bilaabidoonto GO-AAN KA GAARISTA dhulbadeedka Soomaaliyeed oo aay Kenya rabtay muddadaan oo dhan in aay boobto.

Waa ayaan darro in annagoo wada arkeyna KHIYAANADA, XADGUDUBKA, iyo BOOBKA muddada dheer soo socday (2009) in aan ka aamusno oo aan dhagta u taagno Maxkamadda Aduunka (ICJ) ayaa go-aan ka gaareysa. -Waa arrin khatar ah-.

Sidaad la wada socotaan horay ayaa nalaga eexda (N.F.D.)

Soomaali badan ayaana shaki iyo walwal ka qaba caddaaladda hadda laga sugayo Maxkamadda Aduunka (ICJ).

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed oo ku nool GUDAHA iyo DIBADDA ka codsanayaa in hal galin (6 saacadood) oo kaliya aay u huraan BADBAADADA DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED ayagoo ugu tala galaya BANAANBAX NABADA AH oo aay ku muujinayaan codkooda.

badda_bashiir

Horay ayaan dhowr jeer u iri:- HADDII SI CAD NALOO DHACO OO BOOBKA LA SHARCIYEESTO, CALAACAL IYO QEYLO IYO MUDAHARAAD WAXBA INOOMA TARAYAAN EE HADDA INTA GOORI GOOR TAHAY AAN GACMAHA ISQABSANNO OO AAN MUUJINNO CODKAYAGA.

Waxaan si gaar ah HOOYOOYINKA Soomaaliyeed uga codsanayaa in aay u istaagaan Difaaca dhulka HOOYO iyo baddaas khatarta la galiyay. Hooyada Soomaaliyeed ayaa baraarujin karta oo kicinkarta RAGGAAN seexday nus qarniga oo aan kamidka ahay.
Nasiib wanaag Hadda waxaan heysanaa Dowlad la ictiraafsanyahay oo aan ku daba safankarno.

YAAN LOO KALA HARIN LIXDAAS SAACADOOD.

Arrintani ma ahan mid khuseysa Federaalka iyo SIYAASADDA…………
Waa arrin ku saabsan in aan ADUUNWEYNAHA tusno khayaanada iyo boobka aay damacsantahay Kenya iyo sida aan uga soo horjeedno annagoo isku wada duuban.

FEDERAALKA iyo DIB U HESHISIINTU HANOO DAMBEEYEEN

Waa arrin deg deg u baahan in la sameeyo inta uusan dhicin Go-aanka la rabo in wax lagu sharciyeesto.

badda_boob

badda_ladhacayo

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " BADBAADADA DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED HALOO HURO 6 saacadood oo… "

  1. Sayidcali says:

    Waa arin Fican yaan loo kala harin laakiin anaga yaa noo difaacaa oo noo matalaya maxkamada sababtoo ah kenyan waxay isku keentay quburo ajaanib iyo kenyan iskugu jira

  2. Khadar says:

    IS THERE A TIME AND PLACE FOR THIS EVENT?

  3. Ahmed says:

    we need to Take Action and Mobilize the Somali Population every where.
    We MUST FIGHT The Corruption. I will start from my side and the city I live in. Pls someone open a Facebook for this subject to Mobilize the SomaliNation

  4. asc waan kaaga mahad naqayaa alle kasakow mowducadan ,waxan diyaar lanahy inaan wax walbo oo an awoodno uhurno dalka yaga lkn hour socod manihin.shimbiro yaroo hesaya ayaynu nahay

  5. Calimahdi says:

    Waa sharci daro in la boobo hantida qaranka somaliyeed
    Kenya waxaa doonaysaa inay xalashato umadaan is cunaysa ee ay dowladeedu iibsanayso bad iyo berii ba
    Xildhibaanadedda inta badana yihiin dulaaliin
    It’s illegal what the Kenya government doing we can’t except what mr Hassan and his brokers doing
    Hey Somali please get up and look what’s going in u r county

  6. waxaan diyaar u ahay 36 sacadood oon u taagnaado dhulkayga iyo dalkaygaba