Home » Warar »

Banaanbax looga soo horjeedo Madaxwene Xasan Shiikh o qaban qaabadiisa ka socota Dalka Mareykanka .

Warar goos goos ah --

– Ilaalada Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo Diley Ruux Rayid ah.

– Muwaadin Soomaliyeed oo loo Magacaabey Kuxigeenka Hayada UNICEF.

– Qarax Saqdii Dhexe ee Xaley ka dhacay Garaash ku yaal Degmada Hodon.

– Dagaalo Xaley ka dhacay Saraha Caymiska ilaa Qabuuraha Barkaad .

– Dagaalo ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 4-8-2014

· Waa Dalka Mareykanka qaar ka mid ah Gobolada Dalkaas ayaa waxaa ka socdo qorshe bannaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh oo kaqayb galaya Kulanka Madaxda Afrika iyo Mareykanka. Cabadulaahi Cabdicasiis oo ka mid ah Qabanqaabiyaasha Banaanbaxaasi ayaa Saxaafadda u sheegey in Ujeedka loo qabanayo Banaanbaxa uu yahay markii Dowlada ay ku fashilnatey arrimo fara badan Sida Dib uheshiisiinta , ku Xadgudubka Dastuurka , Dilal Xildhibaanada iyo Rayidka, Musuqmaasuqa, Dagaalada ka soo Cusboonaadey iyo Feregelinta Badda Soomaaliya.

· Ilaalada Guriga Raiisul Wasaare Cabdiweli ShiiKH Axmed ayaa Habeenkii Xaley diley Ruux Rayid oo ku sii jeedey Gurigiisa oo ku yaaley Xaafada Ex- Fiyoore, waxaana qodfkaas ay dileen lagu Magacaabi jire Mustaf Xasan Caate, ilaa hada lama garanayo Sababta loo diley ruuxaas Rayidka hase yeeshee warar baa sheegaya in Ciidamada ay ka shakiyeen , sidoo kale wax war ah kama soo bixin Xafiiska Raiisul Wasaaraha oo ku saabsan Dilka Ruuxaas .

· Habeenkii Xaley ahaa ayaa dagaallo waxay ka dhaceen agagaarka Jidka Warshadaha gaar ahaan Carafaad iyo Saraha Caymiska , waxaana Dagaaladaan ay u dhaxeeyaan Ciidamada Dowlada oo Halkaas ku leh Saldhigyo iyo Xarakada Alshabaab , dagaalka ayaa bilowdey ka dib markii ay halkaas weerar ku soo qaaden Xararakada Alshabaab , waxaana Dagaalkaas la isku adeegsadey Hubka Nuucyadiisa kala duwan iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn Khasaaraha kala gaarey Labada Dhinac , Dagaaladaa ayaa Waqtigaan dambe Deegaanadaas ku soo noqnoqdeen.

· Garaash ku yaala Degmada Hodan gaar ahaan Shaneemadii hore ee Hodan waxaa Saqdii dhexe ee Xaley ka dhacay qarax aad u weyn kaasoo si aad ah looga maqley Magaalada Muqdisho, waxaana Goobta markiiba gaarey Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka, Laamaha amniga way sheegeen in Qarxxaasi uu waxyeelo u geystey Gawaari ku dhawaa hase yeeshee waxay sheegeen in ninkii lahaa gaariga iyo kii laga soo iibiyey iyo Dadkii iyana lahaa Garaashka Xabsiga loo taxaabey si Su’aalo loo weydiiyo.

· Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban KI Moon ayaa ku Xigeenka Hayada UNICEF u magacaabey Mawadin Soomaaliyed oo lagu magacaabo Prof Cumar Cabdi oo la sehegey in mudo ah uu ka soo shaqeynayey Hayadda UNICEF iyadoo Sannadkii 1982 waxaa uu ka soo qalin jabiyey Jaamacada Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Kuliyada Engeneeriya ka dib waxaa uu Waxbarasho kala duwan ka soo qaatey Dhowr wadan , Sannadkii 1996-1998 waxaa uu noqdey Wakiilka UNICEF ee Dalka Lebeeriya , Sannadkii 1998 waxaa loo Magcaabey Wakiilka UNICEF ee dalka Gaana, 2000 ilaa 2003 waxaa uu noqdey Agaasimaha ku xigeenka Hayada UNICEF Xarunta Qaramada Midoobey ee New-york

image

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegaya in Habeenkii Xaley ahaa Magaaladas uu ka dhacay Dagaal kaaso u dhaxeeyey Ciidamada Maamulka Jubba iyo Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab , waxaa Dagaalkaas la sheegey Iin uu socdey Muddo Saacad ka badan iyadoo labada Dhinac uu kala gaarey Khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac , Maalamahan waxaa Magaalada Kismaayo iyo Duleedkeeda ka dhacay dagaalo soo laab laabtey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Banaanbax looga soo horjeedo Madaxwene Xasan Shiikh o qaban qaabadiisa ka socota Dalka Mareykanka . "

  1. sacadadiin says:

    Qilaaf iyo banaanbax maaha wax faa’ido ugu jiro Mujtamaca Soomaaliyeed.

    Hadii uu Madaxweynaha yimaado Cariga Mareykanka waxaa haboon in sidii ugu wanaagsaneyd ee loo qaabili jirey ama loo soo dhaweyn jirey Madaxweyne loo soo dhaweeyo. sababtoo ah dhamaanteen waxay faaido noogu jirtaa in dalkeenu noqdo mid leh DOWLADD WANAAGSAN SI QOF KASTA OO MUWAADIN AH U HELO NOLOSHII UU RABEY. Taasina waxay ku xiran tahay hadba sidii aan ugu bedeli lahayn dhaliilaha aan qabno WAX SHEEG IYO WAX TOOSIN.

    wax alaale iyo wixii dhib ah oo jira haba ugu horeyso arimaha Badda soomaliya, waxaa haboon in la diraayo cabasho kadibna dowladda ama baarlamaanka ay sidaasi uga doodaan. waxaasi oo dhan waxaa ka muhiimsan in la soo dedejiyo si wanaagsan oo taysana loo dhiso Ciidamadda Difaaca Badda Soomaliyeed.

    Somalitalk waxaa tihiin website-yadda ay dadka soomalida ah kuwooda jecel wanaaga iyo horumarka ku tiirsan yihiin. marka waxaa haboon inaad dadka u soo gudbisaan wixii danta guud ah.

    waxaaa haboon in dowladda la taageero, kadibn wixii dhibaato ah ee jira lagu xaliyo wax sheeg, wado wanaagsana loo maro.
    WABILAATI TOWFIIQ