Shirkii Golaha Wasiirada oo Galabta Lagu Magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka
Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada DFS:
Muqdisho, 24, Luuliyo, 2014….Golaha Wasiiradda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa looga hadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo xil ka qaadis lagu sameeyey Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka.
Golaha Wasiirada ayaa warbixin ku aadan ammaanka guud ee dalka ka dhageystay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, waxaana uu sheegay inay Wasaaradu qaaday olole lagu ogaanayo hubka sharci darrada ah ee dhex yaala magaalada Muqdisho ee lagu waxyeeleeyo dadka shacabka ah.
“Mudane Ra’iisul Wasaare Wasaarada Amniga Qaranka oo ka duulaysa falalka guracan ee nabad-diidku maleegayo waxay qaaday tallaabo lagu sugayo amniga Muwaadiniinta laguna ogaanayo hubka sharci darada ah ee dhexyaala Magaalada Muqdisho, laamaha ammaanku waxay gacanta kusoo dhigeen xubno muhim ah oo shabaab ka tirsan, tanina waxay calaamad u tahay wada-shaqaynta Dowladda iyo shacabka” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay dhawaan in la soo saari doono sharciga hubka si dowladda Soomaaliya awood ugu yeelato inay xakamayso hubka sida sharci darrada ah loogu sito magaalada. Isagoo dhanka kalana baaq u diray beelo ku dagaalamay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya Caabudwaaq. Waxaa nasiib daro ah in deegaanada qaarkood ay dagaallo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada dhexe, waa in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuud ka tahay, xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qaadato doorkeeda ku aadan in xal laga gaaro dagaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli
Dhinaca kale Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax C/qaadir, ayaa golaha u soo gudbiyey warbixin ku aadan hay’adaha Garsoorka oo uu sheegay in loo baahan yahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo. Goluhu wuxuu cod aqlabiyad ah xilkii uga qaaday Xeer ilaaliyii hore, isla markana wuxuu u magacaabay mudane Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo khibrad iyo aqoon dheer u leh sharciga iyo arrimaha Cadaaladda.
Ugu danbayntii golaha ayaa ka dooday warbixin u soo gudbiyey wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, taas oo ku aadan dib habayn balaaran oo lagu sameeyo shaqaalaha dowlada, si kor loogu qaado tayadooda iyo aqoontooda.
Halkan ka dhegeyso warbixinta golaha wasiirada
—-DHAMAAD—
Axmed Nuur Maxamed
Waaxda Warfaafinta ee XRW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so
ascww golaha wasaarada ee soomaaliya hadey maanta iga yeelilahaayeen waxaan dhihi lahaa is casila,sababtuna waa laba shay wax qabad la,aan iyo caddaalad daro is biirsatey.
wax qabad la,aanta waad arkaysaan meesha ay dawladnimadii taal marka loo eego maalintii ay shariif iyo cabdiwali kala wareegen,amaan ma jiro horumar ma jiro,sharci la ilaaliyaa majiro.qodobka kale cadaalad ma jirto faarax cabdulqadir baaba cadaaladdii loo dhiibay halkaas kaliyaad ka garanaysaa,haddaanse faahfaahiyo cadaalada waa sharciga la dhigtay oo la ilaaliyo.
gudoomiyaha baarlamaanka lagugu khasaar halkaas buu na dhigay baarlamaankii la rabay inuu ilaaliyo sharciga waa maxay habeenkii la yiri gudoomiyaha baarlamaankaa la dooranayaa wixii aan ku farxay markaan arkay jawaari oo la doortay,mawaxaad moodaysaa inaan la hayb ahay oo sidaa ugu farxay maya,waxaan is is iri waa aqoon yahan waayo arag ah cadaalad daradii awladdii siyaad barre ridayna goob joog u ahaa oo wax ka bartay waase habeen dantiisa kaliya yaqaan,taasaana keentay in xasan iyo faarax caddaalad daro nagu dhaqaan haddaan nahay soomaali.
war is casila oo meesha baneeya,cadaalad iyo waxqabad nooma haysaan hadaad wanaag nagu dhaqi lahaydeen waan iin taageeri lahaa waayo anaa ubaahan cadaalad iyo waxqabad oo arkay silica qaxootinimada